Kamaavi Posted September 27, 2010 Qabqab hadalku iigama tagee waa qotomiyaayee Qalinkaba hadaan khadi ku jirin xaashi qori waayee Nimay luguhu qaar goan yihiin qaab u socon waayeee Biyo meel qarsoonoo khatara kaga jira qow fog Adigoo haraad qaba durbaba kuma qabowshaane Hadiise qaawa geel kuu dhashiyo qaabil sidigteeda, Qaabkeeda goortaad dhantaa lagu qaboobaayee Qabsaday qoraa waxaan hayaa qodobadiiye Inkastoo suldaankii qiray oon qoray wuxuu sheegay Nabi aadan oo qudha markuu Qaadirku abuuray Ase qoys inay wada noqdaan loo qadaray Xaawa Tarankoodii labadaa qofe qaaradaha buuxshay Quruumihii ka beermay ee la rogay ee qabriga aaday Iyo maanta qoomkeenan nool ee qudhu istaageyn Marka buunka laga qaylisiin qaarka dhalan doona Malaa'iga u qoran baa jira qodobna dhaafayne Qalad kuma daraan shayga dhaca mana qabyeeyaane Mana jiro waxaad qarin kartaa ama qishaysaaye Afkaagoo qufalanbay xubnaahagu kugu qirayaanee Kiyow qalin jabinta ka waran ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 27, 2010 Spontaneous .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 27, 2010 Inaan gabay abuuraa haday, ila ekoonaato Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abbaaraaye Kiiyow gabay kusheego kaalinteed gashay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 27, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: La qabso xaaji ,,,, meeshani way kaa wayntahaye xejiso Wax weyn iyo wax yar ba laga ma hadleyn eeh Xaajigu Maansada uun buu idin yara toos toosinayey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 27, 2010 Jacaylbaro do you know the guy on the far left he is a teacher called Muse cabdi Cilmi samatar. He used to live in germany before he migrated back to Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 28, 2010 Aan u soo noqdee ,, wuxuu yidhi: Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane Galbeed iyo Barri buu is qabsaday, galalac baaruude Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye Raggii garaad iyo aqoonba, Guulle ku manaystay Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 28, 2010 @ Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye Ujeedada gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi: Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e diga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye! Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 28, 2010 Sowtii afku juuqda gabay markii lagu yidhi: Burrusow Dameerow Biyo ceel ma keenow Hadba dhaan ku biirow Beelaha aroorka ah Iska daba boqoolow Bulsho waxay ku leedahay Geela baadi soocdiyo Sumaddiyo birqaabka leh Boodaanta wada xidhan Meeyey baarqabkiisii Baqal looma tu'iyee Yaa baacso kugu yidhi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 28, 2010 Barabaraale shabeel iyo heesihii hawraawi intaad ku wareegaysan , Sowtaan ku idhi : Fardo guul aroor iyo cokani, looma kala goyne Geelaan ceelka tubay looma darin, gaawe maax kulule Gargaar Eebahay baa la siin, sharaftaa goomoone Gudguduudkii waagaa u baryaye, galabba ma ahayne Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye Haddii awal gafuurkii xidhnaa, jiitin laga gooyey Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 29, 2010 Ido boqol kun gaadhoo Barqanaaya doog baan Hadba baal u rogayaa Bahalaha ka rebayaa Barkan maayo gacantoo Baashaali maayee Cabdiyow bal ila soco Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 29, 2010 Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe Ilamahan galabtuu iman, aabihii dhalaye Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe ******e Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 29, 2010 Haddaad duullimaad tahay Riddo waa u meel dayo Docor yohow abtiriyaa Armaad dogobka qiiqa leh derintaad ku huruddiyo Dushaaduun ku hurisaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 29, 2010 Ma dhaweyn goortaan ku dhahay ,,, Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 29, 2010 Murtiddaadu Booshaaq Badhax iyo cindiid iyo, Sida caanihii baqay Buqbuqood hadday tahay, Anna biirta maansada Ereyada baryoodka ah Balalaan ka qaadaa. Baashaal hadday tahay Markaad gurato beesado, Buculloow manaam iyo Riyo lagu ballaysimo; Adaa boowe seexdee Anuu baal ma soo rogo. Hadday buur ku joogtoo Buska hoose neceb tahay, Anuu boodhka kama kaco. Buubaal hadday tahay Oo baalal leedahay, Waa baayadeedee Badhidaan ku siqayaa. Hadday biira-biiriyo Bakhti iyo nijaas tahay; Oo booli lagu sabo Bisinkaan ka haystaa. Hadday seebab bixisoo, Badaa cido ku dhaqan tahay Baan loogu talo galay, Waxa biisay oo qudh ah Barrigaan ku noolahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 29, 2010 Ninka buraan burahayow , 100 sano ayaa laga jooga markuu yiri... Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise Quote Share this post Link to post Share on other sites