Jacaylbaro Posted September 26, 2010 weligaa ha tumin seefo iyo sabradaha mawdka darsamaysn baa yaala, ninku siin karaa haysta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede maansadan mid loo dhigo hadaad hayso soo qub ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2010 Wax ma maqashid adigu ,,, horaan kuugu sheegay oon kuu idhi: duufaanku ima lulo dulin hoose ima galo dardaraale ima rido digdig beena kuma ruqo cirka danab ka soo dhacay deli igama raarrido kuma dumo tab iyo xeel ............ Wax fahan niyow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted September 26, 2010 ^ JB: Maanta oo dhan heestii Hadraawi ayaad hadba kusoo celcelinaysaa, ee wax kale meesha kuma haysid miyaa? Hooraana loo sheegoo, nimankaan Kablalax murti kuma gaari kartaane, marfashkaaga iskaga qayil saaxiib! Wiyishoo marmaartoo markaas meela badan daaqdey Oo labada gees muujisoo maqasha dhaarsiisay Ninka yiri anaa madaxa qaban, malaha waa been'e Mabda'eena sida leeb lagalay ha u maqiiqnaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2010 Adigu ma fahmi kartid waxa la sheegayee bal dhinac uga joogso ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted September 26, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Adigu ma fahmi kartid waxa la sheegayee bal dhinac uga joogso ..... Adiguna marfashyada iyo qayilaada ayaad ku fiicantihiinee, meel rag isku haleelay daqiiqado ma joogi kartaane, faanka iska daaya. Waa la yaqaanaa raggaan Kablalax meesha ey idiin ka soo hareene. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2010 Nin baydhsadayow dan guud Waxaa jira baadi-doon, Af booli wixii ku maqan Col soo bedayaa ogsoon, Badraanno hadday jiraan Barqaa lagu waayayaa, Hadday wada baar-qab tahay Wixii dhacay geed Berda ah Fircoonnada baaxad dumey Beryii tegey baa hubsaday, Dhufaanna bir waa yaqaan. Hadday wada B.M tahay Buruud kiciyaa dul yaal, Waxay bohol jiidhayaan Libaax bulbullaa ku jira In baal sidataa dahsoon In baabbacalaa digtoon Dhashii Beder baa xidhxidhan Biddena camalkiis u daa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2010 Dacwadayda Ciinow Dire dire umaan tiring Deel-qaaf ka xeel dheer Uma jeeddo daw dhaaf Daandaansi kama wado Ka da'weyni ruuxaas Derejiyo xil-qaadkeed Nin u dudaya maan ihi Damac wayga xaaraan Dilla gabay ku faankiyo Doqonniino hadalkiyo I dayaay wax kum falo Maba lihi dareenkaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin Malaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laaya Oon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deynin Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid Kiiyow xaflad wanaagsan ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2010 Hada malaa mabaad fahmin waxaan ku idhi ..... Damac wayga xaaraan Dilla gabay ku faankiyo Doqonniino hadalkiyo I dayaay wax kum falo Maba lihi dareenkaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 26, 2010 labadina hadaad is leedihin isku gabya xaraf kaliya ka bilaaba xarafkaas na ku so gunanada. wamaxay d baan ka gabyaya K ba la igu jawabaya. Wati la odhan jiray Miinka an kaga bilaabay miyaan marin ka habawshay Mudanow aflow iyo sidi muxummad ma u yeedshay ama Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey ama Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 27, 2010 La qabso xaaji ,,,, meeshani way kaa wayntahaye xejiso Quote Share this post Link to post Share on other sites