Kamaavi Posted September 16, 2010 Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray shan ka mid ah ciidamada booliiska intii ay ku jireen hawgalkaasi. web page Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted September 16, 2010 We never doubted their ability in dealing with petty crimes. Good work. Have they surrounded this ones as well? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 16, 2010 The police is doing well. But its the SL armies that need to game up... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 16, 2010 East & West .... Nin baa laga sheegayay "Adakiyaa ma dhagax baan ahay" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 16, 2010 waryee jb waxaad isoo xasuusisay qawdhankii baskoolada lagu qabtay ,,, ... ee dhahay "Budhka waan ku cadeydaa." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 16, 2010 Waa halkii Hadraawiye: Waa goorma goorteed Gef dhacaan u haystoo Godob baan tirsanayee Sow waa gartoodee Garas jilif leh baan ahay. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Waxaan ahay ma guuraan Gantadaydu adakaa Gaashaan biraan ahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 16, 2010 ^ @ gashaan biraan ahay.... Waa kobtii Gojjaa dhacdiide ,,,, Nimay libintu raacdaan ahoo wali ku laafyoone Laba hadalka dhacayaad kagaran laablakiciskaaye Lixdan iyo sagaal baan diluu low-lowgii yidhiye Inuu leeb gilgilay waad kagaran lahansigeedaaye Liyuu booliskuyo waxay hayeen cunay laftoodiiye Waataan laadkiyo la dhacay qoriga liishaane Naf la caarigii Ina Iley wakaa BBC luraye Lahankiyo wakaas neefta badan neef lo'oo kale Laxaw iyo kulaykiisa waa laqanyo beer jiife Ku lugoow wayaanuhu xilkuu saaray luudkaniye Labadhari ninkii karinayoow kaaga lulufayso Ladnaan aadan aniga igu qabin ha u lulyoomoonin Looshane faraskaygu wuu liisha dheer yahaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 16, 2010 Xataa Salaan Carrabeey baa ku dhaama adiga: Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka Oon Summad wejiga kaa iftiyo Soofe kugu duugey Saabaanna aan kugu xidhxidhay Sagabihii Koore Surka Xadhigga Seetada lugaa kaa sanqadhi doonta Ninkii aniga kaa igu sukhraday saac ha kuu bixiyo Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 17, 2010 Sacaadaas ayey salaan carabey ku meeraysataa....,, saxiib wax fahan oo garo waxa laga hadlayo... Bal horta akhri ..... Lixdan iyo sagaal baan diluu low-lowgii yidhiye Inuu leeb gilgilay waad kagaran lahansigeedaaye Liyuu booliskuyo waxay hayeen cunay laftoodiiye Waataan laadkiyo la dhacay qoriga liishaane Naf la caarigii Ina Iley wakaa BBC luraye Lahankiyo wakaas neefta badan neef lo'oo kale Laxaw iyo kulaykiisa waa laqanyo beer jiife Ku lugoow wayaanuhu xilkuu saaray luudkaniye Labadhari ninkii karinayoow kaaga lulufayso Ladnaan aadan aniga igu qabin ha u lulyoomoonin Looshane faraskaygu wuu liisha dheer yahaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 Maxaad kaga soo celcelin ,, soonigii ku idhi: duufaanku ima lulo dulin hoose ima galo dardaraale ima rido digdig beena kuma ruqo cirka danab ka soo dhacay deli igama raarrido kuma dumo tab iyo xeel dibin daabyo mooyee digaxaadhku ima tebo nin danaystay ima tebo nin darjiidhay kama naxo nin u go’ay daraadday isba garey daraadday in dalleemo lagu huro. nin dushayda ku xajiyey iska daansha daanshoo sidu iigu diran yahay ayuu iigu dagan yahay nin Dagaar fog iga koray anaa daaf u soo roga marna waxaan dammiintaa nin dil iigu xidhan geed. Danni kuma tallaabsado wax dahsoonna uma tago demmanida shil kama dhigo ma aqaanno digashada haddaan lay dardaar werin. Dib waxaan u dhigan karo degdeggeeda kuma qalo waxaan daadshey baa jira intaan daastey baa jira intaan daastey baa badan. Daymadaydu waa gelin duur-xulkaygu waa seben dul-qaadkaygu waa guun digniintaydu waa boqol Wax fahan niyow ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 17, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Maxaad kaga soo celcelin ,, Cause its related to the marmara mountain incident. Wax fahan! Originally posted by Jacaylbaro: soonigii ku idhi... Wixii lagu yidhi ayaa ka badan.Gabaygaas oo fresh ahn ku darso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 Halkaasay kaaga dhamaatay ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 17, 2010 Faanka waa la iga badiyaa ,,,,, lakiin kuwo kaloo cusub (with Awdal uprising) filo... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 24, 2010 Geesiyaashii raamaha lahaa riiqe cadowgiiye Oo rug cadaaggii tigree waa la raamsadaye Guutooyinkey soo rareen raacyar baa hadhaye Hareeraha markii lagaga riday ruushaka qorigiisa Ee rubadda laga toobtey bey ragax yidhaahdeene Siddii shiinihii loo rafacay bari ka soo roorey Ee ururki roondadda ahaa aarku ugu reemey Ee riigaggii loo furfurey gaas raranaayey Ninkii madaxa raban raabsanaa raabuq dhimirkiiye Regimekii dulmiga lagu yab yabey wuu ruxanayaaye Rocketkii dhanaan laga ridaa raarta loo dhigaye Rukumaduu ku taagnaa hadeer qaar dhan baa ruqaye Oo ruumki uu seexan jirey gaadhyey rarankiiye Jabhadihii galbeed loo rarey sii ruqaansada’e Qalbi dhagax rastadi dirir dhabaad gali raggiisiiye Oo intuu rakibay hawsarkii saar ridada dheere Riishkana waxaa lagu hayaa meeshii loo rabaye Oo sheikh deeq rushada inuu yidhaa roobka kaga yeela Oo rakaalka laga soo amrey raajicinayaane Ra’iiskii wayaanaha xiligu dhab u rakaateeye Rabshadahii sidey ugu fideen raaska gurigiisa Ribaddii siddii looga jarey uu waayo badan ruugey Ray raynti waa laga la’yahay ama riyaaqiiye Rafiiqiisi duul baa ku direy wadana raadceeye Oo raaliyadu qabey koley ku tahay ruux ma aamino’e Oo waa kaas runduda meel sidii awr ragaadsamaye Walowse rooma loo qaaday iyo weliba roodhiisha Oo raajo lagu fiiriyey iyo weliba radaaro Oo faleebayaal lagu rakibey raysad laga waaye Wuxu yidhi rafaad baan qabaa raaxo li’i weyne Risiq kala tagnoo waa horaan daayey rudhidiiye Hurdana raadinteed waan dhigay ama rukuuceede Nimankaa rastada dheer leh ee guraya raadkayga Raxan raxanta nimankaa u mari riiracyada faafan Nimankaa riyada igu dila ee ruuxda iga goya Rabta ay ka soo kicitimaan amase reerkooda Iyo ani waxay iga rabaan raadsha sababteeda Xaajayada wixii lagu raftoo waayo lagu raago Mar waxay ragaasto oo hadana kor isu raartaaba taladdii waxaay ramatey oo laysku wada raacay Roxaan in laga cuudiyo oo faalna loo roga’e Alleelaha markii loo ridey ee rabadhka loo uunshey Ri’i madow markii loo qaliyo diigag laba raafle Inay JWXO raaska u degtey roytar lagu sheegye. Ummaddu rakuubsaday ayaa rogotey caynkiiye Markii ay cidhbaha ugu radsheen ruumad ololaaya Rafashada wan gowracan siddiis ridiqyey duurkiiye Xaqayagii ay raqaayeen ama bangiga lagu rasaynaayey Ee ay uga rakaateen sidii raray diraac jooga Raqabada hadaan laga bireyn kama ruqayaane Maantana markuu raawisey ee tabari ay reebtey Ragcad qudha inuu rogo markii lagaba rokeeyey Sheekaddiisii raqiiska ahayd ee waayo laga raystey Iyo riwaayad uu horey u dhigey soo rogaalceliye Raqtir iyo kutaan iyo abees rudhaya jiidhkeena Rixin go’ys illaahay nacay oon waxbaba reebin Dabaqoodhi laga roone ah oo wada rufyaaniin ah Iyo raranayaal goorkastaba raarka lagu qaato Riyaal qudha wadaad doonaya amase geel raacyo Rubbad duulal lagu soo qortey ama la soo raafey Intaas oo dhamaan kala ra’yi ah oo isba roori Oo Zenawi sida ey raba ah daba raqlaynaaya u rujuucid moyee rag aan xumaba reebaynin oo inay ridiyi amar marnaba laga rajeyneynin oon ruulka jabineyn xitaa haddey rogayi dhalaankooda oo uu sida rumuudkii u hagi amase radaalba bulshadana iney kala raraan lagu rabiineeyey oo rubuc ku dili hooyadood rooti iyo buuri oo kal ugu rixini gaaladaa roorsan dumarkooda oo koodhadh lagu soo dhex ridey iyo tayo wada reedh ah rinjigi kalana lagu buufiyey soo tub rigadiiye Ha yeeshee rijaaladan halgami ee xabashka raacdaysan In la tuuro reeryada kuwaa oonta uga raagey Iyo shacabkan wada raacsan ee **** ruclaynaaya Ee calankan inay soo ridaan rayfalka u qaatey Qofna inaanu soo rogi kareyn sow wax runa maaha Raayaha ninkii laga baxshey ee jeelka lagu riixay Ricidhada ninkii laga tumey iyo ruugagiyo iyo lowga Ee racfaanka loo diiday ee rahanka loo haystey Risaaladda ninkii loo qorey ee loo rigrigay beenta Ee rikoodhka laga duubey iyo weliba raadyowga Reexaantiyo ninkii uumiyaha rayska ugu faaney Raali kama ahayn sheekadaas oo ma uu rabine Rasaas iney wadnaha kaga qabteen sow wax runa maaha Isagoon rankii haynin iyo raani iyo baashi Oo jookerkii raaran yahay yeegna laga reebay Raandhada ninkii diiday ee biiga wada riixday Ee yidhi anaa rayn intuu tobanle soo raacay Intaanu turubka soo ridanin ee guushu dhinac raacin Rambas inuu ku jiro goor horaba sow wax runa maaha. Dhulkayagan ramaaskiyo nimcada eebe ugu reeyey Ee uumiyuhu wada rajeyn inuu ku raaxaysto Ilaa raybad khaatumo ilaa raaso iyo baali Dhulka dhudub ka soo rogan ilaa raaracyada haarcad Rugtii dirir dhabaad iyo jigjiga amase ramaale Dhulka raatub lagu mayraco ee rucubtu lalaado Ee ramadka lagu maalo ee rimaydu daaqeyso Ruquushada dhulkaa lagu tumo amase raad dheerta Ruqso li’i ninkii soo gala ee cuna ramaaskiisa Rabrabtiisi inay soo deg degi sow wax runa maaha Rabi suge ma iishee ninkii samirka raandhiista Rasuulkii udgoonaa ninkii raaca taladdiisa Raxmaddii illaah inu hantiyi sow wax runa maaha kiiyow kaasna labo ku dheh ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule Kiiyow kaana ku saddex dheh ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites