Sign in to follow this  
General Duke

Qardho City elects a new mayor.

Recommended Posts

Qardho:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Gudi Wasiiro,Wasiiro Xigeeno & madax kale isugujira ay kusugnaayeen Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee dawlada Puntland ayaa Waxaa maanta ay magaaladaasi yeelatay Duq cusub & kuxigeenkiisa kuwaas oo noqonaya kuwii ugu horeeyey oo ay Qardho yeelato kadib 4-Sano oo ay si kaamil ah u buuxsadeen Golihii Hore ee Degmadaas & kuxigeenkiisa oo islamarkaasna ahaa Madaxda Golaha Deegaanka ee Qardho.

 

Munaasabad Doorasho ah oo siweyn loosoo agaasimey oo kadhacday gudaha magaalada Qardho ayaa maanta si toos ah loogu dhaariyey Golaha cusub ee Deegaanka degmada Qardho oo ka kooban 26-Xubnood oo Rag & dumar isugujira waxaana Dhaarinta kadib Halkaas ka dhacday Doorashada Golaha Deegaanka ee Qardho.

 

Doorashada Golaha Deegaanka oo ay maanta kasoo qeybgaleen Dadweyne aad ubadan Wasiirada Maamul Wanaaga,Kuxigeenka arimaha Gudaha,Wasiirka deegaanka,Wasiir xigeenka Haweenka & madax kale oo ay kujiraan Xildhibaano katirsan golaha Baarlamaanka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ahayd mid xamaasad badan,waxaana u tartantay laba Musharax oo uu midkood yahay duqii hore ee Qardho halka midka kalena uu yahay Duqa Cusub ee ay maanta Qardho yeelatay.

 

Doorashada ayaa waxaa si toos ah ugu guulaystay Maxamed Siciid Ciise (Guul) oo ahaa Musharax la tartamayey Duqii hore ee degmada Qardho Cismaan Buux cali kuwaas oo kala helay Codad aad isugu dhow waxaana uu Duqa Cusub helay 15-Cod halka Cismaan Buux Calina uu helay 11-Cod oo ah codadkii Golaha Deegaanka ee Degmada Qardho oo lagu kala baxayey.

 

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu doortay Gudoomiye xigeenka Degmada Qardho islamarkaasna ah Gudoomiye xigeenka Golaha deegaanka ee Degmadaas,Waxaana u tartamayey Cabdirisaaq Cali Cartan & Burhaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Waxaana ku guulaystay Cabdirisaaq Cali Cartan oo noqday Gudoomiye xigeenka Degmada Qardho.

 

Doorashada kadib ayaa Waxaa halkaas ka hadashay qaarkamid ah Wasiiradii & madaxdii kale ee Doorashada ka qeybgashay waxaana ay Mas’uuliyiinta Cusub ugu Baaqeen Dadaal & Waxqabada & inay ka dhabeeyaan balanqaadkii ay qaadeen ka hor intii aanan la dooran oo ahaa inay Hor’umar gaarsiin doonaan Maamulka Degmada Qardho & shacabka Magaaladaas.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

type in Qardho on google maps...just do it and then type in sheick, somaliland one of the smallest villages.

 

Sheick is bigger then Qardho..yet duke calls it a city. isla waayna ... keep dreaming.

 

ALWAYS ...STANDING HERE...TO SLAP YOU BACK TO REALITY.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Captain_Mike20:

type in Qardho on google maps...just do it and then type in sheick, somaliland one of the smallest villages.

 

Sheick is bigger then Qardho..yet duke calls it a city. isla waayna ... keep dreaming.

 

ALWAYS ...STANDING HERE...TO SLAP YOU BACK TO REALITY.

:D @'sheick' - there is no place by that name anywhere in the lands resided by Somalis.

 

stop shouting, stand there and slap yourself into correctly spelling the names of places that you want to use in an argument.

 

General Duke - well done for correctly spelling Qardho - here is a sticker :D

a134.jpg

 

Captain_Mike20 - also well done for correctly spelling Qardho - but next time:

h9.gif for other places.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qardho waa meel xun oo dadka dagan ay cadiifad iyo qabiil ka buuuuxdo waxaana dagan hal jilib oo qura cidiikale oo dhexdagtaa waa la dhibi.

 

This is not a hearsay, its a fact and it happened my cousins who were born there and lived there for their entire live. After long years of abuse they had to move to Bosaaso. That is the place you guys are glorifying

 

Its a SICK PLC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this