Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Hundreds of millitia start training

Recommended Posts

DSCN6226.JPG

 

 

Kismaayo: Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubboooyinka oo tababar maanta ugu furmay xerada ciidamada Lugloow.

Khamiis, February 08, 2007

 

Kismaayo(AllPuntland)- Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Jilib, Garbahaarey, Luuq, Bu'aale iyo deegaano kale ayaa maanta ugu furmay tababar ciidan oo in mudo ah socon doona.

 

Furitaankii tababarkan ayaa waxaa xariga ka jaray Taliyaha Guutada sadaxaad ee ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee gobolada Jubbooyinka C/llaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag) oo halkaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamadan ku biiri doonaan marka ay dhameystaan tababarkooda dowladda Federaalka, wuxuuna ku booriyay in ciidamadan in tababarkooda ay si wanaagsan u dhameystaan.

 

Saraakiishii maanta ka hadashay halkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda Itoobiya oo sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah u leeyahay ciidamada, isagoo intaa raaciyay in dowladda Itoobiya ay kaalin buuxda ka qaadan doonto sare u qaadista tababarada iyo milateriga ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Tababarkan oo qeyb ka ah tababaro ka socda qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliye iyadoo gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xerada Bali-Doogle uu ka socdo tababar noocaan oo kale ah.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xerada Luglaay oo tababar loogu furay ciidamo loo tababarayo DF.

 

Kismaayo, Khamiis 08 February 07 Simba Radio

 

In ka badan 900 oo ciidan ayaa maanta waxaa tababar Dowlada Federaalka ugu furtay Dugsigii hore Tababarka Luglaay ee Gobalka Jubbada Hoose.

 

Ciiidamadaan tababarka loo furay ayaa la sheegay in laga soo kala aruuriyay Degmooyin ay kamid yihiin Kismaayo,Afmadoow, iyo Xagar iyo Tuulooyin fara badan.

 

Tababarkaas ayaa waxaa xariga ka jaray Taliyaha Guutada saddexaad ee Ciidamada DF Gobolada Jubbooyinka, Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ku booriyay ciidamada inay tababarkooda dhameystaan si ay ugu mid noqdaan ciidamada DF.

 

Sidoo kale, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ethiopian ayaa u sheegay ciidamada inay tababarka si wanaagsan u qaataan isla markaana ay Somalia iyo Ethiopia ay yihiin dad walaala ah.

 

Waxaa lagu wadaa dugsigaasi tababarada Luglaay in la keeno boqolaalo ciidamo ah oo tababarayo Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia .

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo manta Tababar u furtay Ciidamo gaaraya ilaa kun Xerada Luglow oo 15km ka xigta dhanka waqooyi ee Magaalada Kismaayo

 

Ilaa kun Maleeshiyo oo ay dhowaantan Dowladda Soomaaliya ka soo uruurisay Deegaanada Gobolada Jubooyinka, ayaa manta waxaa tababar ciidan uu ugu bilowday Xerada Luglow 15km u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

 

Tababarkan oo ay macalimiin ay ka yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Ethiopia, ayaa loogu tala galay Maleeshiyadan in lagu ciidamadeeyo, isla markaana lagu xoojiyo Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

 

C/llaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ah Taliyaha Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa sheegay in Maleeshiyada oo la ciidamadeynayo, tababarna la siin doono, si ay qeyb oga noqdaan Ciidamada Difaaca.

 

Waxa uu sheegay in marka uu u dhamaado tababarka ay tagi doonaan meel alaala meeshii looga baahdo, iyagoo qeyb ka noqonaya buu yiri Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka.

 

Muddo 10 cisho ah ayuu tababarkan u socon doonaa Ciidamadan laga soo uruuriyay Gobolada Jubooyinka, waxeyna talaabadan noqoneysa markii ugu horeysay ee Dowladu qaado talaabo lagu aruurinayo maleeyiyo kasoo jeeda gobolada jubooyinka.

 

Xafiiska Warqabadka ee Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this