Cowke Posted July 28, 2010 Kambala:”Atam Waa inuu Dagaalka joojiyo”Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya. 28. juli 2010 Kambala:(Allpuntland)-Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa maanta isaga oo kusugan Magaaalda Kambala ee caasimada Ugandha oo uu kusoo idlaaday Shirkii Madaxda Afrika wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo saansaanta colaadeed oo laga dareemayo gobolka Bari ee dawlada Puntland. Yuusuf Xassan Ibraahim wuxuu sheegey in Xukuumada Soomaaliya aysan waqtigan Raali ka ahayn in Puntland ay khalkhal amaan gasho,waxaana uu sheegey in Puntland ay tahay Maamulka kaliya ee xukuumadiisa garab taagan,waxaana uu Hogaamiye Maxamed Siciid Atam ugu baaqay inuu isa soo dhiibo ama dagaalka joojiyo. “Dagaalka halkaas kasoo cusboonaaday waan ka xumahay,waxaana ugu baaqayaa kooxda sheegatay in ay Alshabaab yihiin inay imika xaalada dajiyaan islamarkaasna ay isku soo dhibaan dawlada Puntland si nabada loo xoojiyo”Ayuu yiri Yuusuf Dheeg. Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya wuxuu sheegey in guud ahaan Fikrada Kooxda Alshabaab ay khaldantahay,waxaana uu sheegey in Soomaaliya imika uusan jihaad ka jirin balse ay yihiin Koox diinta ku dhuumaalaysata. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites