General Duke Posted August 29, 2007 Shirweynaha dib u heshiisiinta oo Berito la soo gabagabeynayo Muqdisho 29 Ogost, 07. -- NRC -- Shirweyanaha dib u heshiisiinta Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed ee bilowday 15-kii July ayaa lagu wadaa in maalinta Beri oo ku began 30-ka Bisha August la soo gabagabeeyo. Guddoomiyaha shirweynaha dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed oo manta madasha shirka kula hadlaayey ergooyinka shirweynaha ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka soo gaaray heerkiisii gabogabada, wuxuuna intaas ku daray in maalinta Beri ah la soo gunaanadayo shirweynaha dib u heshiisiinta, hase yeeshee ay socon doonto Dib u heshiisiinta sida uu yiri. Cali Mahdi Maxamed wuxuu hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee dibadda ka mucaaradaya Shirweynaha ay dhinacooda haddii ay yihiin guddiga dib u heshiisiinta ay geed dheer iyo mid gaaban ay u kori doonaan sidii ay nabada uu shirweynahani qaatay ay ugu soo biirin lahaayeen, wuxuuna xusay in shirweynaha lagu guuleystay qabsoomidiisa iyo weliba go’aanadii ka soo baxay. Mar uu Cali Mahdi ka hadlaayay kaalintii ay Ergooyinka ka qaateen Shirweynaha waxaa uu xusay in uu ku amaanayo sidii ay shirweynaha uga miro dhaliyeen, wuxuuna carrabka ku dhuftey in xubno ka mida ergooyinku ay howlaha dib u heshiisiinta ka sii wadi doonaan Gobolladda iyo degmooyinka dalka isagoo ku bogaadiyey ergooyinka dulqaadkii ay muujiyeen mudadii ay shirka u fadhiyeen. Cali Mahdi Maxamed oo ka waramayey dhinaca dhaqaalaha shirka waxaa uu caddeeyey in deeq bixiyeyaasha caalamka ee shirweynahani maalgelinaya ay ogolaadeen inay wada bixiyaan dhamaanba dhaqaalaha shirka, wuxuuna ku nuuxnuuxsadey in kulamadii uu Dorraad kula soo yeeshey magaaladda Nairobi ay ku soo dhammaadeen guul, isla markaana muddo gaaban gudahood ay dhaqaalaha maqan ku soo gaari doonaan ergooyinka shirka. Khudbada Guddoomiyaha Shirweynaha kadib wuxuu Shirweynuhu u guda galay ka doodida sidii ay ergooyinka u dhaqan gelin lahaayeen qoddobada Shirweynaha ka soo baxay iyo heshiisyada lagu gaaray, loona gaarsiin lahaa heer tuulo, degmo iyo Gobol. Maalinta Beri ah ayaa si rasmi ah shirka dib u heshiisiinta loo soo xiri doonaa iyadoo madaxda ugu sareysa dowladda la filayo inay ka soo qeybgalaan xafladda xiritaanka shirka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo berri la soo xirayo Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya, Md Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku dhowaaqay in shirka la soo afmeeri doono maalinta Khamiista ee berrito, sidaansa ay isku af gareen beesha caalamka. Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in ergadii ka qayb geleysey shirkan oo ka kala timid gobollada dalka ay ku laaban doonaan deegaannadoodii iyaga oo faraxsan, Inkasta oo aan la shaagin natiijo ka soo baxday shirka. Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa degmada Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), ayaa sheegay in la diiwaan gelin doono dhammaan gaadiidka dadweynaha gaar ahaan gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka gobolka banaadir ee rakaabka ah. Xasan Mutawakil Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Shirkii Qaran ee baalaha Somalida uga socday magaalada Muqdishu oo beri la soo gabagobeyn doono Posted to the MOL August 29, 2007, 2:51 pm Sida uu maanta sheegay Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ka dib markii uu ka soo laabtay safar gaaban oo uu ku tagay magaalada Nayroobi ayaa isagoo la hadlaya ergada shirka sheegay maalinta berrito la soo xeri doono shirka. Shirka dib u heshiisiinta oo magaalada Muqdishu ka socday illaa 15-kii Luulyo ee sannadkaan ayaa waxaa looga dooday khilaafyadii u dhexeeyay qaar ka mida beelaha Somaliya iyadoo si caam ah beelaha Somalidu isugu cafiyeen dhibaatooyinkii kala gaaray. Shir gudoonka Shirka Cali mahdi ayaa sheegay in hirku burrito xirmayo balse dib u heshiisiinta laga sii wadi doono gobolada dalka. Dhinaca kale Cali mahdi ayaa sheegay inuu ku soo guulaystay safarkiisi Nayroobi oo ujeedadiisu ahayd siduu ugu soo qancin lahaa beesha Caalamka in shirku guulaystay lana soo afjarayo. Isagoo sheegay in dad nabad diid ah ay warar geeyeen Nayroobi taas oo uu ku guulaystay inuu ku soo qanciyo beesha Caalamka in shirkaan loo dhan yahay. Beesha Caalamku waa aqbaleen warbixinteenii, qarashkii shrkana waa ogolaadeen ayuu yiri Cali Mahdi. Qaar ka tirsan ergada ayaa soo jeediyay in shirka waqti lagu daro iyagoo sheegay in wajigii labaad ee shirka oo laga hadli lahaa siyaasada aan wali la guda galin. Arintu si kasta ha ahaatee waxaa jira warar sheegaya in shir kale la qaban doono kaasoo lagu casumi doono odayaasha dhaqamada ee midkaan ka maqnaa. Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 29, 2007 So odaayaashii tuuloyinka laga soo aruuriye maxay ku heshiiyan Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 The most important thing was that the clans aired their concerns and forgave each other. That in itself is the main success of this process. Somali tribes offered general pardon to one another The congress began to discuss on the issue of religious fanaticism MOGADISHU, AUG. 5 - NRC - In today's session, the Somali tribes now attending the national reconciliation congress began to pardon each other forgiving all mischief and misdeeds inflicted among them during the prolonged civil war that ravaged this horn of African country for the last over 16 years. /QUOTE] Beelaha Soomaaliyeed oo maanta cafis guud dhex maray (Doodda xag-jirnimada diimeed oo shirweynuhu bilaabay) Muqdisho 5 Ogost 2007, --NRC- Beelaha Soomaaliyeed ee Shanta ah ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta iska cafiyay wixii dhibaato ahaa ee hore u soo maray iyo dagaaladii dalka ka socday mudadda dheer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 30, 2007 So put everything together that this bogus conference outputed. Does it change anything or the current dynamics on the ground? NO All the important issues are still on down ward spiral. all that stooges have done is bring together bunch of elderly people, pay them some cash, Then tell them to kiss each other on the cheeks and 'forgive' each other. lool. they need to work on 'taming' Xamar. That is yet to be done despite all the help from xabashi and all others. Good God. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 30, 2007 ^^^lol. You sound ever so desperate. The tide has turned and 2000 deleagtes from across all clans came together in searh of peace. They have aired their differences and came to the forgive each other. Forgiveness is a powerful tool and may Allah give these honest elders wishes to see true peace in Somalia. Mogadishu is under control. The fact that 2000 delegates came and lived there for all this time proves its not a major issue. The bombing is an issue that is being dealt with. Somalia is back, go ask the Boqor's, Imaan's, Suldan's, Malaag's, Ugaas's and Nabadoon's who came together for the firts time in peace. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 30, 2007 Cali Mahdi “Shirka berrito ayuu inoo xermayaa balse dib u heshiisiintu waxay ka soconeysaa deegaanada aad ka timadeen” { 29 Aug 2007} waxaa la daabacay Wed 29 Aug 2007 15: 22: 02 Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo maanta ka hadlayey madasha shirka ayaa sheegay in berrito la soo xeri doono shirkii dib u heshiisiinta ee 15-kii Luulyo ka furmay magaalada Muqdisho. “Shirka berrito ayuu inoo xermayaa balse dib u heshiisiintu waxay ka soconeysaa deegaanada aad ka timaadeen, sida gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka, waana natiijada ka soo baxday shirkan 45-ka cisho noo socday” ayuu yiri Cali Mahdi oo ka soo laabtay booqashadii uu ku tegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. “Dad dano gaar ah leh ayaa war aan jirin u gudbiyay wadamada deeq bixiyayaasha oo u sheegay wax aan jirin, wixii lagu shubay ayaan ka soo shubnay waana ku soo guuleysanay qarashkii shirka loogu deeqayna Nus ayaa lagu soo shubay shirkadda Dahab-Shiil taasoo aan filayo iney maanta ama berriba ay madasha soo gaari doonto” ayuu yiri Cali Mahdi oo ergooyinka ugu baaqay iney howlaha dib u heshiisiinta ka sii wadaan deegaanadii ay ka yimaadeen. Dhinaca kale madasha shirka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay qodobkii xaquuqda haweenka iyadoo loo saaray guddi loogu magic daray guddiga xaquuqda haweenka kaasoo ay mid ka mid ah haweenkii ka hadlayey madasha ay sheegtay in magacaabistaasi ay tahay mid sidii dhalaanka lagu sabayo haweenka waayo ayey tiri shirka berrito xermaya ayaa la yiri Guddi ayaa loo magacaabay. Qaar ka tirsan ergada shirka ka qeybgaleysa ayaa soo jeediyay in mudo lagu daro shirka maadaama uu dhiman yahay wajiga labaad oo muhiim u ahaa shirka kaasoo looga hadli lahaa dhinaca siyaasadda, balse lama oga sababta keentay in si lama filaan ah uu guddoonku ugu dhawaaqo in shirka beri la soo gabagabeynayo taasoo u muuqato in howl qabyo ah uu ku baxay waqti iyo qarash fara badan. Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in xubno ka tirsan ergooyinka shirka iyo duubabka caanka ah ee ka maqan la qorsheynayo in shir dib u heshiisiineed oo daba jooga midkan Muqdsho lagu qaban doono dalka Sacuudi Carabiya. Gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 30, 2007 Okay just as I thought. You are runing with the same lines' You are desperate, you are seccesionist' etc...that is all nonsense. Let us deal with the things on the ground. How exactly can elderly people whom the stooge so call government gathered around in a building are suppose the calm the situation. Besides currently somalia's problem is not clan vs. clan as it was in the early 90s. It's more political. Today you have Geedi who hails from teh same clan as Shiikh shariif yet they opposed each other. You have Sh. Aweysa and Col.Qaybdiid who are also on the opposing sides. So this isn't much of about qabiil, it's alot deeper problem. "Muqdisho is under control"_ Duke.. Man you will never quit spining things. Then why the need for more troops, why the everday fire fight on street to street. Why the need to adopt Iraq style green zone? why mr. Duke? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 30, 2007 Adeer you did not even ask a real question or made an observation of any real note. For your logic goes like this, Buuba & Warrabe are kinsmen, Mohamed Jama Ghalib is another. The late Egaal and Arteh were kinsmen. Tuur and hebel are from the same family, etc. So what? There are contradictions and differences of opinion betwen even two brothers. As for Mogadishu, I ask you to tell me a single institution, road, park, port-airport, Market not under the TFG armed forces? i DEAL WITH FACTS you are dealing with dayniile.com hearsay. Now read this. Nabad Sugidda Qaranka oo hanjabaad u soo diray xafiiska shabakada dayniile.com ee Muqdisho iyo ciidan ka tirsan nabad sugida oo baadi goobaya shaqaalaha xafiiska ee Muqdisho Nabada Sugida Qaranka ee DFKMG ayaa saakay weerar ba’an kusoo qaaday xafiiska dayniile ee Muqdisho iyagoo wata gaari Cabdi Bile ah si ay xabsiga ugu taxaabaan shaqaalaha shabakada wararka ee Dayniile.com So the NSS now can actually target specefic offices and all the Qarn-diid web portals can do is complain. So who is in control Adeer watch the clip of Sharif Ahmed of Asmara's kinsmen dancing in Mogadishu.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 30, 2007 You said my questions weren't really question. I take that as though you cannot answer them. The first point I made was Somalia's situation isn't clan vs. clan. Back in the early 90s. You had major tribes or sub clans in conflict with one another. However today you have those who are belong into the same clan yet are on different aisles. You have what we call the stooges of Ethiopia and that includes thug adeero himself, Geedi, MO dheere, qaybdiid etc...then you have Sh. shariif Axmed, Sh. aways Sh. Turki, Sh. Ibrahim on the other end. These also belong into different clans. It's intermixed with idealogy of being criminality, daba dhili1fnimo uniting one camp. while Muslimnimo, brotherhood etc.. unites the other. Clan affliation no longer unites these people or disunites them. So to bring bunch of elderly people who have no much influence to change the dynamics and solve the problems in Somalia, is absulate waste of time. And it has shown as the bogus conference came to an end and yet no one can point out what immediate benefits it will produce. It's just not out there. Secondly, you like to believe that Xamar is being tamed by using the fact that every street Xamar there is an stooge standing to the corner of it. well we all know that, and we all know by what means you got here. YES key word Ethiopian troops and tanks, without them bada cas ayaa la idinku dari lahaa. In addition, when we use the term control. It applies where you have firm grip on. Everyday as you may know I hope there are grenade attacks, street to street battles. A number stooges and their masters are being killed everyday. The stooge government is crying for more help. So here my questions for you mr. Duke, You said we are in control of Xamar correct? Then why... 1. why the need for more AU troops (burundi etc..)? 2. Why the need for Iraq style green zone in xamar? 3. Why can't the TFG get off the life aid it's on? 4. If the stooge government is powerful, why can't it dismiss the foreign troops so that their troops can handle the job currently done by the Ethiopians and the Ugandese troops? Answer these questions as I asked, don't tell me who is dancing or not. Cuz I really don't care. PS. you have also proven to us that this so call government is violating the freedom of press by closing down those who critize it. WHAT A SMART MAN YOU ARE. Quote Share this post Link to post Share on other sites