Sign in to follow this  
Cowke

600 Cadet Officers Training Completed At Puntland Police Academy

Recommended Posts

Cowke   

Xarunta Akadeemiyada Degmada Carmo Oo Tababar Loogu Soo Xirey Ciidamo Boolis ah

 

June 24 2010

 

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta kulliyada tababarka Ciidanka ee degmada Carmo munaasabad tababar loogu soo xiraayay Ciidan Boolis ah.

 

Ciidanka tababarka loo soo xirey ayaa tiro ahaan gaaraya 600-Askari,waxaana ay ka mid noqonayaan Ciidanka Puntland iyo kuwa Dowladda Federaalka.

 

Askar gaaraya 500-askari ayaa ka mid noqon doona Ciidanka Dowladda Federaalka,waxaana 100-askari ay ka mid noqonayaan Ciidanka Booliska Puntland.

 

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakil ka socotay Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNDP oo iyadu ka qayb qaadatay tababarka Ciidankaan.

 

Masuuliyinta halkaas ka hadashay ayaa waxaa ay ku booriyaan Ciidankaan in ay howlahooda si daacad ah u gutaan isla markaana difaacan dalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Tababar Ciidan Boolis ah Loogu Soo Gabagabeeyey Akademiyada Booliska Carmo (Sawiro)

Carmo (RBC) Ciidan cusub oo gaaraya 600 askari oo ka kala socda dowlada federaalka iyo maamulka Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray xarunta akademiyada booliska ee degmada Carmo.

 

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay xarunta akademiyada booliska Carmo ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo isugu jira taliska ciidanka booliska, wasaarada amniga, saraakiisha akademiyada booliska Carmo iyo hay’ada UNDP oo taageerta akademiyada.

 

Taliyaha booliska Puntland G/lle Sare Axmed Cali Xaashi oo ka hadlay munaasabada tababarka lagu soo xiray ayaa sheegay in Puntland ay sharaf u tahay martigelinta ciidamada booliska ee tababarka loo keeno degmada Carmo kuwaasi oo uu sheegay in laga kala keeno gobolada duwan ee dalka oo dhan.

 

Wuxuu taliyuhu amaan u jeediyey 600 oo ah booliska cusub ee maanta tababarka loo xiray kuwaasi oo 20 ka mid ah ay yihiin haween bartay shuruucda ciidanka booliska. Boqol ka mid ah ciidanka cusub ayaa waxaa loo tababaray Puntland halka 500 ee kalena ay leedahay dowlada federaalka.

 

Taliye ku xigeenka akademiyada Carmo G/lle Sare C/laahi Saalax Shirwac oo ka qeybgalay munaasabada ayaa isaguna sheegay inuu si aad ah ugu kalsoon yahay ciidanka cusub ee maanta tababarka loo xiray kuwaasoo uu sheegay inay noqon doonaan ciidan Soomaaliyeed oo u adeegi doona bulshada Soomaaliyeed.

 

Saraakiisha maamusha akademiyada waxay ka cawdeen xagga caafimaadka oo ay sheegeen inaysan ku filneyn goob yar oo caafimaad oo hadda xeradu leedahay, Waxayna codsadeen in isbitaal balaaran loo sameeyo.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada amniga Puntland Cali Hayaan oo ka mid ah masuuliyiintii ka qeybgashay xiritaanka tababarka ayaa shahaadooyin muujinaya qoonta ay qaateen ciidanka cusub ku gudoonsiiyey fagaaraha akademiyada oo lagu qabtay xaflada.

 

Agaasimaha wasaarada amnigu wuxuu beeniyey hadalo uu shegay in laga faafiyey akademiyada kuwaasoo sheegayey in Puntland ay si gaar isu lahaysiisay akademiyada booliska Carmo isagoo sheegay inay akademiyadu tahay barta ay ku soo hirtaan dhamaan ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo jiilka cusub ee ku soo biiraya difaaca qaranimada Soomaaliyeed.

 

Intii ay socotay xaflada waxaa halkaasi lagu soo bandhigay gaardiis iyo gaado ka cayaar ay sameynayeen ciidanka cusub ee tababarka u dhamaaday, waxaana halkaasi sidoo kale lagu muujiyey qaabka ay u tababarteen ciidanka cusub.

 

Kooxda baambeyda ee ciidanka booliska ayaa iyaguna halkaasi ka garaacay heesta astaanta qaranka Soomaaliyeed iyo mida booliska, waxaana salaan ka gudoomay masuuliyiintii goobta joogtay kuwaasoo si aad ah ugu faraxsanaa qaabka loo tababaray xubnaha cusub ee booliska.

 

Ciidankan cusub ayaa noqonaya dufcadii 8aad ee tababar la xiriira aqoonta booliska loogu soo xiro akademiyada booliska ee degmada Carmo oo la aas aasay sanadkii 2005.

 

Waxaa la filayaa in ciidanka cusub dhowaan ay u kala safraan gobolada dalka si ay uga qeybqaataan hawlaha amniga dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Chief, the police academy is the only infrastructure tit's not the tfg's this was built by the undp sxb however we share it with the tfg out of somalinimo something you simply don't comprehend!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I saw this today on universal tv today , this is not puntland police cadet officers but it’s strictly For the tfg , its just the police academy is located in carmo puntland , But these troops will be deployed To Mogadishu soon to assist sh dalxiis and cumar buur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Askar gaaraya 500-askari ayaa ka mid noqon doona Ciidanka Dowladda Federaalka,waxaana 100-askari ay ka mid noqonayaan Ciidanka Booliska Puntland.

Learn to read xaji it would do you wonders!!! Besides my thread title doesn't say anything but "600 cadets graduate from Puntland Police Academy" which they did as you can see from the pics.

 

They came in as usc thugs and left like trained disciplined soldiers.

 

Reminds me of what the baidoa guy Abdullahi Aden Ali, “From IDP to city trader" article on irin-news a couple of months back and how he came to Bossaso from baidoa penniless today he owns businesses and is making a comfortable living Infact let me quote him

 

"“I may eventually go back to Baidoa if the situation improves but I will never cut my ties to Bosasso. It is where I became a man. Bosasso is now home and I am happy to be here.”

 

You see xaji one thing you won't contemplate as an snm thug but puntland welcomes all people and not only that but provides all people with opportunities to succeed not just 1 clan but all people idp/nomad/farmer/fisher/urbanite no matter what walk of life you come from. That's what makes puntland truly stand out from the rest of somalis, because you will never see other somali regions ever provide opportunities for people of different clans. Just look at the hargeisa idps and compare them to bossaso idps and u can immediately see which ones are doing better!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Freedom not trying to be funny but waan ka qalbi fican nahay dadka kale ee somalida iyo guess what ficilkeena bal eeg.

 

Look at this water pipe system that was built for the idp camps in bossaso below.

 

http://www.youtube.com/watch?v=eU2r1v4eUv4

 

Homes Being Built for them

idpt.png

 

I won't post how many have been trained as tradesment, businessmen, fisherman and other sectors of socities.

 

But still more needs to be done and more will be done untill every idp enjoys the same living standard as a local!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this