Paragon Posted July 27, 2006 Prof.Cali Khaliif Galeyr oo lafilayo in saacadaha Soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho kulanna laqaato Golaha Maxaakimta Soomaaliyeed. Muqdisho, 27-July-06 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Mas'uuliyiin fara badan oo isugu jira Aqoonyahan, Proffesors, Culumaa'udiin iyo Jaaliyadaha Dibadda ay kusoo qulqulayaan Magaalada Muqdisho si ay u eegaan Kacdoonka Shacab ee Kajira Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lafilayaa in uu soo gaaro Prof.Cali Khaliif Galeyr. Prof.Galeyr ayaa lafilayaa in Marka uu soo gaaro Magaalada Muqdisho uu kulamo laqaato Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta Soomaaliyeed isagoona u kuur geli doona Arrimaha kajira Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Prof.Galeyr oo mar Ra'iisal wasaare kasoo noqday Xukuumaddii Carte ayaa ujeedooyinkiisa waxaa kamid ah sida Shabakadda Qaadisiya ay u xaqiijiyeen Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta sidii uu isku barbardhigi lahaa xilligii horey iyo Xaaladda iminka iyo sida Ammaanka uu iminka yahay. Horey ayaa waxaa dalka u soo gaaray Mas'uuliyiin fara badan waxaana kamid ahaa Prof.Cabsi Ismaaciil Samatar iyo Xubno lasocday iyo sidoo kale Mas'uuliyiin kale oo kasocotay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kusugan Qurbaha Dalka. Inta badan Mas'uuliyiinta soo gaarta Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn u kuur gasha Xaaladda Ammaanka iyaga oo kadibna u gudbiya Xaqiiqda kajirta Caasimadda Dalka oo ah Mid aanan qarsoomeynin Walaalahooda Soomaaliyeed ee dibadaasi ku dhaqan. By The Editor: Ibnu Muhammed The Editor's E-mail: Info@qaadisiya.com Quote Share this post Link to post Share on other sites