Sign in to follow this  
Paragon

Prof.Cali Khaliif Galeyr expected to arrive in Mogadishu

Recommended Posts

Paragon   

Prof.Cali Khaliif Galeyr oo lafilayo in saacadaha Soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho kulanna laqaato Golaha Maxaakimta Soomaaliyeed.

 

Galayr%20kaligii.JPG

Muqdisho, 27-July-06 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Mas'uuliyiin fara badan oo isugu jira Aqoonyahan, Proffesors, Culumaa'udiin iyo Jaaliyadaha Dibadda ay kusoo qulqulayaan Magaalada Muqdisho si ay u eegaan Kacdoonka Shacab ee Kajira Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lafilayaa in uu soo gaaro Prof.Cali Khaliif Galeyr.

 

Prof.Galeyr ayaa lafilayaa in Marka uu soo gaaro Magaalada Muqdisho uu kulamo laqaato Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta Soomaaliyeed isagoona u kuur geli doona Arrimaha kajira Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale Prof.Galeyr oo mar Ra'iisal wasaare kasoo noqday Xukuumaddii Carte ayaa ujeedooyinkiisa waxaa kamid ah sida Shabakadda Qaadisiya ay u xaqiijiyeen Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta sidii uu isku barbardhigi lahaa xilligii horey iyo Xaaladda iminka iyo sida Ammaanka uu iminka yahay.

 

Horey ayaa waxaa dalka u soo gaaray Mas'uuliyiin fara badan waxaana kamid ahaa Prof.Cabsi Ismaaciil Samatar iyo Xubno lasocday iyo sidoo kale Mas'uuliyiin kale oo kasocotay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kusugan Qurbaha Dalka.

 

Inta badan Mas'uuliyiinta soo gaarta Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn u kuur gasha Xaaladda Ammaanka iyaga oo kadibna u gudbiya Xaqiiqda kajirta Caasimadda Dalka oo ah Mid aanan qarsoomeynin Walaalahooda Soomaaliyeed ee dibadaasi ku dhaqan.

 

By The Editor: Ibnu Muhammed

The Editor's E-mail: Info@qaadisiya.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this