Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Pirates Never Learn

Recommended Posts

Maxaabiistii Puntland ee ay Somaliland sii daysay oo Gaalkacayo ku Qafaashay laba Muwaadin oo Reer Somaliland ah

 

Hargeysa (Waaheen) Waxa shalay la sheegay in lagu afduubay magaaladda Gaalkacayo laba muwaadin oo u dhashay Somaliland, kuwaasoo loo Af-duubay laba ka mid ah sadex iyo tobankii Budhcad Badeeda ahaa ee kow iyo toban ka mid ah Xukuumadda Somaliland Puntland kaga bedelatay Dirawaliin iyo gaadiidkii ay wateen ooh ore Puntland loogu haystay Madax Furashada Budh cad Badeedka

 

Labada nin ee shalay lagu Af-duubay Magaaladda Gaalkacayo ayaa la sheegay inay yihiin laba dirawal oo wata tagaasida iskaga kala gooshta Somaliland iyo Puntland, gaar ahaana waxa ay labada nin degan yihiin magaaladda berbera oo ay ka shaqaystaan, kuwaasoo Rakaab u qaaday Puntland

 

Haybta labadan nin ayaa lagu sheegay in midkood u dhashay Bariga Burco kaasoo lagu magacaabao C/risaaq Maxamed Jaanbiir, halka ninka kale la sheegay dhalasho ahaan inuu ka soo jeedo Beesha Bali-gubadle.

 

Ilaa hada war sugan lagama hayo halka loola kacay labadaas nin ee reer Somaliland ah ee Gaalkacayo lagu afduubay, hase yeeshee wararka ka soo baxaya magaaladdaasi waxa ay sheegayaan in labadaas nin ay kaxaysteen ehelada labada nin ee la la’yahay ee ka mid ahaa Budhcad Badeeda Somaliland sii daysay, kuwaasoo doonaya in la siiyo magtii inamadooda ama Nolol haddii lagu hayo loo sii daayo

 

Arrinatani waxay soo baxday Maalin kadib uun markii kooxdii Budhcad Badeeda ahaa la sii daayay, kooxdaasoo Badhasaabka Gobolka Sool ku wareejiyay Puntland kadib markii uu sheegay in Xukuumadda Somaliland nimankaas ku bedelatay dadkeeda Af-duuban hase yeeshee warkaa ka duwan uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Aadan Axmed, kaasoo sheegay in lagu sii daayay Maxaabiistaas reer Puntland ah Go’aan Maxkamadeed kaasoo sheegay Go’aankaasi inuu ahaa in lagu waayay kiiskii lagu soo eedeeyay oo ah Budhcad badeednimo, oo uu sheegay in Maxkamaddu yaqiinsatay inay nimankaasi ku soo xad gudbeen biyaha Somaliland waxaanu yidhi “Xukunkaas oo la xidhiidhay niman budhcad badeed lagu soo eedeeyey oo 11 nin ahaa labana maqanyihiin iyadoo loo haystay marka hore inay ahaayeen budhcad badeed hasa yeeshee maxakamadu xukunka ay ku soo saartay inay nimankaasi ku soo xadgudbeen kaliya qaranka iyo biyihiisa, taasna waxay ku xukuntay mudadii ay xidhnaayeen oo ah sagaal bilood.”

 

Iyadoo hore ay Maxakamadaha Darajada kowaad iyo labaad ee Gobolka Saaxil ugu rideen Xukuno kala duwan oo u dhaxeeyay Toddoba Sano ilaa shan iyo toban kadib markii ay garwaaqsadeen eedee ay Xeer ilaalintu ku soo oogtay nimankaas, balse markii danbe sida Xeer ilaaliyaha Guud sheegay Maxkamadda Sare jabisey eedaasi isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidaa awgeed Dadkaas waxaa xukumay oo xukun kama dambaysa ka soo saaray maxakamad sare iyadoo maxakamad Gobolk saaxil soo martay iyadoo maxakamada gobolka rafcaanka soo martay ayaa ugu dambayn halkan maxakamada sare ay ka siidaysay, anagu waanu ka doodnay maxakamadii derejada koowaad waxaanu ku eedeynay xafiiska xeer-ilaalin ahaan inay nimankaasi yihiin budhcad balse dee xukun maxakamadeed ayaa anaka nooga dambeeyey markaa hore waxaa lagu xukumay 15 sanadood maxakamada Gobolka saaxil ayaa ku xukuntay ka dibna rafcaanbaa looga qaatay, maxakamada rafcaanka Gobolka saaxil iyaduna waxay ku xukuntay 7 sano haaf ayay tuurtay iyagaa ka qaatay ambiil dhinicii lagu xukumay sidaas ayay ku tagtay maxakamada sare anaguna markaas halkii doodu taagnayd ayuun baaanu ku hadhnay Iyaguna waxay dalbadeen looyarkoodii iyo qareenadoodi waxay ku doodeen inaanay arintaasi ahayn budhcadnimo, xukunka derejada labaadna muu muujinayn in isaga laftiisu yahay budh cadnimo ee wuxuu muujinayey ku xadgudub biyahaasi “

 

Go’aanka Maxakamadda iyo Talaabadda Xukuumaddu qaaday ayaa loo aanaynayaa inay sababtay Af-duubka Dirawaliintan cusub, oo lagu doonayo sifo la mid ah kuwii lagu sii daayay kooxdaasi reer Puntland si loogu helo labadaas nin ee ka midka ahaa kooxda lagu wareejiyay Puntland oo tiradoodu dhamayd 13 xubnood, oo aan la garanayn labadaas nin duruufta ay ilaa hada ku maqan yihiin.

 

Arrintan ayaa waxa laga cabsi qabaa inay furto dariiq la mid ah kan lagu afduubay labad dirawal ee u danbeeyay si maxaabiista kale ee u xidhan falal danbiyeedyada la xidhhidha Argagixisnimada iyo Budhcad Badeednimada loogu sii dayn lahaa iyadoo imika ay Jeelasha Somaliland ku xidhan yihiin Maxaabiis badan oo ka soo jeeda dalalka aynu jaarka nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Mubaadiniin aan waxba galabsan, iyagoo weliba dalkoodii hooyo jooga, in layska qabqabsado waa damiir xumanimo iyo weliba gef ehelnimo. Siyaasada gurucan ee waxashnimada leh ee SL ku hayso qaybo dadyowga waqooyiga dega ka mid ah siyaabo ku haboon in lagula dagaalamo waa lama huraan, balse fal celiskan ka dhacay Gaalkacayo aad baan uga soo horjeedaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pirates r smarter than the morons running the holands. thats 4 sure. at least pirates spend their money in their hometowns or in africa and do not spend their money buying condos in paris.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Timur, just ingnore this secessionist garbage, what do they expect when they negotiate with people they claimed were kidnappers.....that's why real countries dont!

 

Also, they claimed in the past to have captured pirates in a vast ocean but then they can't even stop 300 armed men from land on their shore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooooool, the pirates know how weak the secessionists are, they forced them to submit to their orders before and now this, probably are in for a bargain. The are pressuring and pressing the buttons of Silaanyo... what have you got to offer you weaky :D

 

However, Puntland should not let these boys do this, Galkacyo admin must get these pirates and release the innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this