Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Scholars Traditional Leaders Call to Stop Violence in Somalia

Recommended Posts

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland ayaa ugu baaqay dadka ku nool koofurta Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan Amaankooda islamarkaana ay u midoobaan danahooda.

 

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah aqoonhanada Somaliland oo xalayto u waramayay Idaacada Shabelle ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho in ay u turaan dadka danyarta ah ee ay ku dul dagaalamayan.

 

Waxaa uu ka codsaday dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ee dagaalada kula jira in ay ka joojiyaan dadka shacabka ah dagaalada kuwaasi oo uu sheegay in aysan u adkeysan karin madaafiicda iyo rasaasta ay is weydaarsanayaan dhinacyadaasi.

 

“Waxaanu Ugu Baaqeynaa inaanay Cududu Talinin ee uu Caqligu Taliyo,waxaana ugu baaqaynaa in ay wada fariistaan oo aysan ka halen dowladda Soomaaliyeed ay ka hadlaan waxa dadka isku diraya iyo waxa dadka dhexyaala”ayuu yiri Boobe Yuusuf Ducaale.

 

Baaqaan ka soo baxay Aqoonyahankaani ka tirsan aqoonyanada Somaliland ayaa waxa uu imaanaya xili Shalay Boqoro iyo Salaladiin ka soo jeeda Somaliland kulan ay ku yeesheen magaalada Ceerigaabo ay ku sheegeen in ay ugu baaqayaan dowladda iyo dhinacayada kale in ay joojiyaan dagaalada ay ku le’anayaan dadka shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqarada iyo Salaadiinta Somaliland oo ugu baaqay dhinaca isku haya Soomaaliya in ay joojiyaan dagaalada

 

 

Boqarada iyo Salaadiinta ka soo jeeda Somalilan ayaa waxaa ay ugu baaqeen dowladda iyo xoogaga hubaysan in ay joojiyaan dagaalada islamaraana ay fiiriyaan danta shacabka Soomaaliyeed kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Ceergaabo.

 

Kulankaani oo maanta ka dhacay Magaalada Ceeragaabo ee xarunta gobolka Sanaag waqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Boqoro,Salaadiin iyo waxgarad ka soo jeeda Maamul Goboleedka Somaliland waxayna kaga hadleen Xaaladda ka taagan gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

 

Waxa ay ugu baaqeen dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada ayna u turaan shacabka ay soo gaarayaan dhibaatooyinka isugu jira Dhimashada,dhaawaca iyo barakaca islamarkaana aysan fiirsan danahooda gaarka ah.

 

Cabdi Boqor Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradkii kulankaasi ka qeyb galay ayaa waxaa uu ugu waramay Shabelle waxyaabihii ay uga hadleen isagoona sheegay in muhiimadda koowaad ee kulankaasi ay uga hadleen ay tahay Baaqa ay u dirayaan dowladda iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda .

 

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Cabdi Boqor Axmed Cali in ay isla soo qaadeen in hadii dhibaatada ay sidaan uga sii socoto gobolada koofureed ee Soomaaliya ay ka qaadayaan dadka shacabka ah ee dhibaatada ku dhacayso ayna geynayaan Magalooyinka Hargaysa iyo Qardho.

 

Ma’ahan Markii ugu horeeysay oo baaq ku aadan in la joojiyo dagalada loo soo jeediyo labada dhinac ee ku lugta leh dagaalada ka sii socda magaalada Muqdisho iyo gobolada Kale ee dalka iyadoo ay horay u jireen odayaal,Culumaa’udii n iyo waxgarad ka soo jeeda koofurta Soomaaliya oo iyana u diray Baaq kan la mid ah inkastoo aysan muuqan miraha Baaqyadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2009-6-26-15-45-16f_fdfd.jpg

 

Anigu Ma Ihi Dadka Ku Qanacsan Kuwaa Maanta Dadka Lugaha jaraya Ee Gacmaha Jaraya Iyaga Oo Aan Shareecadii Fulinaynin” Sheekh Aadan-Siiro.

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

(Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro])

hadhwanaag 2009-06-26 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Sheek h Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Diinta ee reer Somaliland,ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn Diin Stander ah,isla markaana talaabooyinka Ururka Al-shabaab Gacmaha iyo Lugaha ay dadka ku jarayaan ayuu ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn in si dhib-yar oo aan shareecada Islaamka waafaqsanayn loogu dhaqaaqo.

 

Sheekh Aadan-Siiro oo xalay ka hadlayay Xaflad xadhiga lagaga jaray Huteel cusub oo laga furay Galbeedka Magaaladda Hargeysa, kaasoo la magacbaxay Mount Royal Hotel oo uu ka qaybgalay.Waxaanu Sheekh Aadan sheegay in sababta uu ugu soo celceliyo Xasuusinta Halgamayaashii SNM, in ay tahay abaalka ay dadkan iyo dalkan ku leeyihiin.

 

“Waa hogaankii diiday iyaga oo dal kiristaan ah dhex jooga kalmaddaa tawxiidka inay ka daayaan calanka, oo markii laysku qabsaday ee laba kooxood ay noqdeen ee Mingise laysula tagay uu yidhi, ‘waar kuwaasaa idinka saxsan leh calanka tawxiidka halagu qoro, waayo dadkiinu waa dad 100% Islaaam ah, halgankiinuna waxa uu wuxuu asal ku noqonayaa idinka oo waxa ay rumaysan yihiin ugu baaqa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray.

 

Aadan-siiro,mar uu ka hadlayay mawqifkiisa ku wajahan talaabooyinka Ururka Al-shabaab iyo Kooxaha kale ee ka dagaalamaya Koonfurta dalka Soomaaliya, waxa uu yidhi,“Anigu ma ihi dadka ku qanacsan shareeco Standar ah,kuwaa maanta dadka Lugaha jaraya ee Gacmaha jaraya iyaga oo aan shareecadii fulinaynin. Maaha dadka inaad Gacmaha jarto, maaha dadka inaad Lugaha jarto ee waa inaad horta Adigu isjartaa, lama hayo nin hogaanka Shabaabta ka mid ah ama nimankaa dagaalamaya ee dadka laynaya ka mid ah oo la yidhi hebel baa shareecadii lagu fuliyay.”

 

“Waxaan uga jeedaa, Shareecadda aynu wadno iyo diinta aynu ka hadlaynaa maaha Diin Istaandhar ah oo koox lagu qiyaasay, laakiin waa Shareecad dhamays ah oo inaga dhaxaysa oo runtii qof walba xaqeeda siinaysa. Dood baanu ka samaynaynaa ee haddii layga badiyo xuquuqda dumarka ayaa lagu warwareegaaye Xaqa Islaamku siiyay haddii aqoon inta sheeganaysa oo dhami isu yimaadaan kaaga ayaanu qaadanaynaa baan leeyahay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi, Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro).

 

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Hargeysa/Somaliland.

Email:Janaale94@gmai l.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this