Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops in Bali-doogle heading to Mogadishu....

Recommended Posts

MUQDISHO: Dowladda Federaalka oo wadda qorshe ay Muqdisho ku soo galinayso ciidammo nabadda Muqdisho suga oo tababar uu u dhammaaday

Posted to the Web Mar 07, 12:47

 

 

Muqdisho (PP) – Ilo wareedyo ku dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in dowladdu ay billowday inay u soo daad-gureyso Muqdisho ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo tabar uu uga socday xerada Milateriga ee ballidoogle.

 

 

Wararkaan ayaa waxay xaqiijinayaan in ku dhawaad 120-gaari oo nooca N3-ga loo yaqaan ah loo dilay xalay inay soo daadgureeyaan ciidammadaas, waxaana wararku ay sheegayaan in lagu wado in ciidammada Dowladda la keeno Muqdisho.

 

 

 

Sidoo kale wararkaan ayaa waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay inay wax ka qabato dowladda Federaalka Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho oo noqotay meel ay si gaar ah isha ugu hayso Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Muqdisho ayaa waxaa shalay soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidammada Dowladda Uganda kuwaasoo nabad ilaalintooda ka bilaabaya Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya oo ay dowladdu dhowr jeer oo hore sheegtay inay tahay meel ay ka jirto xasillooni darro aad u xoog badan.

 

 

 

Waxaa marag ma doonto ah in Magalaada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay tahay meel aanu haba yaraatee ka jirin ammaan la isku halleyn karo, waxaana ku soo badanaya Muqdisho dilalka dadka rayidka ah iyo sidoo kale dilalka loo geystay ciidammada dowladda iyo saraakiisha ciidanka booliiska iyo kuwa nabasugidda dalka; iyadoo falalkaas ay ka wadaan caasimadda kooxo aan la garanayn oo abaabulan.

 

 

 

Maxamed Xusen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mal: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Some will say another few thousand TFG troops from Puntland were being trained when in fact these men were the militias from Qanyare, Suudi, Dheere etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this