Cowke Posted July 28, 2010 If you think this is mere skermish sxb think again. Diyaarado Dul Heehaabaya Hawada Boosaaso iyo Galgala & Wararkii ugu Dambeeyey Deegaanka Waxaa magaalada Boosaaso iyo degaanada ku xeeran oo ay ku jirto degaanka Galgala laga maqlayaa illaa xaley diyaarado guuxoodu dheer yahay oo dul maraya kuwaasi oo dadku ku tilmaameen kuwa basaas ah. Saacadihii u dambeeyey ayaa guuxa diyaaradahan uu isa soo tarayey iyadoo ay shaley dagaalo u dhexeeyey ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa Xarakada Shabaab ee taabacsan Sheekh Maxamed Siciid Atam ay ka dheceen buuraleyda u dhexeysa Karin iyo Galgala oo ah degaan ka tirsan gobolka Bari. Lama garanayo halka ay diyaaradahan ka yimaadeen maadaama aney suuragal ahayn in la arko oo ay yihiin kuwo jog sare ku duulaya, balse waxaa la sheegayaa inay yihii kuwo aan cidina wadin ee sawirada dusha sare ka qaada. Dad degaanka ah ayaa RBC u sheegay in maanta xaalada ay degan tahay oo aysan jirin waxdagaal ama iska horimaad ah oo halkaasi ka dhacay inkastoo labada dhinac ay weli is hor fadhiyaan. Ciidamo badan oo xoojin ah ayaa illaa shaley ka kala imaanayey magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso kuwaasi oo gaaray degaanka lagu dagaalamay, waxaana ciidamadan gurmadka ah hogaminayey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire, wasiirka amniga Gen Yuusuf Khayr iyo wasiirka arimaha gudaha Gen C/laahi Ilka jiir. Ma muuqato wax wada hadal ah ama saansaan u eg, hase yeeshee waxaa wararka sheegayaan in labada dhinac uu mid walba soo xoojinayo aaga hore ee dagaalka. Warar soo baxaya ayaa sheegay in xoogaga dowlada Puntland ka soo horjeeda ay ciidamo dheeraad ah ku soo xoojiyeen dhinacooda oo ah xagga buuraleyda ka sokeysa Galgala oo shaley dagaalku ku gabal dhacsaday. Dowlada Puntland waxay ku adkeysaneysaa inay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxaha hubeysan ee saldhiga ka dhigtay buuraleyda Galgala, kuwaasi oo Puntland ay ku eedeysay inay ku xiran yihiin Xarakada Shabaab ayna masuul ka yihiin dilalka iyo qaraxyada lala beegsado masuuliyiinta dowlada. Dhinaca kale ee ka soo horjeeda Puntland waxaa hormuud u ah Sheekh Maxamed Siciid Atam oo degaan ahaan gobolka Sanaag Bari ka soo jeeda. Mana jirto wax hadal ah oo rasmi ahaan uga soo baxay hogaanka Xoogaga Galgala oo warbaahinta ay heshey. Dhinaca kale ciidamada Puntland oo shaley xayiraad ku soo rogay gaadiidka safarka ee ka bixi jiray Boosaaso ayaa maanta fasaxay in baabuurtu ay isticmaalaan wadada ka baxda Boosaaso, mana jirto sabab dowladu sheegtay in wadada loo xiray. Hase ahaatee waxaa weli go’doomintii ay saran tahay Galgala iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay joogaan xoogaga Sheekh Atam, iyadoo gebi ahaanba mudo ka badan toddobaad aan jirin wax baabuur ah oo galay ama ka soo baxay wadada dhinaca galbeed uga baxda Karin oo tagta Galgala, waxaana loo maleynayaa in ujeedadu tahay in saadka laga gooyo degaanada ay joogaan kooxahan mucaaradka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2010 It was a mere skirmish and exagerated news is not necessary. Inshallah it will be finished soon. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 28, 2010 13 qof oo dhintay is not mere skermish to me sxb. In a couple of hours of fighting. 5 haa lakin 13 is not good news waxaa iska cad in hub culus laysku adeegsaday iyo qoriga fududka layska dhigay. Anyways farole uma eeko qof soo af jareyo arintan wuu si wadaya illa atam gets out and atam wuxu ku dhartay meelna uma socodo. Wallahi Its worrying issue and can get alot worse. U know last time al-itihaad war caused close to 1000 deaths over 5 month period? Farole should really pay careful attention before we risk jepordizing our region for such silly nuisanes like atam. He should build up a big force to scare atam away rather then send contingents because atam will deal with those contingents and more deaths is just going to occur. The best thing farole should do is send a huge force triple the size of atams force. Say send 2000 boys there and atam has 500 he will realize there is no point to fight. But if u keep sending a few hundred attam has the capability to deal with that and the war will just continue. Farole should either end this peacefully or go hard big time. Lakin the middle ground is not solution and he should know better. Quote Share this post Link to post Share on other sites