Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Military officials move closer to Buhoodle.

Recommended Posts

Ciidan ay wataan Mustafe Galaal iyo Mahad Canbaashe oo gaadhay tuulada Dhalaamacune.

Warkii 28-May-2010 iyo Qormadii: NEWS

Xaalada gobolka Buuhoodle ayaa caawa laga cabsi qabaa inay halkaas ka dhacaan dagaalo dhexmara ciidanka Somaliland iyo ciidanka hogaanka SSC,kadib markii ciidan ku hubaysan gawaadhida tiknikada ah oo ay hogaaminayaan laba sarkaal oo ka soo jeeda gobolka Sool iyo Buuhoodle oo lagu magacaabo Mahad Canbaashe iyo Mustafe Galaal ay la waregeen tuulada Dhalaamacune oo qiyaastii 30-km u jirta degamada Buuhoodle,waxaana ciidankii kooxda SSC ay iyaguna ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn.

 

 

Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo halkaas ku sugan ayaa waxa laga dareemayaa magaalada buuhoodle xaalad colaadeed,iyadoo sidoo kale ay magaaladaas gaadheen wasiir-ku-xigeen ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu magacaabo C/risaaq Bacaluul,iyadoo horay uu halkaas ugu sugnaa Col Dalbac iyo ciidan uu wato.

 

Mid ka mid ah taliyayaasha wata ciidanka Somaliland Mustafe Galaal ayaa waxay walaalo yihiin Shiine Galaal oo uu dilay taliyaha ciidanka SSC Kayse Cabi oo ah ,kaasoo horey u ahaan jirey gudoomiyaha golka Cayn ee Puntland.

 

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaalo dhacaan caawa ilaa beri,iyadoo weli ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin ciidankii Itoobiyaanka ahaa,oo aan weli sii deyn gawaadhidii ay ka qabsadeen magaalada.

 

Wixii warar ah ee soo kordha ha ka fogaan Afnugaal.com.

 

Afnugaal News Desk.

 

Contact:info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidmada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo Maanta Gaadhay Tuulada Dhalaama-Cune Iyo Deegaano U Dhaw Buuhoodle

 

 

BUUHOODLE(OODWEYNENEWS)- Waxaa maanta hore u sii ruqaansaday ciidamo ka tirsan kuwa qaranka jamhuuriyada Somaliland kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Buhoodle iyo nawaaxigiisa.

 

Ciidamadani ayaa saaka subaxii horeba waxa ay fadhiisin cusub ka samaysteen tuulada Dhalaamacune oo qiyaas ahaan 25KM u jirta magaalada Buuhoodle taasi oo ay ku suganyihiin gudaheeda cidaamo Etoobiyaan ah iyo maleeshiyaad Beeleed dhawaan la magacbaxay SSC kuwaasi oo todobaadkii dhawaa ay dagaal fooda isku dareen ciidamada Dawlada Federalka ee Etobiya kaas oo ay ka dhasheen khasaarayaaal labada dhinacba ah.

 

Ciidamadan Somaliland ee saaka u dhaqaaqay dhankaa iyo Buhoodle ayaa waxaa hogaaminayay kornaylo u dhashay deegaamadaasi kuwaasi oo uu ka mid yahay Col.Mahad Canbaashe iyo kuwo kale kuwaasi oo nidar ku galay inay ka hortagidoonaan wax kasta oo dibindaabyo ku ah jiritaanka iyi nabadgalayada Dalka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Geesta kale waxaa iyana maanta laga dareemayay sansaan colaadeed magaalada buuhoodle ka dib markii ay maqleen dadka ku dhaqan magaaladu ciidmada xooga leh ee Somaliland ee ku soo wajahan deegaankaasi taasi oo xasuusinaysa dagaaladii dhawaan ku dhexmaray ciidamada etoobiya iyo dadka deegaankaasi kaasi oo sababay barakac weyn.

 

Ciidamada qaranka Jamhuuriayada Somalilnd ee maanta u dhaqaaqay dhankaas iyo Deegaamada Buuhoodle ayaa waxay yihiin kuwo ku hubaysan Tikniko iyo hub kale badanba taas oo cabsi ku abuurtay dadka goobahaasi ay sii dhaafayeen ku sugnaa sida tuulada dhalaamacune waxaana warakan noo xaqiijiayay mid ka mid ah daraywalada isaga kala goosha deegaamaadasi oo ka gaabsaday in la carababaabo magaciisa.

 

Ugu danbytii talaabadani ay maanata qaadeen ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku soo beegmayasa xili aan weli la dhamaystirin heshiiskii ay wada gaadheen ciidamada dalka Etoobiya iyo dadka deegaanmka Buuhoodle taasi oo aan weli lsi buuxda laysu shaafsan waxyaabihii lakala haystay.

 

 

 

Maxamed Cawed Maxamed

 

Oodweyne News/Burco Office

 

E-mail:cawad05@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo maanta laga cabsi qabo inuu ka dhaco aaga Buuhoodle

 

 

Mar aanu la xidhiidhnay Dhalaama cune ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in laga dareemayo magaalada buuhoodle xaalad colaadeed

Xaalada gobolka Buuhoodle ayaa Maanta laga cabsi qabaa inay halkaas ka dhacaan dagaalo dhexmara ciidanka Somaliland iyo ciidanka hogaanka SSC,kadib markii ciidan ku hubaysan gawaadhida tiknikada ah oo ay hogaaminayaan laba sarkaal oo ka soo jeeda gobolka Sool iyo Buuhoodle oo lagu magacaabo Mahad Canbaashe iyo Mustafe Galaal ay la waregeen tuulada Dhalaamacune oo qiyaastii 30-km u jirta degamada Buuhoodle,waxaana ciidankii kooxda SSC ay iyaguna ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn.

 

Mar aanu la xidhiidhnay Dhalaama cune ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in laga daremayo magaalada buuhoodle xaalad colaadeed,iyadoo sidoo kale ay magaaladaas gaadheen wasiir-ku-xigeen ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu magacaabo C/rashiid Bacaluul,iyadoo horay uu halkaas ugu sugnaa Col Dalbac iyo ciidan uu wato.

 

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaalo dhacaan Maanta ilaa beri,iyadoo weli ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin ciidankii Itoobiyaanka ahaa,oo aan weli sii deyn gawaadhidii ay ka qabsadeen magaalada

 

Gabiley Desk

lasanod OFfice

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo ay wataan Mahad Canbaashe iyo Mustafe Galaal oo la wareegay Tuulada Dhalaamacune

Posted by Admin on May 28, 2010

 

Rate This

 

 

Xaalada gobolka Buuhoodle ayaa caawa laga cabsi qabaa inay halkaas ka dhacaan dagaalo dhexmara ciidanka Somaliland iyo ciidanka hogaanka SSC kadib markii ciidan ku hubaysan gawaadhida tiknikada ah oo ay hogaaminayaan laba sarkaal oo ka soo jeeda gobolka Sool iyo Buuhoodle oo lagu magacaabo Mahad Canbaashe iyo Mustafe Galaal ay la waregeen tuulada Dhalaamacune oo qiyaastii 30-km u jirta degamada Buuhoodle,waxaana ciidankii kooxda SSC ay iyaguna ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn. Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo halkaas ku sugan ayaa waxa laga dareemayaa magaalada buuhoodle xaalad colaadeed,iyadoo sidoo kale ay magaaladaas gaadheen wasiir-ku-xigeen ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu magacaabo C/risaaq Bacaluul,iyadoo horay uu halkaas ugu sugnaa Col Dalbac iyo ciidan uu wato.

 

 

 

Mid ka mid ah taliyayaasha wata ciidanka Somaliland Mustafe Galaal ayaa waxay walaalo yihiin Shiine Galaal oo uu dilay taliyaha ciidanka SSC Kayse Cabi, kaasoo horey u ahaan jirey gudoomiyaha gobolka Cayn ee Puntland.

 

 

 

Arintu si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in dagaalo dhacaan caawa ilaa beri,iyadoo weli ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin ciidankii Itoobiyaanka ahaa,oo aan weli sii deyn gawaadhidii ay ka qabsadeen magaalada.

 

 

 

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Bakipress.com.

 

 

 

Laascaanood Bakipress News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by A_Khadar:

quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf:

 

Gabiley Desk

lasanod OFfice

:D:D

Classic
Imbued some creativity at its finest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland oo ku Dhow Inay la Wareegan Buuhoodle

 

 

WidhWidh, Somaliland (SF) – Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhow inay la wareegan Magaalada Buuhoodle, Boqolaal ciidamada Qaranka ah ayaa soo degay degaanka Dhalama Cune oo in ka yar 20 KM u jirta magaalada Buuhoodle

 

Ciidamada Jamhuuriyada ayaa la sheegay inay Habeenimadii xalay halka soo degeen iyaga oo wota Gawaarida dagaalka iyo Weliba Hub Cul Culus

 

Maleeshiyo ku sugna Buuhoodle oo u badna Qaad-Wolayaal ayaa la sheegay inay magaalada Isaga baxeen, waxana la filaya in ciidamada Jamhuuriyada Somaliland aay Saacadaha soo socda La Wareegan Magaalada

 

Wariye ku sugan Buuhoodle oo ka gabsaday in Magaciisa la xuso Ayaa u sheegay Somalifans Online in Magaalada Buuhoodle aay xilligan ka jirto Cabsi xoog leh, iyada oo dadka qeybtiina Bilaabeen barakac xoog leh

 

Siyaasiyiin Iyo Wasiiro ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa iyagu la sheegay inay dagaalkan Amarkiisa Bixiyeen kadib markii aay ka War heleen in Degmada Buuhoodle laga yaabo inay la wareegan ONLF oo Taageero ka heleysa Maleeshiyad u woto Nin lagu magacaabo Keyse Cabdi Yusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada WidhWidh oo gashay Xaalad aad u qalafsan

 

{WidhWidh}31-05-10Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Degmada widhwidh ayaa sheegay in shacabkii reer widhwidh ay ku sugan yihiin duleedka widhwidh ayaga magaaladaas Gabi ahaaba ay gudaha ugu jiraan Boqolaal Ciidamada SNM.

 

shacabkii reer widhwidh ayaa wali ku sugan duleedka magaalada iyaga Roobkii yahay deegaankaas ay ku dhamaadeen shacab badan oo kaqaxay magaalada iyaga oo aan haysan baco, raashin, dawo.

 

Ciidamada SNM ayaa magaalada gudaheeda ka ridaya xabado teel teel ah oo iyaga shacabka ku sugan magaalada duleedkeeda tusay in magaalada gudaheedu aysan wax nabad galyo ah ku sugnayn.

 

Isku soo wada duub waxaa muuqda in magaalada widhwidh ay gashay xaalad qalafsan oo ka baxsan bin'aadamnida. Waxaana muuqda in magaalada ay noqotay Xero Ciidamada SNM ay ku sugan yihiin.

 

C/laahi Maxamed Yusuf (WIDHWIDH)

 

 

 

 

Source widhwidh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

shacabkii reer widhwidh ayaa wali ku sugan duleedka magaalada iyaga Roobkii yahay deegaankaas ay ku dhamaadeen shacab badan oo kaqaxay magaalada iyaga oo aan haysan baco, raashin, dawo.

 

Source widhwidh

So, is this a victory?

 

Reer reer-kale magaaladii haysan karaa majiro, Somalidu ma kala adka. It is good if the SNM go back to where they belong to.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

You are not what you think of yourself, but what people think of you. That is how a age-old Somali adage goes. I think Somaliland is now seen by most SSC as a clan attackiing another clan's land. We will see how it works out.

 

But as a reminder to you, when Jalle Siyaad was running riot in Hargeisa, the locals (SNM) saw it as clan X attacking clan Y. And that was how it turned out to be in the final analysis! But clan X here was pretending to be a government. Do you see any parallel with the current situation?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this