Jacaylbaro Posted September 22, 2007 Hargeysa (SDWO 21/09/07)- Shir ballaadhan oo lagu xusayey maalinta nabadda adduunka ee 21 September 2007 oo hal maalin socday, ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka waddaniga ah ee dhaqdhaqaaqa dhallinyaradda iyo dimuqraadiyadda (YMD), waxa maalgaliyey Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. Waxa ka qaybgalay dad tiradoodu kor u dhaaftay 70 qof oo isugu jiray ururrada bulshadda ee kala duwan, qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha iyo dugsiyadda ee dalka, wax-garad, Wasiirro, salaadiin, xildhibaanno iyo culimaa'udiin, waxana lagaga doodday xoojinta nabadda iyo doorka dhallinyarada Somaliland. Ujeeddooyinka ururkan u qabtay shirkaa waxa ka mid ahaa xoojinta nabadda wadanka iyadoo loo marayo hab-wadareed, in qayb wal oo bulshadda ka mid ahi garato kaalinteeda ay ku leedahay nabadda, in la abuuro is-dhexgal dhallinyarada dhexdeeda ah, bilaabidda doodo saliim oo lagaga hadlayo sidii nabadda loo adkayn lahaa iyo in wada tashi la sameeyo oo laga wada hadlo wixii nabadda dhaawici kara. Ugu horreyn waxa kulankaa furay Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa dhallinyarada iyo dimuqraadiyadda (YMD) Mr. Maxamed Maxamuud Aw Daahir oo sheegay in nabaddu tahay aasaaska nolosha la'aanteedna aan waxba la qabsan karin, sidaa daraadeed ay lagama maarmaan u noqotay in dadka had iyo jeer lagu baraarujiyo. "Maalintani waa mid loo baahan yahay oo mujtamacyada adduunka ku nooli nabad la'aanteed waxba qabsan maayaan, wax walba waxa u aasaas ah nabadda, isla markaa lagama maarmaan bay noqotay in nabaddaa dadka lagu baraarujiyo oo la yidhaa nabaddu waa aasaaska cid walba. Cidna nabadda si gaar ah ugu faa'iidayn mayso, laakiin bulsho ahaan iyo caalam ahaan ayey nabaddu u tahay wax qaali ah. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo, ayaa xusay in nabadda ay sameyn karto ciddii colaad sameyn kartaa, isla makaana colaadda uu keeno caal-waa. "Nabadda waxa sameeya cidda colaadda sameyn karta, colaaddana waxa keena caal-waa oo waa xalka ugu dambeeya ee binu aadamku isla gaadho, marka wanaagu duubmo waxna la kala maqli waayo ee xuquuqda la iska dafiro ayey timaadaa. Soomaalidu ma jecla dagaalka oo waxay isu bariidisaa ma nabad baa wayse u tababarataa. Innagu [ Somaliland] waxaynu Soomaalida kale dheernahay waa nabadda, halkii ay iyagu colaad uun u soofaynayeen, inagu arkaantii nabadda uun baynu taageynay. Nabadda waxa xoojiya sharciga oo loo hogaansamo, ka khaldana dhinac looga soo wada jeesto," ayuu yidhi Wasiir Tallaabo. Waxa kaloo halkaa ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlay sidii madax-dhaqmeeyadu u xalliyaan khilaafyada, waxaannu tilmaamay in bulshadu ahayd mid degaankeedu ahaa miyi oo ay lahayd hab-dhaqameed ay dhibaatooyinkeeda ku xalliso. Waxaannu intaa ku daray in odayaashii hore mararka qaarkood muddo dheer oo sannado ah ay ku qaadan jirtay inay hal khilaaf xalliyaan, taasina muujinayso siday ugu samri jireen nabadda. Waxa kaloo uu ku daray intaa in mar walba oo cidii damac gaar ah leh adeegsato dhallinyarada markaa joogta, taasi oo uu kala dardaarmay dhallinyarada inay iska ogaadaan. Sidoo kale isu duwaha barmaamujyada ee akadamiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa tilmaamay in dadku salka ka fadhiisto marka uu nabadda haysto. Dhalliyaraddana hadalka la leeyahay nabadda ilaashada meesha idinka la idiin banaynayaaye aanu haboonayne loo baneeyo iminka madaxa ha la galaane. Waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi; "Qoladan leh dhallinyaradda idinkaa la idiin hayaa meesha, waxaan odhan lahaa dhallinyaradda hadalkaasi wuu ku batee iyadoon la ina wada bedelin si ay u dareemaan wuxu waxa uu yahay waxoogaa ha loo baneeyo horta madaxa la galaan oo ha noqdaan wasiiro iyo guurti ha dhadhamiyaan oo xasiliyaan, laakiin yaan la odhan maalintaanu wada dhimano soo gala, waayo iyaguna maalintaa kuwa kale ayey ku odhanayaan sidaas oo kale. Meelaha nabaddu ay ka xidhmi laadahay waa dhulka hadday magaalo tahay waa baloodh, hadday miyi tahayna waa seere, dhirta la jarayaa waa meel kale oo ammaan darro inagaga soo socoto, shaqo la'aantuna waa mid. Nabadda cidna ha ku halaynina ee nin walowba intaad ku leedahay ka qaado maaha wax la isu dhiibto ee halbowle waan inaynu u soo jeednaa oo ilaashanaa." Waxa kale oo halkaa ka hadlay xubno kale oo isugu jiray xildhibaano, culimo iyo haweenba oo dhammaantooda ka waramay muhiimadda nabaddu leedahay iyo sida loogu baahanyahay in la ilaashado. Waxa intii shirkaasi socday lagu soo bandhigay filim (documentary ah) ay akadamiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland ka diyaarisay sida Somaliland nabadda ku sameysay iyo wadooyinka ay u martay, isla markaana is-barbardhigaya burburkii dalka ku dhacay iyo halka iminka uu marayo, filimkaa oo magaciisa la yidhaa "Dareen dhalis", waxa dadkii daawanayey uu ku riday sida magaciisa ka muuqata dareen qiiro leh. Gebogabadii shirkaa waxa laga soo saaray baaq 9 qodob ka kooban oo nuxurkiisu yahay in nabadda guud ahaan la ilaaliyo, dhallinyaro, waayeel, dawlad, bulsho iyo cid walba oo ay khusaysaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites