Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: murder by clan courts....another buaale incident?

Recommended Posts

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa dil foolxun loogu geystey Magaaladda Kismaayo Mas'uulkii SHirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines.

 

osman_dhagaweyne1.jpg

 

Last Updated::2006-12-26 20:36:57

 

Rabbi Janadii haka waraabiyee waxaa meydkiisa laga heley meel u dhaw xeebta Kismaayo Mas'uulkii Shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti Xafiiskeeda Soomaaliya Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne).

Cismaan Dhegaweyne ayaa u tegey Magaaladda Kismaayo si uu uga furo xafiis ay leedahay shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti, kadib waxaa kala haray diyaaraddii uu saarnaa malayshiyo ka tirsan maxaakiimta Kismaayo, waxayna sheegeen in ay arkeen ninkaan oo la sawiran hadda ka hor Madaxweyha Puntland Cadde Muuse!!.

 

Dilkaan ayaa ahaa mid aad u foolxun loona isticmaalay gawrac laga gawracay dhuunta loogana tegey meel cidla ah.

 

Arintan ayaa waxay aad uga yaabisey mujtamaca Soomaaliyeed taas oo ku tusinaysa Burcadnimadda iyo sida ay dhiiga shacabka ugu qubaysanayaan Malayshiyaadka ka tirsan Maxaakiimta Islaamka waxa loogu yeedho.

 

Waxaan ilaah uga baryeynaa CIsmaan in uu ka waraabiyo janaddii Firdowsa, waxaana diley gacan ka xaqdaran.

 

Cismaan Maxamuud Cismaan waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon aadna looga jecel yahay guud ahaan geyiga Puntland, waxaana uu ahaa koox weriyaal ah oo lagu bilaabey idaacadda SBC sanadkii 2001dii, kadib waxa uu noqdey xoghaynta Madaxweynaha DGPL, isaga oo markii danbe ka tegey shaqadaas noqdeyna ganacsade isaga oo mas'uul ka noqdey shirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines, Rabbi ha unaxariistee waxa uu ifka kaga tegey 3 caruur ah iyo hal Xaas.

 

Horsednet.Com

 

Print This Page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Innaa Ileyhi Wa inna Ileyhi Raajicuun! Allaha u naxariisto marxuunka. Dadkiisana samir iyo iman Allaha ka siiyo.

 

Kuwa dilay waa takfiir, muslin sheeganaya! subxaanallaah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

you guys keep on talking about Kismayu and mention foreign soilders that are harldy existing.

 

But i assure you that no TFG soilders will set foot on Kismayu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this