General Duke Posted December 26, 2006 Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa dil foolxun loogu geystey Magaaladda Kismaayo Mas'uulkii SHirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines. Last Updated::2006-12-26 20:36:57 Rabbi Janadii haka waraabiyee waxaa meydkiisa laga heley meel u dhaw xeebta Kismaayo Mas'uulkii Shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti Xafiiskeeda Soomaaliya Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne). Cismaan Dhegaweyne ayaa u tegey Magaaladda Kismaayo si uu uga furo xafiis ay leedahay shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti, kadib waxaa kala haray diyaaraddii uu saarnaa malayshiyo ka tirsan maxaakiimta Kismaayo, waxayna sheegeen in ay arkeen ninkaan oo la sawiran hadda ka hor Madaxweyha Puntland Cadde Muuse!!. Dilkaan ayaa ahaa mid aad u foolxun loona isticmaalay gawrac laga gawracay dhuunta loogana tegey meel cidla ah. Arintan ayaa waxay aad uga yaabisey mujtamaca Soomaaliyeed taas oo ku tusinaysa Burcadnimadda iyo sida ay dhiiga shacabka ugu qubaysanayaan Malayshiyaadka ka tirsan Maxaakiimta Islaamka waxa loogu yeedho. Waxaan ilaah uga baryeynaa CIsmaan in uu ka waraabiyo janaddii Firdowsa, waxaana diley gacan ka xaqdaran. Cismaan Maxamuud Cismaan waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon aadna looga jecel yahay guud ahaan geyiga Puntland, waxaana uu ahaa koox weriyaal ah oo lagu bilaabey idaacadda SBC sanadkii 2001dii, kadib waxa uu noqdey xoghaynta Madaxweynaha DGPL, isaga oo markii danbe ka tegey shaqadaas noqdeyna ganacsade isaga oo mas'uul ka noqdey shirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines, Rabbi ha unaxariistee waxa uu ifka kaga tegey 3 caruur ah iyo hal Xaas. Horsednet.Com Print This Page Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 26, 2006 Innaa Ileyhi Wa inna Ileyhi Raajicuun! Allaha u naxariisto marxuunka. Dadkiisana samir iyo iman Allaha ka siiyo. Kuwa dilay waa takfiir, muslin sheeganaya! subxaanallaah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somali_Friend Posted December 26, 2006 Prime Minister Meles mentioned it in his interview, but I thought he was only talking of the first one, when eritrea, OLF Pakistani terrorists came in to Kismayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ahmed_Guree Posted December 27, 2006 ^^^ you guys keep on talking about Kismayu and mention foreign soilders that are harldy existing. But i assure you that no TFG soilders will set foot on Kismayu. Quote Share this post Link to post Share on other sites