Sign in to follow this  
OLOL

THe Hon.Speaker Sharif meets US Senetors in DC

Recommended Posts

OLOL   

Guddoomiyaha Baarmalaanka oo la kulmay laba senator oo kala ah Coleman iyo Dayton

 

September 13, 2005

 

 

 

sharif_xasan_usa1.jpg

 

Waxaa maanta ka dhacay xafiiska Sentator Coleman ee ku yaal Magaalada Washington D.C. kulan u ka qeyb galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden, Wasiirka Warfaafinta ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka 1aad Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Dr. Cali Khalif Glayr iyo Mr. Xasan Saciid oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Washigton D.C.

 

 

Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay dhinaca Mareykanka laba Senator oo kala ah Senator Comelman iyo Senator Dayton oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku nooshahay ee Menisota. Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo kala duwan. Guud ahaan waxaa laga siiyey warbixin guud oo dhinac walba taabanaysa.

 

Waxay uga warameen ujeedada socdaala Mareykanaka, ka dib, waxay uga warameen xaalada murugsan ee Soomaaliya manta mareyso iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay’adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI’s) iyo waxa lagu kala qeybsamay. Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen baahida deg deg ah ee Soomaaliya u baahay iyo kaalinta ama taageradda loo fidin karo Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatadan daba dheeratay iyo sidoo loo kobcin lahaa hay’adaha dowladda tayadooda iyo wax qabadkooda.

 

Waxay sidoo kale lagu qeexay ahamiyada go’aanki golaha amaanka iyo dadaalka nabadeed ee uu wado ergayga gaarka ah ee qaramada modoobay Amb. Fall ee looga dan leeyahay in khilaafka lagu soo afjaro iyadoo axdigu saldhig u yahay.

 

Inta waxa sii dher in la tilmaamay in manta loo baahayn in Soomaaliya laga dhisho maalmul ku dhisan dimoqraadiyad saldhigeedu yahay rabitaanka shacabke, saraynta sharciga, xukun wanaag iyo ku dhaqanka sharciga si loo soo afjaro kala danbayn la’aanta dalka ka jirta iyadoo wax kastaba loo marayo wado nabadeed, sababta oo ah Soomaali wey ka daashay colaad iyo dagaal, waxay u baahan tahay nabad, xasilooni iyo adeeg kala duwan, arrimahaasna laguma gaari karo, ilaa la helo, kalsooni iyo is aminid salka ku haysa wada shaqeyn wax kool ah iyo in qof walba in laga ilaaliyo wixii dhibaya laguna tix galiyo rabitaankiisa sharciga waafaqsan, si loo dhiso wax Soomaali u wada cuntama sida ummaddaha kale.

 

Warbixinta ka dib, labada Senator, waxay soo bandhigeen su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid ahayeen sida ay wax ula qaban karaan Baarlmaanka ama Soomaaliya guud ahaan.

 

Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday guul, iyo in kulankan la sii wado lana sii balaariyo, si loo gaaro wada shaqeyn buuxda oo dan u ah labada dal iyo labada shacab.

 

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this