Sign in to follow this  
General Duke

International delegation arrives in Mogadishu..

Recommended Posts

Wafdi caalami ah oo maanta Muqdisho gaaray

16 Aug 16, 2007 - 12:51:08 PM

 

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda kooxda lagu

magacaabo guddiga la talinta shirweynaha dib u heshiisiinta iyadoo ay

kulamo kala duwan la yeesheen guddoonka shirweynaha dib u heshiintaa

beelaha Soomaaliyeed.

 

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayna xubno ka ahaayeen wafdigan dalalka

Norwey, Belgium, Ururka Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo

wafdiga ay sidoo kale kulan la qaateen garab ka mid ah beelaha ****** ee

ka soo horjeeda shirweynaha dib u heshiisiinta.

 

Rina Chrismin oo wafdiga ka tirsaneyd kana socotay safaaradda Norweyn ay

ku leedahay Nayroobi ayaa saxaafadda ugu warbixisay waxyaabihii ay kala

hadleen iyadoo sheegtay in guddigan qaabilsan la talinta caalamiga ah ee

shirweynaha dib u heshiisiinta in ay qaadi doonaan tallaabooyin la isugu

keenayo dhinacyada ka soo horjeeda shirweynaha isla markaana kooxda ugu

weyn ee mucaaradsan shirweynaha ee fadhigoodu yahay ay sheegtay in ay kula

kulmi doonaan dalka Jabuuti.

 

Rina Chrismin ayaa sidoo kale sheegtay in garabka mucaaradka ee beelaha

****** ay kala hadleen sidii ay shirka ugu qeyb qaadan lahaayeen isla

markaana waxyaabaha ay tabanayaan miiska wada hadalka u soo dhigi

lahaayeen, taasoo ay ku guul dareysteen guddigan.

 

Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan wada xaajoodyada

ay la galayaan cid kasta oo ka soo horjeeda shirweynaha dib u

heshiisiinta, iyadoo kulankii ay la yeesheen Guddoonka shirka ay soo

dhoweeyeen in shirka laga soo qeybgeliyo koox kasta oo mucaaradsan

nidaamka shirka u socdo.

 

Wafdigan ayaa dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya halkaasi

oo ay ka soo duuleenkii markii hore.

 

Cali Muxiyaddin Cali, Garowe Online

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this