General Duke Posted August 16, 2007 Wafdi caalami ah oo maanta Muqdisho gaaray 16 Aug 16, 2007 - 12:51:08 PM Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda kooxda lagu magacaabo guddiga la talinta shirweynaha dib u heshiisiinta iyadoo ay kulamo kala duwan la yeesheen guddoonka shirweynaha dib u heshiintaa beelaha Soomaaliyeed. Wafdigan ayaa waxaa horkacayey xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayna xubno ka ahaayeen wafdigan dalalka Norwey, Belgium, Ururka Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo wafdiga ay sidoo kale kulan la qaateen garab ka mid ah beelaha ****** ee ka soo horjeeda shirweynaha dib u heshiisiinta. Rina Chrismin oo wafdiga ka tirsaneyd kana socotay safaaradda Norweyn ay ku leedahay Nayroobi ayaa saxaafadda ugu warbixisay waxyaabihii ay kala hadleen iyadoo sheegtay in guddigan qaabilsan la talinta caalamiga ah ee shirweynaha dib u heshiisiinta in ay qaadi doonaan tallaabooyin la isugu keenayo dhinacyada ka soo horjeeda shirweynaha isla markaana kooxda ugu weyn ee mucaaradsan shirweynaha ee fadhigoodu yahay ay sheegtay in ay kula kulmi doonaan dalka Jabuuti. Rina Chrismin ayaa sidoo kale sheegtay in garabka mucaaradka ee beelaha ****** ay kala hadleen sidii ay shirka ugu qeyb qaadan lahaayeen isla markaana waxyaabaha ay tabanayaan miiska wada hadalka u soo dhigi lahaayeen, taasoo ay ku guul dareysteen guddigan. Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan wada xaajoodyada ay la galayaan cid kasta oo ka soo horjeeda shirweynaha dib u heshiisiinta, iyadoo kulankii ay la yeesheen Guddoonka shirka ay soo dhoweeyeen in shirka laga soo qeybgeliyo koox kasta oo mucaaradsan nidaamka shirka u socdo. Wafdigan ayaa dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya halkaasi oo ay ka soo duuleenkii markii hore. Cali Muxiyaddin Cali, Garowe Online Muqdisho, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites