Sign in to follow this  
General Duke

Parliment approves FT deployment...

Recommended Posts

Xildhibaannada baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ogolaadayin dalka la keeno ciidammo aan kala sooc lahayn

Posted to the Web Jun 14, 17:54

 

 

Baydhabo (PP) -Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in dalka la keeno ciidammo aan kala sooc lahayn oo ka yimaada dunida oo dhan oo ay ku jiraan kuwa safka hore ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

 

 

Arrintaan ayaa waxay timid kaddib markii muddo saddex casho ah oo doodo dhaadheer ahaa kuna saabsanaa arrintaan ay yeelanayeen xubnaha baarlamaanka, waxaana cod loo qaaday ugu dambeyn maanta ay ku ogolaadeen cod buuxa oo aqlabiyad ah in dalka la keeno ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda caalamka.

 

Xildhibaannadii maanta isugu yimid kulankii baarlamaanka oo tiradoodu ay ahayd 199-xildhibaan ayaa 129-xildhibaan oo ka mid ah waxay dooreen in dalka la keenno ciidammo nabad ilaalin oo aan la kala soocay, waxaana ku dhawaaqay natiijada baarlamaanka uu ka gaaray codeyntiisii ciidammada shisheeye guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in cod buuxa uu baarlamaanku isugu raacay in la keeno dalka ciidammo nabad ilaalin ah oo aan la kala soocayn.

 

Xildhibaannada ayaa waxay u codeeyeen in dalalka safka hore ciidammadooda ay face-ka hore imaanayaan dalka isla markaana ay si emergency ah ku soo geli karaan dalka, waxaana ay sheegeen inay ka qaybqaadan karaan xasilinta dalka iyo hub ka dhigista shacabka Soomaaliyeed oo gacanta uu ugu jiro hubkii dalka oo dhan.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka oo u codeeyey keenista Ciidamo shiysheeye.

 

 

Baydhab:-Xubnaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa galabta u codeeyey keenista in ciidamo lakeeno dalka oo ay noqdaan kuwa ay u dhanyihiin wadamada iyo in laga reebo dalalka Soomaaliya ay ood wadaagta yihiin.Codeynta oo bilaabatey duhurnimadii maanta ayaa waxaa loo codeynayey hab qarsoodi ah oo xildhibaanada codkooda ay ku ridayeen buqshad loo diyaariyey in codadka lagu rido.

 

Waxaa la sameeyey laba cod oo kala ah Kor in ciidamada imaanya aysan ka mid noqon wadamada dariska la ah Soomaaliya iyo Hoos oo ah in ciidamada imaanaya dalka aan la kala soocin oo ay si buuxda u imaan karaan dalka.

 

Cod bixintii maanta ayaa waxaa ka qayb qaatay 199 xildhibaan waxana xumaaday hal cod, 125 xildhibaan ayaa u codeeyey in ciidamo ka socda beesha caalamka isla markaasna waddamada deriska ah ay bixinayaan tababarada iyo taageerada la keeno Soomaaliya, halka 73 xildhibaanna ay diideen in sinaba loo keeno ciidamo shisheeye.

 

Codaynta maanta ee in ciidamo shisheeyo la keeno dhulka Soomaaliya ayaa ku soo beegatay xilli maxaakiimtu ay isugu balaariyeen guud ahaan degaanada Baraadir, shabeelada Hoose iyo shabeelada dhexe, waxaana qodbkani ahaa qdoblkii kala geeyey oo laysku farasaaray xiligii labada gole ku sugnaayeen magaalada Nairobi.

 

Xarunta wararka Waayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay in Ciidamo Ajnabi ah oo ay ku jiraan Dalalka Safka hore la keeno Soomaaliya

 

Webmaster

 

 

Cod loo qaaday ciidamada Shisheeye in dalka la keeno ayaa ka dhacday xarunta Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Baydhaba, waxayna xildhibaannada codkooda u dhiibteen si qarsoodi ahayd iyadoo 199 xildhibaan ay codkooda dhiibteen.

 

Waxaa codka loo qaaday labada qaab oo warqadda lagu codeynayo ay ku qoran tahay:

 

 

Waxaan u codeynayaa Ciidamo Caalami ah oo hoostaga Qaramada Midoobay oo aysan ku jirin kuwa safka hore:

 

Waxaan u codeynayaa Ciidamo Caalami ah oo hoostaga Qaramada Midoobay oo aysan ku jiraan kuwa safka horena ay ka qeyb galyaan taakuleynta, tababarka iyo wejiga labaad oo si toos ah:

 

Waxay natiijadii noqotay:

 

IN CIIDAMO NABAD ILAALINEED OO SHISHEEYE DALKA LA KEENO OO AY UGU JIRAAN CIIDAMADA SAFKA HORE TAAKULEYN IYO TABABAR:

 

Waxaa u codeeyay (HOOS) : = 125

 

 

IN DALKA LA KEENO CIIDAMO SHISHEEYE OO AANAY KU JIRIN KUWA SAFKA HORE, KUNA IMAAN KARIN DHINAC KASTA SIDA TABABAR, GURMAD IWM.

 

Waxaa u codeeyay (KOR) : = 73

 

Waxaa xumaaday Hal cod kaliya.

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya u codeeyay ciidamo aan la kala saarin inay Soomaaliya yimaadaan oo kuwa safka hore ay qeybta hore uga qeyb qaadanayaan taakuleynta, tababarka iyo dhinaca farsamada oo saadku ku jiro, wejiga labaadna ay dalalka safka hore ciidamadooda keenayaan Soomaaliya.

 

Sidaasina wuxuu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ogolaaday in dalka la keeno ciidamada Itoobiya, arrintan oo dadweyne badan oo Soomaaliyeed ka horjeedaan, isla markaana laga cabsi qabo inay keento isku dhaca Dowladda fadhida Baydhaba iyo Midowga Maxkmadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this