Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

XaglaJiifiye Visits Galmudug

Recommended Posts

Hogamiyaha Mamulka Iyo Midaynta SSC Saleebaan Xaglo –Toosiye Oo La Sheegay Inuu Kasoo Degay Bandiira

Warkii 20-Mar-2010 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho

Warar aan aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Badbaadinta iyo Midaynta maamulka Sool,sanaag iyo Cayn saleebaan axmed kaar (xaglo toosiye ) inuu saacadaha soo socda kazoo degi doono garoonka diyaaradaha ee bandiiradley ee ay gacanta ku hayaan maamulka galmudug state .

 

 

Hogaamiyaha SSC oo ay u diideen inuu kazoo dego magaalooyinka garoowe ,gaalkacayo iyo weliba boosaaso maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu heshiis la galay maamulka galmudug state islamrkaana la sheegay inuu kazoo degi doono garoonka degmada bandiiradley iyadoo la sheegay in diyaar garoow balaardhan oo looga sameeyey deegaanda ka gacan banana maamulka Somaliland in lagu soo dhoweeyo .

 

 

 

Tikniko farabadan oo aan tiradeeda la xaqiijin ayaa la sheegay inay ka baxaday manta magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn taasoo la sheegay inay soo gelbin doonaan hogaamiyaha oo la sheegay inay soo marin doonaan dhinaca howdka .

 

 

 

Dhinaca kale madaxweyne c/raxmaan faroole iyo ku xigeenkiisa Col.c/semed cali shire ee maamulka puntland ayaa la sheegay inay warqado ay doonayaan in lagu qaarajiyo hogaamiyaha inay u qaybiyeen sirdoonka iyo weliba ciidamada booliska puntland taasoo dhalisay guux balaaran oo manta laga dareemayo magaalada xarunta u ah puntland ee garoowe .

 

 

 

Hogaamiye xaglo- toosiye ayaa la sheegay inuu doonayo siyaasadiisa ku aadan maamulka midaynta iyo badbaadinta SSC inuu ka wadi doono gudaha gobolada sool ,sanaag iyo cayn oo ay iminka qaarkood gacanta ku hayaan maamulka Somaliland

 

 

 

Imaatinta hogaamiyaha ayaa kusoo beegmaysa xili ay maamulka puntland inqilaabeen Shirkii uga socday tuulada buurowadal Isimada gobolada SSC islamarkaana u weeciyey dhinaca maamulkooda taasoo dhalisay iska hor imaad siysadeed oo u dhexeeya hogaanka SSC iyo Isimada qaarkood oo Horgal u ah maamulka Puntland islamrkaana la weeray Garaad jaamac garaad cali iyo garaad jaamac garaad islaamciil oo iyagu ku sugan tuulada buuro-wadal

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

 

Afnugaal News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this