Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Laascaanood: Regional Electoral Committee Sworn In

Recommended Posts

138 aqoonyahan oo loo dhaariyey inay la shaqeeyaan Komishinka Somaliland Laascaanood

 

 

Tababar socon doona mudo laba maalmood ah ayaa loo qabtay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 138 qof oo ka mid noqon doona dadka uga shaqayn doona kumishinka doorashooyinka somaliland kaadh badelista gobolkan Sool. Tabababka oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga komishinka doorashooyinka somaliland ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee Muuse Yuusuf eevmagaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool

 

Waxaana tababarkan bixinaya xubno ka tirsan gudiga kumishinka doorashooyinka iyadoo lagu fahansiinayo sidii ay u badeli lahaayeen kaadhadhkii hore ee diwaaan gelinta ee dadka horay loo siiyey wakhtigii diiwaangelinta.

 

Dadka qaadanaya tababarka ayaa badidoodu yihiin macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka Sool ardayda jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood, waxaana isla maanta loo dhaariyay sidii ay u gudan laahaayeen xilka loo igmaday.

 

Ugu horayntii waxaa ka hadlay gudoomiyaha komishinka doorashooyinka gobolka sool Cabdilaahi Maxamed Shire wuxuuna ku booriyay dhamaan shaqaalaha ka hawlgalaya ee tababarka la siinayi in ay si daacadnimoah u gutaan shaqada ay qabanayaan isga oo intaa raacshay in hawsha maanta loo tababarayo kaliya ay tahay kaadh badelis balse qofkii ka soo baxa uga gudbi doono qaybaha kale ee komishinka.

 

Waxaa isna sidoo kale ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka komishinka doorashooyinka gobolka sool maxamed x.faarax cali isaga oo ka warbixiyay sababta loo qabtay tababarka inay tahay si loo baro dhamaan dadka ka hawlgalaya inay fahmaan sida loo badalayo kaadhadhkii hore iyadoo ay qaban doonaan masuuliyad culus loogana baahan yahay inay daacadnimo ku shaqeeyaan taasoo sabababtay in loo dhaariyo.

 

Ugu danbayntii waxaa bilaabmay dhaarintii dadka ka hawlgali doona shaqada kaadh badilista oo dhaar wadareed loo dhaariyay iyadoo gudoomiyaha maxkamada degmad laascaanood ibraahim Axmed muuse uu dhaartaasi mariyay dhamaan hawl wadeenada cusub ee tababarka la siinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale, Komishanka doorashooyinka ee ayaa shalay tababar ku saabsan qaabka bixinta kaadhadhka ka bilaabay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Tababarkan ayaa lagu wadaa in uu xubnahan u socdo muddo 2 cisho ah, waxaanay ku baran doonaan isla markaana lagu fahamsiin doono sidii ay u badeli lahaayeen kaadhadhkii hore ee diwaaan gelinta ee dadka horay loo siiyey wakhtigii diiwaangelinta.

 

Dadka qaadanaya tababarka ayaa badidoodu yihiin macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka Sool ardayda jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood, oo ay tiradoodu gaadhayso 138 xubnood ayaa waxa isla maanta loo dhaariyay sidii ay u gudan laahaayeen xilka loo igmaday.

 

Ugu horayntii waxaa ka hadlay gudoomiyaha komishinka doorashooyinka gobolka sool Cabdilaahi Maxamed Shire wuxuuna ku booriyay dhamaan shaqaalaha ka hawlgalaya ee tababarka la siinayi in ay si daacadnimoah u gutaan shaqada ay qabanayaan isga oo intaa raacshay in hawsha maanta loo tababarayo kaliya ay tahay kaadh badelis balse qofkii ka soo baxa uga gudbi doono qaybaha kale ee komishinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this