Jacaylbaro Posted May 4, 2010 138 aqoonyahan oo loo dhaariyey inay la shaqeeyaan Komishinka Somaliland Laascaanood Tababar socon doona mudo laba maalmood ah ayaa loo qabtay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 138 qof oo ka mid noqon doona dadka uga shaqayn doona kumishinka doorashooyinka somaliland kaadh badelista gobolkan Sool. Tabababka oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga komishinka doorashooyinka somaliland ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee Muuse Yuusuf eevmagaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool Waxaana tababarkan bixinaya xubno ka tirsan gudiga kumishinka doorashooyinka iyadoo lagu fahansiinayo sidii ay u badeli lahaayeen kaadhadhkii hore ee diwaaan gelinta ee dadka horay loo siiyey wakhtigii diiwaangelinta. Dadka qaadanaya tababarka ayaa badidoodu yihiin macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka Sool ardayda jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood, waxaana isla maanta loo dhaariyay sidii ay u gudan laahaayeen xilka loo igmaday. Ugu horayntii waxaa ka hadlay gudoomiyaha komishinka doorashooyinka gobolka sool Cabdilaahi Maxamed Shire wuxuuna ku booriyay dhamaan shaqaalaha ka hawlgalaya ee tababarka la siinayi in ay si daacadnimoah u gutaan shaqada ay qabanayaan isga oo intaa raacshay in hawsha maanta loo tababarayo kaliya ay tahay kaadh badelis balse qofkii ka soo baxa uga gudbi doono qaybaha kale ee komishinka. Waxaa isna sidoo kale ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka komishinka doorashooyinka gobolka sool maxamed x.faarax cali isaga oo ka warbixiyay sababta loo qabtay tababarka inay tahay si loo baro dhamaan dadka ka hawlgalaya inay fahmaan sida loo badalayo kaadhadhkii hore iyadoo ay qaban doonaan masuuliyad culus loogana baahan yahay inay daacadnimo ku shaqeeyaan taasoo sabababtay in loo dhaariyo. Ugu danbayntii waxaa bilaabmay dhaarintii dadka ka hawlgali doona shaqada kaadh badilista oo dhaar wadareed loo dhaariyay iyadoo gudoomiyaha maxkamada degmad laascaanood ibraahim Axmed muuse uu dhaartaasi mariyay dhamaan hawl wadeenada cusub ee tababarka la siinayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 4, 2010 Sidoo kale, Komishanka doorashooyinka ee ayaa shalay tababar ku saabsan qaabka bixinta kaadhadhka ka bilaabay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Tababarkan ayaa lagu wadaa in uu xubnahan u socdo muddo 2 cisho ah, waxaanay ku baran doonaan isla markaana lagu fahamsiin doono sidii ay u badeli lahaayeen kaadhadhkii hore ee diwaaan gelinta ee dadka horay loo siiyey wakhtigii diiwaangelinta. Dadka qaadanaya tababarka ayaa badidoodu yihiin macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka Sool ardayda jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood, oo ay tiradoodu gaadhayso 138 xubnood ayaa waxa isla maanta loo dhaariyay sidii ay u gudan laahaayeen xilka loo igmaday. Ugu horayntii waxaa ka hadlay gudoomiyaha komishinka doorashooyinka gobolka sool Cabdilaahi Maxamed Shire wuxuuna ku booriyay dhamaan shaqaalaha ka hawlgalaya ee tababarka la siinayi in ay si daacadnimoah u gutaan shaqada ay qabanayaan isga oo intaa raacshay in hawsha maanta loo tababarayo kaliya ay tahay kaadh badelis balse qofkii ka soo baxa uga gudbi doono qaybaha kale ee komishinka. Quote Share this post Link to post Share on other sites