Sign in to follow this  
General Duke

Quite before the storm... [Fools rush to war.]

Recommended Posts

Maxaa dhici kara haddii uu fashilmo shirka Mag. Khartoum?

Posted on Sunday, October 29 @ 06:07:09 EST by editor

 

Onkod News, October 29, 2006, By : Abshir Axmed Maxamed, Dhibaatada ugu weyn ee haysata shacabka Soomaaliya oo ay la heshiin la’yihiin waxaa loo tiriyaa inay asal u tahay dhaqan dowladeed oo aysan lahayn. Mujtamaca Soomaalida, wuxuu ku dhisan yahay qabiil qabiil. Sidaas darteed siyaasiga ama mas’uulka Soomaaliga ah ma aamini karo inuu nabadgelyadiisa ku ilaaliyo sharciga ku saleysan maamulka dowladnimo ee wuxuu aaminsan yahay keliya in qabiilkiisu waardiye u ahaado, madaxna uu noqdo, taasna waxay hortaagan tahay in la hirgeliyo ama lagu heshiiyo hab dowladnimo oo kala dambeynteedu ku saleysan tahay dastuur iyo sharci qaran.

 

 

Taas waxaad ku garan kartaa hoggaamiye kasta oo ka soo baxa Soomalida wuxuu salka ku hayaa ama uu amnigiisa ku aamini karaa keliya qabiilkiisa. Iyadoo laga ambaqadaayo fikirkaas ayaa waxaa ka muuqata xaaladda siyaasaded ee hadda ka jirta Soomaaliya iyo fikradaha la kala qabo inay ku saleysan yihiin qodobada soo socda.

 

 

Dowladda federaalka ku meel gaarka ah

 

 

Waxay isku aragtaa inay tahay midda sharciga ah. Maamul goboleed kasta oo ka jira ama ka dhasha Soomaaliya waa in uu ku soo biiraa dowladda, maamulkana wax laga siiyaa iyada oon la faragelin sharciyada ay ku dhisan tahay oo caalamka aqoonsigiisu ku saleysan yahay, haddii kale wuxuu u muuqanayaa mid aan aqoonsaneyn dowladda, taasina waxay keenaysaa in dowladdu is difaacdo, ayada oo kaashaneysa awood alla awoodda ay heli karto, si ay gacanta ku soo geliso maamulka qaranka oo dhan, dowladnimadeedana ku muujiso, waayo dowlad waxay dowlad ku tahay awoodda ay kaga adag tahay shacabkeeda ama ku kala celin karto (ilaalinta nabadgelyada dalka iyo dadka gudaha iyo dibeddaba ).

 

Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya

 

 

Hoggaamiyaashii dalka Soomaaliya muddo badan ka hortaagnaa dowladnimada, dhibaato badanna ku hayey dadka iyo dalka, nasiib wanaag waxaa ka adkaaday oo abaalkoodii mariyey oo Ilaahey sabab uga dhigay shacabka Soomaaliyeed oo Maxaakiimtu hoggaamineyso.

 

 

Mar haddii ay eryeen raggii dalka qurunsaday oo qarannimadii afduubay, Maxaakiimta waxaa laga doonaayey inay ku celiyaan talada shacabkii ka dambeeyey kacdoonka lagu guuleystay, kuna yiraahdaan ka soo shaqeeya sidii aan dowlad mideysan loogu heli lahaa dalkaan Soomaaliya iyaga oo sheeganaaya shuruudaha ay doonayaan in ay ugu soo biiri karaan dowladda federaalka ah, laakiin ma yeelin ee waxay billaabeen in ay is mahdiyaan oo ay isku arkaan inay wataan ushii Nebi Muuse (CS).

 

 

Waxay qorsheysteen inay awooddooda ku fidiyaan qaranka oo dhan, dowladdana ay quursadaan ayagoo muujinaaya in ay ayagu dowlad dhisanayaan u gaar ah, taas oo laga yaabo in ay jiraan dowlado ama hay’ado ku geessinimo geliyey in aaney ku biirin dowladda hadda jirta, waayo waa dowlad daba dhilif u ah IGAD ama gaar ahaan Ethiopia ayada oo laga yaabo in dowladahaasi ay wataan danahooda u gaarka ah sida dowladaha IGAD qaarkood.

 

 

Waxaa kale oo laga yaabaa in ay ku geessinimo geliyaan in ay maxkamaduhu dhisaan dowlad islaami ah ayaga oo og maanta in aanay Soomaaliya ka hirgeli karin sababo badan oo ka jira Soomaaliya awgood. Si kastaba ha ahaatee, Maxaakimtu way gefeen waddadaas oo waxay billaabeen cabburin shacabka iyo is ballaarin awoodeed, taas oo shaki badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlado badan oo markii hore raja ka lahaa inay ku biiraan dowladda.

 

 

Markii maxaakiimtu ay gaartay guushaas waxaa loo baahnaa in dowladdu ay maxaakiimta soo dhaweyso oo ay iska fogeyso mujrimiintii laga xoreeyey dadka iyo dalkaba, laakiin sidaas way geftay xukuumaddu oo sababa siyaasadeed oo maamulayaasheeda sarsare u gaar ah ayaa u oggolaan waayey in sidaas yeesho, waxaana ka mid ah ujeeddada Ethiopia oo shardiga koowaad uga dhigtay madaxda dowladda in aaney marnaba wax ku darsan Maxaakiimta, haddii kale waan isaga kiin dhex baxaynnaa, waana idin cunayaan Maxaakiimtu, waayo ayay leeyihiin waa Al-Qaacida, ayadoo ujeeddadeedu tahay in Soomaaliya ay ku sii jirto dowlad la’aanta mudda dheer inta ay si fiican u sii kala goo goynayso, isla markaana kuwii go’ay ay caalamku ka aqoonsanayaan.

 

 

Sidaas darteed waxay doonaysaa in iska daba wareeggu uu sii socdo iyadoo lagu marmarsiyoodo waxaan iska difaacayaa argagixisada geeska afrika oo ay Soomaalidu soo hoggaamineyso, waxaana difaacaya dowladda dimoqraadiga ah oo IGAD soo dhistay.

 

 

Eritrea waxay dooneysaa inay la dabaaqtanto Ethiopia oo aaney dhammaan dhibaatada Soomaaliya si ay Ethiopia mar kasta ugu sii jeeddo Soomaaliya. Kenya iyadu waxay dooneysaa in ganacsiga qaxootiga iyo Qaadka laga soo iibsado aanay ka go’in waayo haddii dowlad la helo wax badan ayaa is beddelaaya.

 

 

Dowladaha waaweyn Ilaahba weyne maxay ka qabaan Soomaaliya?

 

 

USA iyo EU way is fiirsanayaan, waxayna ku tartamayaan kheyraadka Soomaaliya dhex jiifa, laakiin waxay qabaan in aaney sannadahaan u suurtoobeyn in ay ka faa’iideystaan sababta oo ah dadka Soomaaliyeed oo hadda nool waa dad aan waxba lala gaari karin, lana afgaran karin, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la abuuro jiil cusub oo maskaxda ajnabiga garan kara, marka waa in aaney dowlad caalamku aqoonsan yahay ka dhalan Soomaaliya si aanay heshiisyo caalami ah ula gelin shirkadaha soo saara kheyraadka dabiiciga ah, sida Suudaan oo kale oo iyadana hadda la kala qaybinaayo laguna abuuraayo dhibaato siyaasadeed oo la yiraahdo Daarfuur.

 

 

Dowladaha Carabta haddii ay dabaqayaan Shareeca Islaami iyaga ayaa ku dhaqmi lahaa, Soomaaliyana dan kama laha, umana baahna, laakiin waxaa laga yaabaa in qaarkood dani ugu jirto in Soomaaliya ay sii qasnaato.

 

 

Maxaa dhici kara haddii uu fashilmo shirka Khartum?

 

 

Haddii uu fashilmo Khartuum waxaa guuleysanaaya dowladihii doonaayey inaan Soomaaliya dowlad ka dhalan, waxaana dhacaysa sida soo socota.

 

 

1. Labada Jubba waxaa ka billaabanaysa jabhadeyn aan qolana guul ku gaareyn.

 

 

2. Baydhabo waxaa ku haraaya dowladda qaarkeed iyo hogaamiyaashii laga soo eryey Xamar qaarkood oo ku jabhadeynaaya Muqdisho, Jowhar iyo Shabeellada Hoose, waxayna isku beddeleysaa NGO ay Ethiopia si toos ah u maamusho.

 

 

3. Muqdisho waxaa ka billaabanaaya khilaafaad ku saleysan kooxo diimeed, ugu dambeyntana isku rogi doona qabiil.

 

 

4. Gobollada dhexe, Somaliland iyo Puntland waxaa maamuli doona si dadban Ethiopia,

Soomaaliya waxay ku dambeyn doontaa Falastiin labaad, waxaana mas’uul ka noqon doona Soomaalida hadda talada gacanta ku haysa.

 

 

Markii ceelalyo Heshiiso ayaa geel biyo cabbaa

 

 

Gebegabo: waxaad tashan kartaa markaad xor tahay hadda somaliya xor ma aha waxaan xor noqoneynnaa markaan yeelanno dowlad somaliyeed oo mideyssan oo hanata nabadgelyada qaranka awoodna ku leh dalka ay nabadda ku sugto aqoonsigeedii caalamkana soo ceshata, sidaasna waxaa lagu gaari karaa in la tillaabooyina soo socda.

 

 

1- Dowladda Federaalka ah: Maadaama ay tahay dowlad dib u heshiisiineed, waxaa laga rabaa inay aaminto shacabkeeda, ogaatana waxa uu qabo iyo waxa uu doonaayo, kuna hoggaamiso. Waa inay Maxaakiimta madaxdeeda la hadashaa si toos ah iyo si dadbanba, una qirtaa shaqada ay u qabteen ummadda iyo dalka oo ah waxay ka xoreeyeen dagaaloogayaashii, tuugaddii, isbaarooyinkii, waxay yareeyeen Qaadka keenistiisi oo faa’iido badan u keenay shacabka. Waxay soo celiyeen nabaddii iyo kala dambeyntii caasimadda iyo meelo kale, sidaas darteed waxay astaahilaan in wax laga siiyo awoodaha siyaasadeed, fulineed iyo sharciba, waana in dowladdu ay ogaataa ujeeddada Ethiopia iyo Eretereeya oo laga yaabo in ay doonayaan in ay nagu so xawilaan dagaalkooda.

 

 

2- Maxaakiimta: Maadaama ay qabteen shaqa wanaagsan, waa inay tixgeliyaan shacabkii gacanta ku siiyey, taladana dib ugu celiyaan, taas waxaan ula dan leeyahay in ay si toos ah ula soo xariiraan dowladda oo aaney isku dayin inay beddelaan sharciyaddii lagu soo dhisay dowladda. Haddii aanay waxba u dhibeyn diinta Islaamka waa in aaney ka billaabin sheekadooda annaga ayaa ka awood iyo shacbiyadba ka badan dowladda, sida ay muujinayaan mas’uuliyiinta maxkamadaha qaarkood mar walba oo laga hadlaayo dowlad Soomaaliyeed oo dhexe sidii lagu heli lahaa, waayo awoodda siyaasadeed iyo midda ciidanba waxaa iska leh oo Ilaahey siiyey shacabka dalka ku nool.

 

 

Urur kasta oo doonaaya inuu la wareego awoodda dalkiisa waa inuu kula wareegaa ama ciidan ahaan ama siyaasad ahaan, Soomaaliya maanta awood la iskuma maqunin karo oo waxay mareyssaa meel qabaa’ilkii isku daaleen, dagaal kasta oo maanta Soomaaliya laga dhex abuurana wuxuu isku beddelayaa qabiil, sidaas darteed waa in lagu raadiyaa awoodda Soomaaliya siyaasad ahaan marka waa inaad sameysataan urur siyaasadeed oo ku saleysan diinta Islaamka si aad ugu guleysataan mustaqbalka.

 

 

Shirka Khartuum waa in ay ka soo baxaan qodobbada soo socda oo heshiis lagu yahay.

 

 

1- Ha lagu heshiiyo manaasibtii (kuraasta) ay doonayaa maxaakimtu, sida wasiirro, xildhibaanno, safiirro etc.

 

2- Hubka iyo ciidammada maxaakimta ha lagu daro ciidanka dowladda si loo helo ciidan qaran oo dhex-dhexaad ah.

 

 

3- Waa in la helaa awood ciidan ajnabi ah oo maxaakimta iyo dowladduba raalli ku wada yihiin shaqadooduna tahay tababarridda ciidammada, ilaaliya madaxtooyada iyo meelaha muhiimka ah, si xukuumaddu ugu guurto caasimadda Muqdisho muddo gaaban gudaheed.

 

 

4- Waa in lagu qanciyaa dowladaha UN, IGAD, AU, Arab League., EU, USA, inay u hoggaansamaan heshiiska ay Soomaalidu isla gaarto waxna ka fuliyaan.

 

 

Warbaahinta OnkodNews

Email: onkod@london.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this