who-me Posted April 7, 2010 Maareeyihii Dekedda Magaalada Muqdisho oo diiday xil qaadistii lagu sameeyay iyo ciidamada AMISOM oo khasab uga saaray Dekedda Arbaco, April 07, 2010 (HOL) Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya Dekedda Muqdisho ayaa waxay maanta xoog kaga saareen Dekedda Maareeyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinow Calasow. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaas ay u qaadeen Maareeyaha dhinaca xafiiska Ra'isul Wasaaraha, waxaana qabashadiisu ay timid markii uu diiday inuu aqbalo xil ka qaadistii lagu sameeyay maalin ka hor iyo Mas'uulka cusub ee loo magacaabay Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho. "Tani waxay ahayd mid sharaf dhac ku ah Maareeyihii hore ee Dekedda, si khasab ah ayaa looga saaray Dekedda, waxaana loo qaaday Madaxtooyada" ayuu yiri mid ka mid ah maamulka Dekedda Muqdisho oo horay ula soo shaqeeyay Cabdi Jiinow. Ma'suulkan oo diiday in magac ahaan la xuso ayaa sheegay in qabashada Jiinow loo adeegaday awood xad-dhaaf ah, taasna ay tahay sharaf dhac weyn, isagoo aan sharraxaad ka bixin sababta loogu qaaday Madaxtooyada. Ra'iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu kulammo la leeyahay Maareeyihii hore iyo midka cusub, kuwasoo albaabbadu ay u xiran yihiin, lamana yaqaan wuxuu kala hadlayo, waxaase la filayaa inay tahay arrinta maamulka Dekedda Muqdisho. Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku haya Dekedda Muqdisho, halkaasoo ah isha ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ka hesho lacagta ugu badan ee kasoo gasha dalka gudihiisa, waxaana isbadalka maamulkeeda lagu saleeyay lacagta kasoo xaroota. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
who-me Posted April 7, 2010 Show xaaraanta badan indha adayg saa'id ah baa laga qaada. War ka soco maba yaqaan ilaa xoog looga saaray meesha. Quote Share this post Link to post Share on other sites