Sign in to follow this  
General Duke

Axmed Walad boss of Sharif Ahmed in Mogadishu

Recommended Posts

Axmed Walad Cabdalla oo ku taageeray Golaha Wasiirada xayiraada Dekedaha iyo Garoomada

Diyaarada ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta.

 

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo shalay ka qeyb galay Kulan ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kadib markii uu safar qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa ku taageeray Golaha Wasiirada inay xayiraad ku soo rogaan Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islamiyiinta.

 

Axmed Walad Cabdalla ayaa ku tar tarsiiyay Golaha Wasiirada inay qaataan go'aankii Urur Goboleedka IGAD, kadib qudbad uu u jeediyay Golaha Wasiirada, isagoona soo jeediyay inay muhiim tahay in la qaado go'aano dhaxal gal ah.

 

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in si toos loo wajaho arrimaha ka socda Soomaaliya, isagoona tilmaamay in Kooxaha Mucaaradka ay dhaqaalahooda ugu badan ka helaan Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, isagoo dhanka kale cadeeyay inay jiraan saanado u soo daga iyo dagaalyahano shisheeye oo u yimaada.

 

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 25-ka Bisha May oo shalay ku beegneyd ay xiran yihiin duulimaadyada Garoomada Diyaaradaha goobaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Mucaaradka, marka la reebo kaalmada gar gaarka, waxaana ay Qaramada Midoobey ugu baaqeen inay dhaqan geliso cunaqabateynta.

 

Kooxaha Mucaaradka ayaa horay u sheegay in aanay saameyn ku yeelaneyn cunaqabateynta IGAD ee ku aadan xayiraada Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha ay gacanta ku hayaaan.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Axmed Walad Cabdalla oo caawa ku hoyanaya Muqdisho xili ay dawlada sheegtay in uu safar deg deg ah kadib laabtay

25. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay caawa ilo kala duwan ayaa xaqiijiyey in magaalada Muqdisho uu caawa ku hoyanayo Axmed walad Cabdalla wakiilka xoghayaha guud ee Q/M .

 

Axmed Walad Cabdalla oo maanta safar aan la shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayay dawlada sheegtay in uu ku laabtay magaalada Nairobi laakin ilo badan ayaa sheegay in aanu wali bixin oo uu ku suganyahay xarunta madaxtooyada .

 

Axmed Walad Cabdalla wakiilka xoghayaha guud ee Q/M ayaan la aqoon ujeedka safarkiisa iyo waxa xiligaan ku soo beegay .

 

Galabta ayuu kulan la yeeshay labada mas'uul ee dawlada ugu sareysa sida madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha.

 

Waa safarki ugu horeeyey ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo marki uu bilaabay hawlaha Soomaliya ee Q/M.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

I remember when Zenawi was coming to Mogadishu during a heavy war between the islamists and tfg ,,,

 

 

It takes a U turn as WAlad Abdalla is coming to mogadishu during the same situation .......

 

 

Duke calling Walad Abdalla as the boss of Sh. Sharif and we had others calling Zenawi the boos of A/Y ..............

 

When this show is gonna end by da way ?? ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this