Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Islamic Bank delegation arrive in Puntland...

Recommended Posts

Boosaaso: Wafdi ka socda Bankiga islaamka oo soo gaaray maamul goboleedka Puntland.

 

 

1507.jpg

Sabti, February 03, 2007

 

Boosaaso (AllPuntland)- Wafdi ka socda Bankiga Islaamka ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Wafdigaasi ka socda Islaamic Bank ayaa waxaa magaalada Boosaaso ay kula kulmeen madax kala duwan oo ka tirsan golaha xukuumadda ee Puntland iyo maamulka gobolka Bari.

 

Wafdigani ayaa waxa ay marti qaad ka heleen xukuumadda Puntland waxayna kala shaqayn doonaan arrimaha horumarinta.

 

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee DGPL Cabdi Sallaad Cali ayaa waxa uu sheegay in maalinta birito ah ay wafdigaasi soo gaari doonaan magaalada Garoowe, ayna kulamo la qaadan doonaan madaxda Puntland.

 

Booqashada wafdigani ayaa waxa ay ku soo aadaya iyada oo dhowaan ay heshisyo wada gaareen madaxda Puntland iyo madax ka socota hay`adaha caalamiga ah ee hoos taga QM.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda Bangiga Islaamka oo soo garay magaalada Boosaaso

 

(Boosaaso)-Wafdi ka socda Bankiga Islaamka ayaa soo gaaray magaalada Boosaas ee maamul goboleedka Puntland.

 

Sida wararku nagu soo gaarayaan wafdigaan ayaa waxaa ay magaalada Boosaaso kula kulmeen madax ka tirsan maamulka Puntland iyo weliba maamulka magaalada Boosaaso.

 

Dhinaca kale wafdigaan ayaa la sheegay inay berito soo gaari doonaan magaalada Garoowe, wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdi Sallaad Cali ayaa waxa uu sheegay in wafdigaasi berito Garoowe ku soo fool leeyihiin.

 

 

 

Wafdigan ayaa lagu soo waramayaa inay horay casumaad uga heleen maamul goboleedka Puntland waxayna wax ka qaban doonaan baa la yiri dhinaca horumarinta.

 

 

 

Booqashada wafdigan ayaa daba socota heshiis ay dhowaan gaareen maamulka Puntland iyo hay’adaha qaramada midoobay, oo ka dhacay magaalada Garoowe.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this