Sign in to follow this  
General Duke

US admin welcomes Jedah accord-mentions Isolation of Asmara

Recommended Posts

USA oo soo dhaweysay Baaqii C/yusuf

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 20-Sebtember-2007

 

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya John Yates ayaa si diiran u soo dhaweeyay baaqii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Yuusuf ee ahaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo carbeed iyo kuwa african .

 

Mr.Yates ayaa carabka ku adkeeyay inta laga helayo ciidamo African iyo kuwa Carbeed ay ciidamada Itoobiya sii joogi doonaan Soomaaliya .

 

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr.John Yates oo ka hadlayay shirkii Asmara ayaa waxa uu yiri " Ma jiraan wax micno ah oo uu soo kordhinayo , dowlada Mareykankana waxa ay u aragtaa mid dhibaato lagu abuurayo"

 

Waxa uuna danjirhanaani hoosta ka xariiqay in xukuumada Mareykanka ay taageersan tahay natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho .

 

Mr.John Yates waxa uu caalamka ugu baaqay in Soomaaliya u diraan ciidamo nabada ilaaliya si loogu guuleysto howlaha dib u heshiisiinta.

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin iyo Sawiro Shirkii Jaraa´iid ee Safaarada Maraykanka (Daawo Sawirada)

Last Updated::2007-09-20 19:41:29

 

Nairobi (HRNet):- Shir Jaraaid oo ay kasoo qayb galeen warbaahinta kala duwan oo Kenyaan Somaali iyo

Dalalka kalaba isugu jira ayaa maanta waxa uu ka dhacay Safaarada dawlada Maraykanku ku lee dahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Shirkaan ayaa waxaa si wadajir ah u wada qabtay Labada safiir Ee Dawlada Maraykanka u kala fa dhiya Dalalka Kenya iyo Somalia Michael Rannaberg iyo John Yates labadaan safiir ayaa Shirkooda kaga hadlay xaalada dalka Somaalia.

 

 

Safiiradaan ayaa sheegay in dawlada Maraykanku Tageersan tahay in Ciidamo carbeed lageeyo gudaha dalka Somaaliya sida uu dalbaday Madaxweynaha Somaaliya Todobaad kii hore sidoo kale Safiiradaan ayaa sheegay in Shirkii Asmara ee dalka Eretereya ahaa Shir Kooxo Gaara Qabsadeen oo aan macno saas usii weyn samaynayn Waa sida ay hadalka udhigeene.

 

Safiiradaan ayaa sheegay in Dawlada Maraykanku ay tageersan tahay Shirkii lagu soo af meeray Muqdisho uuna ahaa shir wax ku oola waxa ay na shegeen in waxa yaabo wan wanaagsan shir kaas kasoo baxeen Sida Awood Qaybsiga in wax laga badalo dastuurka oo ay dawlada kusoo biri karaan Xubno aan ka mid ahayn Baraalamaanka.

 

 

Labadaan Safiir ayaa sheegay in Dawlada Maraykanku ay tageerto Arimaha Bini aadam tinimada ee dalka Somaaliya oo ayna Tageerin Arimaha Siyaasada ee Dawlada oo kaliya iyagoona sheegay in ay wax ka qabashada xaalada Bini aadamtinimada ee dalka Somaaliya ay ku bax sheen 120 Milion lacag gaaraysa, Waxa ay ka gaab sadeen Safiiradaani in ay ka hadlaan in gudaha Dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dagaal yahano Maraykan ah, iyagoona sheegay in aysan arintaas maya ama haa toona Oran karin.

 

Safiirka dawlada Maraykanka U fadhiya Dalka Kenya Michael Rannaberg ayaa sheegay in ay laba jeer xariir la sameeyeen Gudoomiye Shiikh Shariif ayna ka war sugayaan.

 

Safiirada oo markii ay shirka jaraaid qabanayeen hadalada is dhaaf dhaaf siisanaayey ayuu shirkoodi kusoo af meermay Jawi aad uwanaagsan.

 

Xafiiska HorseedNet

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

US endorses Arab-African peace force for Somalia

 

NAIROBI (Reuters) - The United States gave its blessing on Thursday to the idea of an Arab-African peacekeeping force for Somalia to replace a small, Ugandan-only mission that has failed to stem an Islamist-led insurgency.

 

"I think that if there would be a peacekeeping force made up of other Arab nations, it would be quite satisfactory," U.S. special envoy to Somalia, John Yates, said of the proposal floated days ago by Somali government leaders in Saudia Arabia.

 

An African Union (AU) force of just 1,600 Ugandan soldiers has been in Mogadishu since March. But it remains well short of its intended total of 8,000 due to security qualms among other possible contributors, cash shortages, logistical problems and the greater attention given to Sudan's Darfur crisis.

 

Foreign diplomats, however, see beefing up a peacekeeping force inside Somalia as the only way to facilitate the exit of Ethiopian troops.

 

 

They prop up the interim government but are also a pretext for violence by "anti-occupation" insurgents.

 

 

 

 

Somali President Abdullahi Yusuf outlined the idea of an Arab-African force, under U.N. aegis, at the weekend.

 

As well as supporting the joint force idea, Yates said Burundi was to send soldiers to join the AU force in October. He added that movement on building the mission was "too slow".

 

Yates and another senior official for Somalia policy -- U.S. ambassador to Kenya, Michael Ranneberger -- were both dismissive of a recently-formed new alliance of Somali opposition figures based in Eritrea and vowing war on Ethiopian troops.

 

ALLIANCE SAID ISOLATED

 

The Alliance For The Re-Liberation Of Somalia is headed by former Islamic Courts leader Sheikh Sharif Ahmed. It also includes other members of the movement chased out of Mogadishu by allied Ethiopian-Somali government troops at the end of 2006.

 

Washington supports the Somali government, and Ethiopia is its closest counter-terrorism ally in the Horn of Africa.

 

"What was most evident is the isolation of the people in Asmara and their inability to draw together a broad-based or inclusive group," Ranneberger said of the alliance.

 

Formed by about 400 delegates, the grouping also includes former government members, ex-parliamentarians and members of the Somali Diaspora, as well as Islamists. But Ranneberger and Yates said they understood support had quickly dropped off.

 

Ranneberger said he was "very disappointed" with Islamist leader Ahmed. The U.S. official has met him twice, including after his arrest on Kenya's border following the courts' ouster.

 

"I would not say it's two strikes and out, but the ball is now in his court," the ambassador said of future dialogue.

 

At their news conference, the U.S. officials said they were checking but could not confirm Internet reports a top al Qaeda suspect -- Saleh Ali Saleh Nabhan, suspected of 2002 attacks in Kenya -- had been shot dead in Somalia earlier this week.

 

Speaking in general of "active and ongoing" U.S. counter-terrorism efforts in the region, Ranneberger said: "Our actions have severely disrupted al Qaeda's east Africa network."

 

The pair lauded the recently-concluded National Reconciliation Conference in Mogadishu as having made progress despite a boycott from Islamist opponents of the government.

 

Ranneberger praised proposals to draw up a new constitution, plan for 2009 elections and allow non-parliamentarians to become ministers in a move likely to help reconciliation. "The reconciliation process is not over, but this is a milestone."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Michael Ranneberger oo si weyn u taageeray in Soomaaliya la geeyo Ciidamo ka socda wadamada carabta.

 

Muqdisho (WNT)-Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Michael E.Ranneberger ayaa si weyn u cadeeyay in Dowlada Maraykanka ay soo dhaweynayso hadalkii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in dalka Soomaaliya ay ka howlgalaan ciidamo nabad ilaalin ah oo isugu jira carab iyo Afrikaan kuwaasi oo ay kor ka maamulayso Q.M.

 

 

 

Safiirka ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid aad u wanaagsan isla markaana

 

isaga iyo mas'uuliyiinta Maraykankaba ay si weyn u soo dhaweeyeen maadaama buu yiri dalka Soomaaliya uu xiligaani caalamka waajib ka saaran yahay in ay ku dadaalaan qaabkii loogu soo dabaali lahaa xasilooni waarta.

 

 

 

Safiirka ayaa shirkiisa Jaraa'id ku xusay in Dowlada Maraykanka dhinac walba ka

 

taageeri doonto dowlada Soomaaliya isla markaana ay ku bixin doonto amaanka dalka iyo dib u dhiskaba lacago farabadan.

 

 

 

Michael E.Ranneberger wuxuu kaloo si weyn u cambaareeyay shirkii dhawaan kooxaha mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya ku qabteen magaalad Asmara ee xarunta dalka Eritrea isagoo sheegay in shirkaasi uusan aheyn mid dan u ah geedi socodka nabada Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika isgoo ka codsaday xubnahaasi wada hadal in ay la furaan dowlada Soomaaliyana waxaa uu ka codsaday in kooxaha Asmara ku shiray inay dhinaceedana la hadasho.

 

 

 

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada maraykanka ay taageertay

 

shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu soo afmeeray magaalada caasimada ah ee

 

Muqdisho isla markaana ay u aragto in shirkaasi uu ahaa mid miradhal noqday oo ay

 

ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah.

 

 

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

 

Xafiiska Waayaha.net,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Michel Renneberger "Eritrea waxaan ku darnay Liiska dalalka taageera Argagixisada, waana hoyga Kooxaha argagixisada ku jira maamulka Maxaakimta"

 

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr Michel Renneberger ayaa sheegay in Dalka Eritrea uu noqday Dalka keliya ee si toos ah u gacan qabtay Kooxaha Argagixisada.

 

Mr Renneberger ayaa sheegay in Asmara ay noqotay xarun weyn oo ay iska soo abaabulaan kooxaha Argagixisada.

 

"Eritrea waxaan ku darnay Liiska dalalka taageera Argagixisada, waana hoyga Kooxaha argagixisada ku jira maamulka Maxaakimta"ayuu yiri Mr Renneberger

 

Waxa uu ka digay taageerada iyo hooyga la siiyay xubno uu kamid yahay Wadaadka ugu sareeya Shuurada Maxaakimta islaamka Sheekh Xasan Dahir Aweys, isagoo xusay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka Liiska Argagixisada ugu jira Mareykanka iyo Q.M sida uu hadalka

u dhigay.

 

Mr Renneberger ayaa aad u cambaareeyay Shirka Asmara ee lagu aas aasay isbaheysiga ka dhanka ah Dowladda, isagoo sheegay in kooxaha Asmara ku sugan ay yihiin kuwo aan heysan kalsoonida shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this