Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garoowe State Capital: People come out in Support of President Faroole's stance

Recommended Posts

GAROOWE:- MUDAHARAAD AYAA GAROOWE KA DHACAY MAANTA.

 

Wararka aanu ka helayno Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Somaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in Mudaharaad Nabadoon ka dhacay Magaalada, boqolala Ruux oo Lulalaya Calanka Puntland, iyo waliba Sawirka Dr-Faroole ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada ee Garoowe.

 

Dadkaasi ayaa Socod ku Maray Gudaha Garoowe kuwaasi oo ay Barbar Socdeen Kooxaha Kala duwan oo ka tirsan Ciidamada Amaanka Sugayay, Khudbado badan ayaa laga soo Jeediyay Fagaaraha Magaalada, waxana la sheegay inuu Banaanbaxaasi yahay mid lagu Taageerayo Go”:aankii Hogaamiyaha Puntland ee ku aadanaa Shirkii ay yeesheen isaga iyo Sheekh Shariif.

 

Masuuliyiinta Gobolka Nugaal ayaa Halkaasi hadalo ka soo jeediyay waxana ay sheegeen inay Taageersan yihiin Go”aanka Madaxwane Faroole, Duqa Degmada Garoowe, iyo Saraakiiisha Ciidamada ayaa Halkaasi dadka kula hadlay.

 

Shalay bay ahayd markii Garaadka Guud Beelaha Sanaag Garaad C/laahi Cali Ciid uu Taageeray Mawqifka Guud ee Madaxwayne Faroole, Garaadka oo ku hadlayay Magaca Isimada Puntland ayaa si Ba”an u weeraray Ruux kasta oo doonaya inuu Puntland Is hortaago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Non-State Actors Association (PUNSAA) Press Release in support of President Faroole regarding his stance on the Galkayo Accord:

 

Dalada PUNSAA oo warsaxaafadeed ay ku taageerayaan Madaxwaynaha Dawlada Puntland kasoo saarey Magalada Garoowe.

 

Abdulkadir Warsame

RBC Radio,Garoowe

Warsame@raxanreeb.com

 

Garoowe (RBC):- Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa maantay waxaa shir ugu soo gabogaboobey Dalada ay PUNSAA ee ay ku midaysan yihiin ururada aan dawliga ahayn ee Puntland.

Dalada ayaa ku shirayay labo maalmood hoolka shirarka ee Jaamacada PSU, waxayna xubha daladani ay ka kala yimaadeen gobalada Puntland.

 

Kulankan ayayna daladu waxay kasoo saareen, warsaxaafadeed ay ku taageerayeen go’aankii madaxwaynaha Puntland uu ka qaatey wadahadaladii dhexmaray Madaxwaynaha iyo Madaxwaynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna daladu sheegtay in ay ku raacsan yihiin dawlada Puntland go’aanka ay qaadatay, waxayna sidoo kale dawlada Puntland ugu baaqeen inay xaq dhawrto dadka kasoo barakacay koonfurta wadanka Soomaaliya, iyadoo dadka barakacayaasha ahna ay ugu baaqeen inay tixgaliyaan nabada iyo degenaanshaha ay Puntland ku haystaan ayna la shaqeeyaan laamaha amaanka si amaanku u noqdo mid hagaagsan.

 

Wasiiru dawladaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, oo shirkaasi gabogabeeyay, ayaa isna sheegay in uu ugu faraxsan yahay shirka daladu yeelatay inuu kasoo qaybgalo, wuxuuna sheegay in Puntand iyo shacbigeeduba ay si wada jir ah isugu raacsan yihiin in nabada iyo hormarka Puntland in laga shaqeeyo, wuxuuna wasiirku taageeray warsaxaafadeedka kasoo baxay shirka daladu yeelatay.

 

Dalada PUNSAA, waxaa ku midaysan ururada aan dawliga ahayn ee Puntland ka jira, waxayna xunaheedu gaarayaan 51 xubnood oo gobalada oo dhan ah, waxaana dalada la yagleelay bishii may ee sanadkii hore ee 2008.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garooowe:- Garaad C/laahi Cali Ciid oo Afka ku weeraray Cid Kasta oo Hanaanka Horumarineed ee Puntland diidan.

 

8470.jpg

 

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu muga iyo miisaanka weyn Puntland ayaa Kulan wareed ku qabtay Qasriga uu ka degan yahay Garoowe, Garaadka ayaa warbaahinta u sheegay in Ujeedka uu shirkan u qabtay ay tahay inuu Ka Isim ahaan Fekerkooda ka dhiibtaan Khilaafka u dhexeeya Dawlada Puntland iyo Masuuliyiinta Xukuumada Federaalka Somaliya.

 

Garaadka ayaa Tibaaxay inay Puntland Heegan ugu jirto sidii ay xal ugu heli lahayd dhabada Loo raacayo helitaanka Dawlada Dhexe oo ay Somaliya yeelato, isla markaana waxa uu meesha ka saaray inaanay Pl marnaba afkeeda ka soo yeedhin Gooni isu taag.

 

Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa waxa laga Xumaadu ku tilmaamay hadalkii ay warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada Somaliya kuwaasi oo uu sheegay inay afka ku weerareen Maamulka Puntland.

 

C/laahi Cali Ciid ayaa Yiri"Waxaan Taageersanahay Go"aanka Madaxwaynaha Puntland waxaan diyaar u nahay inaan helo ama raadin sidii Puntland loo Horumarin lahaa maha in qof Masuul sheeganayaa inuu Xaqiro dalka intiisa kele Maamulka Puntland hada waa 11- Jirsaday intaasina waxa uu ahaa mid Nabada iyo Degenaansho laga helo isaga oo ay ku sii Hirtaan Boqolaal Qaxooti ah oo Somaliyeed"Ayuu Yiri Garaadka oo Garoowe Shir ku qabtay.

 

Garaad Cali Ciid ayaa Si ba"an u weeraray Cid kasta oo doonaysa in Puntland Saamigeeda Hoos loo dhigo,waxana uu Cara baabay in Ka Isima ahaan iyo dhamaan Shacabka Pl aanay Raali ka ahayn wixii iyaga wax Yeelaynaya.

 

Hadalka Garaadka ayaa ku Soo aadaya iyada oo ay dhawaan SHir ku Kala Buudeen Madaxwayne Faroole iyo Sheekh Shariif kuwaasi oo isku Mari waayay Qodobadii Shirkii Gaalkacayo.

 

Garaadka ayaa sidoo kale amaanay wasiirka arimaha gudaha, General C/aahi Axmed Jaamac ilka jiir, kuna tilmaamay shaqsi hawlkar ah oo Puntland guula farabadan usoo hooyay. Wasiirka ayaa dhawaanahaan ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasi u kulama badan la yeeshay shaqsiyaadka maamula hay'adaha deeqbixiyaasha. Wasiirka ayaa ah shaqsiga loo xilsaaray arimaha xiriirka labada dowladood ee federaalka iyo Puntland.

 

Jamac Feyte

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this