Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Gen. ILKAJIR oo mashaariic dhawr ah ka hirgeliyey gobolka Sanaag

Recommended Posts

As usual, the General's work has been unmatched. He undertook to implement several projects, some of which are taxation, police and standing marine and ground forces that are intended to bolster the security of the region and weed out piracy and the lucrative charcoal trade. He has also established a Treasury Office in Badhan for the internal revenue of his administration.

 

Gen. ILKAJIR oo mashaariic dhawr ah ka hirgeliyey gobolka Sanaag

 

Source: SomaliTalk

19oct34.jpg

Tan iyo bilawgii bisha August, 2008, Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo ah musharrax u sharraxan jagada madaxweynaha ee dawlad goboleedlka Puntland, wuxu ku mashquulsanaa sidii uu wax uga qaban lahaa gobolkii uu u dhashay ee Sanaag, gobolkan oo aan haba yaraatee wax maammul ah oo dawli ah ka hawl gelin, ilaa iyo burburkii dawladdii Maxamed Siyaad ee 1991-kii. Waxa keliya ee dadka reer Sanaag ku naalloonayeen waxay ahayd nabadda gobolka oo ahayd mid aad u wanaagsan, taasoo marar badan khalkhal ku yimi ha noqoto ciidammo ku soo duula gobolka, ama falal afduub oo aan hore uga jirin.

 

Gobolka Sanaag ama mandaqadda Maakhir dawladihii Soomaaliya soo maray wax weyn uma qaban marka loo eego gobollada kale ee dalka. Sidoo kale maammullada Puntland soo maray iskuma ayan hawlin. Lama hora marin ilaha dhaqaalaha ee Sanaag sida beeraha, kalluumaysiga, macdanta, dalxiiska, tamarta oo intaba gobolku ku wanaagsan yahay. Kaabayaasha dhaqaalaha marka laga reebo Wersheddii Kalluunka ee Laasqoray waxba laguma kordhin. Sanaag dhinaca waddooyinku aad bay u liitaan, oo malaha waddo laami ah; gegooyinka diyaaraduhu waa kuwii Ingiriis ka tegey, oo burbursan; waxbarashadu waa halkii uu kacaanku kaga tegey; isbitaalladu waxay ahaayeen kuwa dayacan oo shaqaale la'aan, iyo qalab la'aan u xidhan; ganascsigii xeebuhu aad buu u yaraa sababo saabaan la'aan iyo maammul la'aan awgeed ku salaysan.

 

Haddaba tan iyo intii Gen. Cabdullahi Ilkajiir tegey gobolka, isbeddel la taaban karo ayuu ka sameeyey. Iyadoo wakhtigii doorashooyinka Puntland soo dhow yihiin, wuxu Jananku go'aansaday bal inuu marka hore guntiga u xidho sidii uu wax uga qaban lahaa meeshii uu ka soo jeeday, ama dadka uu xilka u qaban doono mustaqbalka dhow. Inkastoo xilligu aad u gaaban yahay haddana tan iyo bishii August marna kama uu nasan dardar gelinta mashaariicda horumarinta, maammulka degmooyinka iyo adkaynta ammaanka bad iyo berriba. Muddadan iyada ah wixii qabsoomay sidan soo socota ayaa lagu soo koobi karaa.

 

1. Amniga

19oct35.jpg

Waxa la sugay ammaanka gobolka: ciidammada gobolka Sanaag ayaa la mideeyey ha noqdaan kuwa magac ahaan sheegan jiray inay maammulka Cadda Muuse hoos tagaan, amaba kuwa kale oo maammullo ka baxsan ilaaqaad ka dhexeeyey. Si kasta ha noqotee, waxa lagu guulaystay in ciidammadaas mid laga dhigo, maantana waxay ku jihaysan yihiin wax ka qabashada gobolka oo ay ku ammaanan yihiin. Waxa ka mida hawlaha ciidanku gacanta ku hayo: a) ilaalinta xeebaha gobolka si looga hortago falalka afduubka, budhcadnimada, iyo tahriibinta. b) La dagaallanka xaalufka degaanka iyo baya'da oo laga bilaabay in la joojiyo dhuxulaysiga oo keena dabar go'a dhirta, nabaad guurka degaanka, iyo amni xumo. c) La dagaallanka masiibooyinka sida daadadka, duufaannada badda, iyo cudurrada baaha. d) Bannaynta jidadka iyo daryeelka marinnada ganacsigu maro. e) Ka hortigidda colaadaha iyo difaacidda amniga gobolka. f) Ilaalinta agabka dhismaha dekedda laga hir gelin doono iyo hor tegidda khakhal gelinta ammaanka hawlaha mashruuca.

19oct36.jpg

 

 

2. Dhismaha Dekedda

 

Mashruuca dekedda Laasqoray oo si habsami ah u socda, ayaa lagu hanweyn yahay inuu dhowaan bilowdo. Ciidammo u gaara oo ammaanka dekedda ilaaliya ayaa halkaa lagu diyaariyey. Ciidammadaas waxa ka mida xilalka kale oo ay qaban doonaan sugidda ammaanka guud iyo ka hor tegidda falal dembiyeedka badda.

 

3. Gaadiidka iyo Waddooyinka

 

Waxa lagu dhaqaaqay mashruuc dib loogu furayo waddada Geeldoora, taasoo in mudda ah u xidhanay dayac tir la'aan. Hawshan guul weyn ayaa laga gaadhay, waxana ka shaqaynaya illaa 200 oo ciidanka degaanka ka tirsan. Waxa imminka gaadiidka gobolku ka wareegaa waddada xeebta ah, tanoo keenta safar dheer oo ay u galaan magaalooyinka iyo gobollada la deriska ah.

 

4.Caafimaadka

 

Waxa lagu guulaystay in dib loo furo isbitaallada Badhan iyo Laasqoray oo muddo aan shaqaynayn. Sidoo kale waxa mashruucan loo qoondeeyey shaqaale tababbaran oo ka hawl geli doona goobaha caafimaadka ee Sanaag. Mashruucani waa mid la gaadhsiin doono dhammaanka gobolka oo dhan.

 

5. Degaanka iyo Bay'adda

 

Waxa la sii xoojiyey ciidanka la dagaallanka xaalufka degaanka oo saldhiggiisu yahay magaalada Dhahar. Intii Jananku dalka joogay waxa gacanta lagu soo dhigay dhuxul gaadhaysa dhawr tan, iyo weliba dembiilayaashii gubayey dhulka oo iyagu dhaqan celin hadda u socoto. Barnaamijkan hadafkiisu waa in la helo hab kale oo dadku u karsan karaan cunnada. Waxa mustaqbalka lagu dedaalayaa in la isticmaalo aaladaha tamarta qorraxda (solar energy), iyo kuwa korontada kuwaasoo wax weyn ka tari doona daryeelka degaanka iyo dhirta Sanaag ku caanka ah oo laga badbaado yeelo bahalaha ku mamay ee u iib geeya carabta iyo meelo kaleba. Ciidanku waxay leeyihiin qayb badda ilaalisa oo ka hortagta falalka amniga aan waafaqsanayn sida afduubka, budhcadnimada, iyo tahriibinta. Muddadii hawshani socotey waxa gacanta lagu dhigay doon siddey dad loo tahriibayey Yaman oo ka soo ambabaxday xeebaha gobolka Bari ee Sanaag deriska la ah. Waxa sidoo kale soo afjarmay u hanqal taaggii in lagu afduubo dadka iyo gaadiidka ganacsiga gobolka Sanaag, haba yaraatee.

 

6. Cashuuraha dawladda hoose

 

19oct38.jpg

Waxa lagu guulaystay in la hirgeliyo cashuuraha dawladda hoose ee heer gobol. Dadka gobolka cashuurta laga qaado ee maammulka Puntland urursado, waxba dib uguma soo noqon jirin gobolka. Taasi waa la dhammeeyey, isfahan ayaana lagu keenay dedaalkan. Imminka laga bilaabo hal meel ayaa dadku cashuurta ku bixin doonaan, waraaq sharciyaysanna way la tegi doonaan meelaha ay wax ka dhoofsanayaan.

 

7. Horumarinta Dhaqaalaha

 

Waxa lagu guulaystay sidoo kale in Bangi laga furo magaalada Badhan, kaasoo kaydin doona dakhliga ka soo xerooda ilaha kala duwan sida xoolaha, beeraha, kalluunka, iyo ganacsida kale.

 

Gebagebo

 

 

Hirgelinta mashaariicdan ayaa waxa saldhig u ah guddiyo maammul oo heerar kala duwan ah oo Jananku sameeyey dhowaan. Waxa la rejeynayo horumarkan la taaban karo ee la gaaray mid la mid ah inuu ka samayn doono gobollada iyo magaalooyinka kale ee Puntaland haddii alle ku guuleeyo xilkaa uu u guntaday inuu qabto ee madaxweynanimada maammul goboleedka Puntland.

 

Source: Puntlandfuture News Desk

 

 

Full Report: SomaliTalk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Jacaylbro, lacagta halkaas ayaa iska leh. Waa kayd weeye. Wax dhamaaday maaha ninkii dhulkiisa wax ugu qabta smile.gif . Mida kale, doorashadan hadii la waayo 2-daa dhagax dhexdooda iyo 4-taa askari ayaan la waayeyn smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^it's not a threat, but Mr. Africa is unaware of Ceerigabo's formula of peace and co-existance, part of which is under SL administratino.

 

Given the gravity of future tensions and a rift of the relationship between the Gen. ILKAJIR and the SL administration, It's not in the Gen.'s plan to go to Ceerigabo so to exercise democratic caution.

 

Besides, his major priorities are to establish viable administration in Sanaag, build its security forces and faciliate future and current projects. The most part of this region, inhabited by the Makhiris, cries out for an alternative to the way it has been. And he has been a beacon of hope for most of us and the future of Puntland, a state now hampered by internal squabbles, inflation and piracy.

 

The Gen.'s dream is to turn around the image of Puntland. He has received immense support from Diaspora by Puntlanders and he will, stated in his electoral platform, prudent and tough enough to reverse the political and strategic challenge facing PUNTLAND STATE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Nice one lads. The Gen is doing a great job and may Allah reward him.

 

Thanks for the update. Alas poor secessionists are still claiming Sanaag are they?

Duke, reality on the ground and media propoganda are two different things saxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this