Sign in to follow this  
General Duke

TFG welcomes UK sponsored resoloution

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Ingriisku u gudbiyay golaha amaanka ee Soomaaliya ku saabsan.

 

Dowaldda federalka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweysay qaraarka ay dowladda Ingiriisku u gudbisay golaha amaanka ee sheegaya in cuna qabateyn la saaro cid kasta oo ku lug leh rabshadaha Soomaaliya ka taagan.

 

Dowaldda federalka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweysay qaraarka ay dowladda Ingiriisku u gudbisay golaha amaanka ee sheegaya in cuna qabateyn la saaro cid kasta oo ku lug leh rabshadaha Soomaaliya ka taagan.

 

“Dowladda Soomaaliya way soo dhawyeneysaa waxaana ay u aragtaa qararakani in uu yahay mid wax badan ka taraya soo dhameynta dhibaatada colaadeed ee Soomaaliya heysatay mudada dheer”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed maxamuud Xuub Sireed oo saaka u warramay shabakada wararka carmooyin.com.

 

Waxaa uu afhayeenku sheegay in dowladda Soomaaliya ay horayba uga dalbatay beesha caalamka in talaabo adag laga qaado dadka hurinaya colaadaha Soomaaliya ee gudaha iyo dibadaba ka yimid,tanina ay tahay jawaab ay beesha caalamku ka bixineyso dalabkii hore ee dowladda Soomaaliya.

 

Qaraarka sidan dalbanaya ee dowladda Ingriisku u gudbisay golaha amaanka loona codeyn doono Isninta ama Salaasada inasoo aadan ayaa waxaa uu kusoo begmayaa maalmo yar kadib markii madaxweynaha jamhuuriyada Sooamaliya Mudane Yuusuf uu la kulmay wasiirka arrimaha Afrika iyo Asia ugu qaabilsan dowladda Ingriiska kaasoo ay ka wada hadleen arimo badan oo dhinaca dib u hehsiisiinta,siyaasada, amniga iyo gaarsiinnta kaalmooyinka dadka tabaaleysan ku saabsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

New York: QM oo la hordhigay Qaraar cunaqabateyn lugu saarayo Kooxaha diidan nabadda Soomaaliya.

13. november 2008

 

New York(AllPuntland)- Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa la hordhigay Qaraar ka hadlaya xanibaad lugu soo rogo Dhinacyada ka soo horjeeda nabadgalyada dalka Soomaaliya, waa sida qoraalka lugu qoraye.

 

Dawladda Ingiriiska ayaa qaraarkan hordhigtay 15-ka xubnood e golaha amaanka ee Qaramada Midowbay waxa ayna deg deg ku codsatay in loo howlgaliyo ama loo ansixiyo, ayadoo sheegtay in ay Soomaaliya maanta ubaahan yahay codka Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay.

 

Xubnaha golaha amaanka oo dood dheer ka yeeshay xaaladan ayaan isku raacin go'aan kama dambeys ah, waxaana laga dhowrayaa dawladdaha reer Galbeedka in ay codkooda ku taageeraan Qorshaha lugu horjoogsanayo awoodaha kooxaha diidan heshiiskii Jamhuuriyada Jabuuti ay ku gaareen dawladda Faderaalka & Maxkamadaha hubeysan.

 

Dawladda Ingiriisku waxa ay ka dalbatay in talaabooyinka lugu cunaqabateynayo Unugyadan ay noqdeen xanibaada dhinaca safarka ah, Dhaqaalaha oo laga joojiyo ama laga xanibo hadii ay Maaliyad utaalo bangiyo & raadin loo galo goobaha ay joogaan.

 

Qaraarkan golaha la hordhigay ayaa taageeraya go'aan ay horey iskugu raaceen Golaha amaanka & Midnimada qaarada Africa, kaasoo ku aadanaa in la cunaqabateeyo cid walboo loo arko in ay ka soo horjeedo nabadgalyada gudaha dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka socdeen mudo dhan 19 sanno.

 

Dawladda soo bandhigtay qoraalkan oo ah dawladda Ingiriiska ayaa ushafgaraaxday in loo baahan yahay in lala dagaalamo cid walboo ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliya, markaasna la muujiyo taageero ku aadan dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha & dibada Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this