General Duke Posted July 13, 2009 AMISOM oo ka qeybqaatay dagaalada ka socda Muqdisho 12 Jul 12, 2009 - 1:21:50 PM Ugu yaraan 45-qof ayaa ku dhintay 125-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xoogan oo maalintii labaad Muqdisho ku dhexmaray DF iyo Islaamiyiinta ka horjeeda, waxaana markii ugu horeeyay dagaalka Muqdisho ka qaybgalay ciidamada AMISOM. Inkastoo saraakiil ka tirsan kuwa dowlada ay beeniyeen in dagaalkii maanta ay qayb ka qaateen ciidamada AMISOM ayaa hadana waxaa cadeeyay ka qaybgalka dagaalka Afhayeenka AMISOM Maj. Be-huko Barigye oo saxaafada la hadlay. "Ciidamadeenu waxay maanta ka qaybgaleen dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhexeeya mucaaradka iyo DF, waayo Islaamiyiintu waxay kusoo talaabeen diilinta cas oo aan horay uga dignay in laga soo gudbo" ayuu yiri Maj. Barigye. Dowlada Somalia ayaa dhawaanahan waxay codsanaysay in ciidamada AMISOM loo ogolaado inay dagaalada ka qaybqaataan, waxaana dagaalka intii uusan bilaaban ay mucaaradku u jireen Madaxtooyada [Villa Somalia] wax ka yar 1.5-km. Madaafiic aad u xoogan oo lagu garaacay qabo ka tirsan waqooyiga Muqdisho iyo deegaano ka fog ayaa waxay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn dagaalka. "Waxaan dilnay tiro ka badan 40-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, dhankeena waxaa nooga dhintay dagaalka 3-askari, dhowr kalena way nooga dhaawacmeen" ayuu yiri C/fitaax Ibraahim Shaweye oo dagaalka ka qaybqaadanayay. Yuusuf Max'ed Siyaad [indhacadde] oo ka mid ahaa saraakiishii dagaalka hogaaminayay oo shir jaraa'id ku qabtay albaabka hore ee Isbitaalka Kaysaney oo ay gacanta ku hayeen mucaaradka ayaa sheegay inay ka awood roonaadeen mucaaradka. "Dagaalkii maanta wuxuu ahaa sida aad arkaysaa mid aan ka gaarnay guulo aad u badan, waxaana ku qabsanay hub iyo gaadiid dagaal" ayuu yiri Yuusuf Indhacade, oo sheegay in dagaalkii maanta uu amarkiisa lahaa Sh. Shariif. Gantaalo ku dhacay suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhaawacyada 5-qof, iyadoo ciidamada dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda ay isku rasaaseeyeen afaafka hore ee suuqa, iyadoo daqiiqado kadib ay rasaastu istaagtay. Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamka ee dowlada taabacsan C/risaaq Max'ed Qaylow ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in dagaalkii maanta aysan ka qaybqaadan AMISOM, balse ay iyagu ka gaareen guulo la taaban karo. "Ciidamada AMISOM inaga dagaalka ayay nagala qaybqaateen... dagaalkii maantana wuxuu ahaa mid qorsheysan, waayo mucaaradku waxay Villa Somalia u soo jirsadeen 1-km oo qura" ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo saxaafada la hadlay. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen kaarayaasha AMISOM oo dagaalka ka qaybqaadanaya; iyagoo haatan ku sugan Isgoyska Farax, Isgoyska Towfiiq iyo deegaanka Galgalato oo dowlada horay looga qabsaday. Dhaawacyada ka dhashay dagaalkii maanta ayaa la dhigay Isbitaalada Keysaney, Madiina iyo Dayniile, iyadoo mucaaradka dowlada ku kacsan ay ka gaabsadeen inay wax hadalo ah ka bixiyaan dagaalkii maanta. Waa markii ugu horeysay oo ay AMISOM qirato inay dagaal fool-ka-fool ah la gashay Islaamiyiinta Somalia, iyadoo kaalmenaysa ciidanka DF, kuwaasoo awood ahaan iyo tayo ahaan aad uga hooseeya kuwa mucaaradka. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites