Jacaylbaro Posted November 13, 2007 Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa barqanimadii maanta goob lagu qaxweeyo oo ku taala deegaanka Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho ku toogtey labo ka mid ah Abwaaniinta Suugaanleyda ah ee Soomaaliyeed kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray Abwaan Maxamed Xasan Qaamuus iyo Abwaan Maxamuud Axmed Cumar oo loo yaqiin Kaba Naar. Geerida labada Abwaan ayaan la ogeyn kooxaha dilka u geystay iyo sababta loo dilay iyadoo goobtaasina ay qadar daqiiqado kadib hareereeyeen ciidamada Booliska oo halkaasi baaritaano ka sameynayey si ay u helaan kooxaha falkaan geystey oo dad goob joogayaal ahi sheegeen in ay baxsadeen. Dilka loo geystay Abwaanadan oo ay dadka Muqdisho si aad ah ugu xumaadeen ayaa qeyb ka ah dilalka loo geysto dadka wax galka ah sida Sarakiisha, Aqonyahanka, culuma'udiinka iyo dhaqaatiirta. Garowe Online,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites