Sign in to follow this  
General Duke

Road blocks in court country?/

Recommended Posts

Dadka ku nool Sh/dhexe oo dadka u gaysta Dhac, boob, Kufsi iyo Dil ayaa la sheegay in halkaas ay ka jiraan Isbaarooyin farabadan oo ay leeyihiin dad shaqsiyaada Qaarkoodna ay ka mid yihiin Midowga Maxaakiimta iyo Dadka degaankaas leh.

 

Maamulka Cusub ee laga dhisay Sh/dhexe ayaa shaaca ka qaaday In ay jiraan isbaarooyinkaas wallo ay soo gaarto baabuur loo gaystay dhac balse waxay ay ku an dacoodeen in aysan waxba ka qabin Karin isbaarooyinkaas ilaa ay si toosa uxalinayaan Maamulka Sh/dhexe Qalalaaso ka taagan yahay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Degmooyinka ka mida sh/dhexe oo haatan aysan ka shaqayn midowga maxaakiimta Muqdisho.

 

Sh.Cali Nuur Xoogsade oo kamid ah Madaxda Amaanka ee gobolka Sh/Dhexe ayaa xaqiijiyay in ay jiran isbaarooyinkaasi,waxaana uu cadeeyay in maleeshiyaad ay dhigteen deegaanada warshiikh iyo Raaga Ceelle ku dherarsan wadada Xeebta ah.

 

Sh.Cali Nuur waxaa intaasi uu ku daray in maamulka uu ka warhayo isbaarooyinkaasi,balse uusan talaabo ka qaadin waxaana taasi uu ku micneeyay mashquul lasoo gudboonaday maamulka.

 

Sh.Cali Nuur oo wax laga weydiiyay cidda ay isbaarada u taallo ayaa sheegay in ay isbaarooyinkaasi dhigteen maleeshiyaad deegaanka ah iyo kuwo ka haray Maamulkii hore ee Gobolka oo Max'ed Dheere hor boodi jiray.

 

Waxaa masuulkaasi uu daboolka ka qaaday in maamulka haatan ay qorsheynayan talabo deg deg ah oo laga qaado maleeshiyaadkasi,waxaana uu uga digay dadka deegaanka in ay la shaqeyn waayaan ciidamada maamulka gobolka.

 

Farxaan Yasin Mire (isqootax) isqootax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeylo dhaan tii ugu darneyd ayaa ka soo baxeysa dadka ku nool deegaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe,kaasoo ay uga cabanayaan Isbaarooyin yaal Deegaano ka tirsan Gobolka.

Posted to the MOL October 9, 2006, 9:43 am

 

 

Sheekh Nuur Cali Xoogsade oo ka mid ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee ay maxaakimtu u magacaabeen ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin lagu hayo dadka ku nool Deegaanada Warshiik iyo Raage Ceele oo ay yaalaan Isbaarooyin.

 

Sheekh Nuur waxa uu sheegay in Isbaarooyinkaas ay u yaalaan Dad Ganacsato ah, wuxuuna sheegay in ay dhowaan wax ka qaban doonaan. Waxa uu carabka ku dhuftay in ay digniino u direen kooxaha dhibaatooyinka ku haya dadka mara wadooyinka Deegaanadaas ee isaga kala goosha Gobolada Dhexe.

 

Warar ka soo baxayo labada Isbaaro ee taala Deegaanada Raage Ceele iyo Warshiikh ayaa waxa ay sheegayaan in ay u yaalaan Maleeshiyo taabacsan Ganacsato sida la sheegayna ka mid ah Golaha Maxaakimta.

 

Warar qaar ayaa sheegaya in Maleeshiyadaas ay ka amar qaataan Ganacsadaha caanka ah ee lagu magacaabo Xaaji Abuukar Cumar Cadaani, halka warar kalena ay sheegayaan in ay ka amar qaataan Qaar ka mid ah Ganacsatada Shirkada Banaadir oo ku kacsan Maxkamadaha isbahaysatay.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobalka Sh/Dhexe ee Golaha Maxaakiimta oo shaaca ka qaaday in aysan ka warqabin laba jidgooyo oo taala Deegaanada Warshiikh iyo Raage Ceele

 

Shiikh Cali Nuur Xoogsade oo ah Madaxa Maaliyada ee maamulka Maxaakiimta gobalka Sh/Dhexe isla markaana ka tirsan Gudiga Amniga Gobalkaasi ayaa xaqiijiyey in ay jiraan isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo oo yaala Deegaano ka tirsan Gobalkaasi gaar ahaan Deegaano ka tirsan Warshiikh iyo Raage Ceele.

 

Shiikh Cali Nuur Xoogsade waxa uu sheegay in isbaarooyinkaasi ay yihiin kuwo u yaalo ganacso, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay digniino u direen ka dib markii ay dadka deegaanka kheylo dhaan ka muujiyeen.

 

Shiikh Xoogsade waxa uu farta ku goday in maamulka gobalka Sh/Dhexe uusan u dulqaadan doonin in shacabkiisa la dhibaateeyo, waxa uuna ku celceliyey isbaarooyinkaasi in si deg deg ah loo burburin doono maadaama ay yihiin kuwo sharci daro ah.

Isbaarooyinkan ayaa la sheegay in ay u yaaliin Ganacsato waxaana lacago looga qaataa gaadiidka isticmaala wadooyinkaasi ee u socda gobalada dhexe ee Dalka Soomaaliya, waxaana ay ku soo beegmeysaa xili gobalkaasi ay gacanta ku hayaan maamulka maxaakiimta Islaamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this