Kamalu Diin Posted March 14, 2007 Jen. Galaal “Itoobiyaanku wey sii socdaan ee dadka aan waxba ka tari karin ee daan daansaya waxaan leeyahay daaya” Jen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidankii xooga dalka Soomaaliya ayaa talo u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isagoo kula taliyay kooxaha wax weerara inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay in seemberi iyadoon wax qasaare ah la gaarsiinin ciidankaasi ay shacabka Soomaaliyeed u geysanayaan qasaare xoogan oo naf iyo maalba leh. Sidoo kale, Jen. Galaal ayaa xusay in uusan la yaabaneyn sababta ciidamada Itoobiyaanku ay madaafiicda ugu ridaan shacabka Soomaaliyeed marka weerar yar loo geysto, isagoo sheegay in tabaha qofka ciidanka ah la baro ay ka mid tahay in haddii wax lagu rido aysan la baqin waxa ay hayaan ee ay iyaguna ka bixiyaan jawaabo aad u kulul “Waxaan kula talin lahaa kooxaha aan dantooda garaneyn iyo danta shacabka ee wax ku tuuraya goobaha ciidanka Itoobiya, waxaad leyneysaan caruurt iyo dadka waayeelka ah ee iska daaya, nimankaani waxay noo sheegeen inay baxayaan mar ee ha laga daayo taa taabashada aan waxba looga qaadeyn” ayuu si kulul u yiri Jen. Galaal oo si weyn u dhaliilay kooxaha wax weerara. Dhinaca kale, Jen. Max’ed Nuur Galaal ayaa talooyin u soo jeediyay dowladda federaalka KMG Soomaaliya isagoo sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay ka dhabeyso balan qaadyadeeda ah inay dib u heshiisiin qabaneyso inay dadka Soomaaliyeed wax u qabaneyso, isagoo sidoo kalena kula taliyay in hub ka dhigista dalka ay u marto dad qabiiro ah iyo System toosan. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites