Sign in to follow this  
General Duke

New York: Report on the security council address by President Yusuf

Recommended Posts

War bixin Ku Saabsan Qudbadihii Ay Kala Jeediyeen Hogaamiyeyaashii Ka Qeybgaley Shirka Security Council Debates Peace and Security in Africa.Daawo Sawirada

 

yusufUN.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa hadal dheer ka jeediyey Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midowbay ,isagoo ka hadlay waxyaabo badan oo ka jira dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa golaha ka codsadey in ay Ciidamo xoog leh geeyaan dalka Soomaaliya si howlaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya gacan ay uga siiyaan.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadaasi ka caawin doonaan dawladiisa Arimaha ay dooneyso oo ay ka mid yihiin Hubka dhigista dadka Hubeysan ee dagaalamaya & Kooxaha kale intaba.

 

Md. Yuusuf ayaa tilmaamay in Dibu heshiisiinta ay wado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay doonayaan in ay qeyb ka qaataan ciidamada uu ka hor dalbanayo Qaramada Midowbay.

 

Madaxweyaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in dadka dagaalada ka wada Soomaaliya ay yihiin dad doonaya in ay ku sii socdaan dagaalada & Rabshadaha dalka Soomaaliya hoos dhigey ,kuwa dagaalka kala horjeedaana yihiin dad doonaya Soomaaliya oo mid noqota.

 

 

Mr. C/laahi Yuusuf wuxuu ugu baaqay Golaha in ay deg deg ku qaadaan Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ,si ay ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ula wareegaan amaanka Soomaaliya.

 

“ Waxaan ka codsanayaa Golaha Sharafta leh in ciidamo xoog leh ay ku taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,si ay Hubka uga dhigaan Kumanaan Soomaaliyeed oo Hubeysan siyaabo kala duwana hubka gacantoodu ugu jiro ,waxaana kaloo golaha ka codsanayaa in ay Cunaqabateynta Hubka ka qaadaan dalka Soomaaliya si ay ciidamada DFKMGS ula wareegaan amaanka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya oo ahayd mid dheer wuxuu kaloo kaga hadlay Caawinta Itoobiya ,Arimaha Xuquuqda Aadanaha & Arimo kale oo fara badan ,isagoo Arinta Itoobiya ku sheegay in ay dalbatey dawladda Soomaaliya ayna dalka Soomaaliya ka baxayaan markii la helo ciidan badala.

 

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayay Shirkii Qaramada Midowbay & Africa ayaa asna aad uga hadlay Xaaladaha dalka Soomaaliya ka taagan.

 

Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zanewi ayaa Salaan ka dib wuxuu ku dhawaaqey in loo baahan yahay in dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la gacan qabto ,isagoo golaha hortooda ka balanqaaday in hadii Ciidamo xoog leh lakeeno Soomaaliya ay ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya.

 

 

“ Waxaan Balan ku qaadayaa in aan Ciidamada Itoobiya ka saaro dalka Soomaaliya ,markii lakeeno ciidamada uu halkaan Caawa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ,taasna waxa ay sahleysaa in Kooxaha Ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ay waayaan Marmarsiiyo” Ayuu yiri Raysalwasaaraha Itoobiya.

 

Meles wuxuu kaloo golaha ugu baaqay in la qaado Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ,si buu yiri loo kaalmeeyo dawladda Soomaaliya ayadoo lasiinayo waxyaabaha ay ku howlgalayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

 

Zanewi wuxuu ku celiyey in Sarre loo qaado taageerida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuu usheegay Xubnaha Qaramada Midowbay in ay mudo badan ka jeesteen arimaha Soomaaliya.

 

 

“ Waxa ay ila tahay Arimaha Soomaaliya mudo badan ayaad ka seexateen Gole ahaan ,Laakiin maanta waxa ay dhibaatadu idinkugu timid gurigan Cad ee weyn ,waxaana ley idinka sugayaa Aqbalida & Fulinta Codsiga idiinkaga Yimid Madaxweynaha Soomaaliya” Ayuu yiri Mar kale Raysalwasaaraha wadanka Itoobiya.

 

Hadalkan ka soo baxaya Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanewi ayaa ku soo beegmaya xili uu isla codsigan ujeediyey Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuuna Meles hadalkiisa raaciyey in Tababaro lasiiyo ciidamada Sirdoonka & Booliska.

 

Gudoomiyaha Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa oo ka hadlayay Magaalada New York ,ayaa halkaasi ka jeediyey War uu uga hadlayey xaalada Soomaaliya & Waxa keenay in ciidamadii horey ugu balanqaadeen dawladda Soomaaliya aysan geyn Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Alpha Omar Konari ayaa sheegay in waxyaabaha keenay in ay geyn waayaan wadamada ay Ciidamada ubalanqaadeen sabab utahay ayagoo aan heysan dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen howlgallada Ciidamada.

 

 

“ Waxaan na heysta dhibaato weyn ,waxa ayna tahay Dhaqaale La’aan ,Sababtoo ah Ururkeenu waxaan ubaahan nahay gacan lana siiyo ,waxaana aanu awoodin siinta Mushaarka & Adeegyada kale ee ciidamadu nooga bahan yihiin “ Ayuu yiri Gudoomiyaha Midowga Africa.

 

Alpha ayaa ku nuux-nuuxsaday in ciidamadii ay ugu balanqaadeen dawladda Soomaaliya shirar badan ay dib ugu dhaceen ,markii la waayey Lacagihii ay ciidamadaasi ku tagi lahaayeen Dalka Soomaaliya.

 

“ Dawladdo badan ayaa horey ubalanqaaday ciidamo ,dawlad walba waxa ay na weydiisay dhaqaalihii Ciidamada lugu kaxeyn lahaa & Cida Mushaarka ciidamada bixineysa hadii Jawaab aanbixino markaan weyno waa nagu qasab in aan faraha ka qaadno “ Ayuu hadalkiisa dabadhigey Alpha.

 

 

Konari wuxuu ujeedshay Bankiga Aduunka & Dawladdaha Bixiya Deeqaha in ay kaalmeeyaan Ururka Midowga Africa ayna ku taageeraan dhaqaale badan si ay Africa iskugu filnaanto.

 

Hadalkan ayaa Gudoomiyaha Midowga Africa ku soo beegay markii Madaxweyne Yuusuf sheegay in ay Africa ku guuldareystay wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya & Soo dhameytirada ciidamadii ay balanqaadeen.

 

Wakiilka uqaabilsan Xoghayaha guud ee Qaramada Midowbay arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo la hadlayey Saxaafada ,isagoo jooga Magaalada New York ayaa soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ee ku adaana Dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Axmed Walad wuxuu sheegay in hadalkaasi ahaa mid wanaagsan ,isagoo ugu mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya sida wanaagsan ee udoonayo in ay Soomaaliya ka baxdo dhibaatada ay ku soo jirtay mudada dheer ,wuxuuna urajeeyey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in waayaha udhiman ay Soomaaliya ku sii maamusho hab wanaagsan & Nabadgalyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M.Yusuf“ waxaan Ka Dalbanaya QM In Somalia Xayiraada Hubka Laga Qaado (Sawiro)

Last Updated::2008-04-17 10:03:21

 

NYK(HR Media):-Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia C.laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa uu khudbad dheer Oo uu ka jeediyey golaha amaanka Ku codsaday in somaliya gacan weyn lasiiyo.

 

Madaxweynaha Somalia Oo markii hadalka lasii mudo dheer hadlayey waxaa uu ugu waramay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaalada somaliya Ku jirto iyo sida wax Looga qaban karo.

 

C.laahi yusuf axmed madaxweynaha DKMG ee Somalia waxaa uu sheegay in dowladiisu aysan wax weyn ka qaban dhinaca amniga Oo muhim u ah dalka , sababta ay taas horumar uga samayn waayeena waxaa uu sheegay Waa in marka hore laga qaadaa Somalia cunaqabataynta hubka ee saran Isla markaana Goluhu ansixiyaa Ciidamo Nabad Ilaalin ah Oo Somalia Lageeyo.

 

Madaxweynaha somalia waxaa si doo kale Uu soo hadal qaaday arimaha Burcad badeeda caadaysatay in ay ay afduubtaan gadiidka isaga kala goosha xeebaha Somalia ,markii uu arimahaasi ka hadlayey waxaa uu madaxweynu u sheegay golaha amaanka in ay talaabo ka qaadaan burcada .

C.laahi yuusuf axmed madaxweynaha DKMG ah ee Somalia oo kusii dhex jira Somalia waxaa uu yiri “ waxaan aan anigu dalka Uhogaaminaya iyadoo lagu jiro wakhtigan adag , si mustaqbalka Somalia u noqoto dal hore u maray”

Inkasta oo aan laqiyaasi Karin jawaabta laga bixin karo codsiyada is dhinacsocda ee Madaxweynaha Somalia golaha ka horsheegay hadana waxaa uu C.laahi yuusuf halkaasi kaga dhawaaqay in uu sameenayo wax kasta Oo xaalka somaliya wax looga qabanayo.

 

Aamina Axmed Ali Ladan

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this