Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa : Asmara group member shot by Riyaale militia ?Why

Recommended Posts

Hargeysa: Ilaalada qaaska Daahir Riyaale oo toogasho ku dilay Xubin ka qeyb galay shirka Asmara

26. September 2007

 

Hargeysa(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya dhinaca xuduuda ay la wadaagto Somaliland dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha la magac baxay maamulka isku magacaabay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ay toogasho ku dileen xubin ka qeybgalay shirkii Asmara ee dalka Erateriya kaasoo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Ibraahim Xasan Gamuute oo ahaa madaxii la socodka saadaxasha hawada iyo garoomada ee Somaliland.

 

Sida ay u xaqiijiyeen ehelada marxuumka la dilay ayaa AllPuntland u sheegay in ilaalada Daahir Riyaale si ula kac ah ay u toogteen marxuumkaas oo si nabad ah doonayey inuu u soo galo magaalada Hargeysa.

 

Marxuumkan ayaa duulimaad diyaarad ah ugu yimid dalka Asmara oo uu u soo gaaray dalka Jabuuti bacdamaa ay gobolada Waqooyi ay diideen in diyaaradaha ay saran yihiin ergadii Asmara imaan Karin garoomadooda.

 

Horay ayey ciidamada Somaliland u xereen ergooyin ka yimid Asmara kuwaasoo ay u dib ugu celiyeen dalka jabuuti qaarkoodna ay xabsiga dhigeen.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qof ka yimid Asmara oo la diley

26 Sep 26, 2007 - 6:23:56 PM

 

Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku dilay madaxii laanta la socodka hawada iyo saadaasha garoonka dayuuraddaha Hargeysa Marxuum Ibraahim Xasan Gamuute oo ka qeybgalay shirkii Asmara ee dalka Erateriya.

 

Marxuumka ayaa toogasho ay ku dileen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale Kaahin oo ku sugnaa xadka Somaliland iyo Jabuuti halkaasoo uu mas’uulkaasi doonayey inuu dhinaca dhulka ah uu ka soo galo magaalada Hargeysa xilli uu diyarad Asmara ka soo qaatay ay keentay dalka Jabuuti

 

Ehelada marxumkan ayaa ku tilmamay falkaasi mid laga naxo oo dhan ka ah xaquuqda aadanaha, dhaqanka Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo ay sheegen in falkasi ay geysteen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale walow aan la cadeyn arintaasi.

 

Mamulka Samaliland ayaa horay ugu mamanuucay degaanadooda ineysan imaan karin dadka ka qeybgalay shirkii Asmara oo ay ku tilmamen inuu yahay mid aanan khuseyn.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamadaas Somaliland ay xabsiga u taxaabeen xubno ka soo qayb galey shirka Asmara oo donayey iney safar dhulka ah ku galaan Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay dib loogu celiyey dalka Jabuuti goor dambe.

 

Mamaulka Somaliland ayaa gacan saar leh dowlada Ethiopia oo aad uga soo horjeeda kulankaas ka djacey dalka Eritrea.

 

Garowe Online,Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this