ANWAR Posted March 27, 2010 sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Liibiya, isaga oo lagu wado inuu saacadaha socda ka hadlo shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta, waxa uuna Madaaxweynaha kulamo la yeeshay qaar ka mid Madaxda Carabta ee ka qeybgalaysa kulankaasi. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay fiidkii gaaray magaalada Sirta ee dalka Libiya, halkaas oo uu Ku soo dhaweeyay Hogaamiyaha Jamaahiirta Liibiya Clonel Mucamar Al-Qadaafi. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulamo la yeeshay madaxweynayaal Carbeed oo soo gaaray dalka Liibiya si ay shirkaan uga qeyb galaan, waxayna kulankooda uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Murugsan ee Soomaaliya. Hogaamiyayaasha carabta ayaa si wayn uga hadli doona xaaladda dalka Suudaan, gaar ahaan gobolka dhibaatadu ka jirto ee Daafuur, khalalaasaha ka taagan dalka Ciraaq, halganka ay shacabka reer Falastiin ugu jiraan xureynta dhulalkooda iyo dhibaatada ay Gaza ka geysanayso Israa’iil. Sidoo kale waxaa kulankaasi looga hadlayaa arrimaha dalka Soomaaliya oo 16 qodob oo ka mid ah looga doodi doono sida uu ku waramay C/qani Maxamed Wacays oo ah Diblomasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee dalka Liibhiya oo la hadlaayay Radio Muqdishu , sidoo kale waxaa madaxda Carabta ka doodayaan sidii kaalmo dhaqaale loo siin lahaa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulanka maanta furmaya ka jeedin doona Khudbad dheer oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, iyo dadaalada ay Dowladdu ugu jirto nabadaynta dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Amistad Posted March 29, 2010 The barking mad-man is more like a re-visiting old friend. Quote Share this post Link to post Share on other sites