Sign in to follow this  
Cowke

PDF Finland Congress Meeting. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Ugu horayntii waxaa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Xirsi oo ka hadlay muhii madda ay leedahay isu imaantinka Umadda Muslimiinta isagoo soo xigtay ayaada Quraan ah,waxa uuna sheegay in ilaahay ugu jecelyahay isu imaatinka Muslimiinta haddii ay isugu yimaad camal wanaagsan oo ilaahay raali ka yahay.

 

waxa kaloo uu Sheekh Xasan sheegay in asxaabihii ay ka carari jireen mas,uul qaadis iyagoo ka baqaya in dhibaato uga timaada ,waxa uu Shiikh Xasan ka digay in Mas,uuliyada lagu dag dago taasi oo uu ku tilmaaymay camal aan wanaagan.

 

Shirkan waxa uu ahaa ujeedadiisu in la soo bandhigo wax qabadka Ururka Puntland Diasparo Forum Isagaa uu sharaxaad dhee uu ka bixiyay Gudoomiyaha Ururka PDF-Mudane Yasiin Cali Gaas oo sheega in Ururku ay ku bahoobeen dhamaan Jaaliyadaha ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland,ujeedadiisuna ay tahay in Ururku uu ka qayb qaato horumarka deegaanada Rer Puntland gaar ahaan in uu mideeyo Jaaliyada Rer Finland.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland Cabdi-casiis Goodax Bare oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka xaflada Ururka PDF waxa uuna uga mahadceliyay qaban qaabiyaasha PDF sida wanaagsan ee ay u soo agaasimeen xafladan , isagoo sheegay in PDF uu ka mid yahay Ururada hoos yimaada Somali Community of Finland.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka (SSDA) Somali Social Devlopment Association Cimaan Maxamed Cali oo isna u mahad celiyay xubnaha Ururka PDF ee ku casuumay xafladan isagoo sharaxaad ka bixiyay Maamulada Dalka Soomaaliya ka jira sida Maamul Goboleedka Puntland oo uu sheeg ay in isgu uu aaminsan yahay in Maamul Goboleedka Puntland ay ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed oo maamul samaystay isagoo sheegay Anigu waxa aan ka mid ahay aas aasayaashii Maamulka Xibin iyo Xeeb ujeedadii aanu u samaynayna aysan ahayn in aanu Soomaaliweyn ka go,no ee waxaanu Maamul kaasi u samaynay in aanu ku nabadayno deegaanka hoos yimaada Xibin iyo Xeeb , isla mar,ahaantaasna aanu ka mid noqono Dowlada dhexe ee Soomaaliya, Gudoomiyaha Ururka SSDA Cismaan Maxamed Cali ayaa hadal kiisa ku soo gaba gabeeyay waa in Maamulada Dalka ka jira aysan noqon kuwa Soomaaliweyn ka go,do.

Si kastaba ha ahaatee xafladan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Puntland Diasparo Forum ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan Qofood oo soomaaliyeed ku waa soo isugu jira Aqoonyahano ,Odoyaal dhaqameedyo Dhalinyaro ,waxayna xafladaasi u dhacday si wanaagsan iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wariye yaal Soomaaliyeed.

 

Ururka_Puntland_Diasparo_2.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_3.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_5.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_7.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_8.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_9.jpg

 

Ururka_Puntland_Diasparo_10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this