guraad Posted March 19, 2004 London (Radiolascaanod) 18.03.2004 Khamiis Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay jiraan abaabulo ay Wadaan dadka u dhashay Jaalliyada SSC. Bishan dabayaaqadeeda dawlada ingiriiska waxay martiqaadyo u fidisey xubno ka tirsan deegaanada SSC ee ku dhaqan wadankan ingiriiska, isla markaasina si buuxda uga tirsan maamul goboleedka Puntland, waxaanay kulankaasi ku lafa guri doonaan arimo xaasaasi ah oo la xidhiidha masiirka Ummadaasi. Xubnahaasi ka socda Jaalliyada SSC waxay sidoo kale soo hor dhigi doonaan qaraaro cad cad oo ku muujinayaan fikirkooda siyaasiga ah iyo mowqifka cad ee ay ka taagan yihiin Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo agtooda ka ah Lama taabtaan iyo wax aan gorgortan gelin. Wixii ka soo kordha waanu idin la soo socodsiin doonaa RadioLaascaanod Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites