Liibaan Posted October 12, 2010 Dadweynaha Reer Hargysa Oo Caawa Universil TV,Daawanaayay Iyo TV-Qaranka Oo Hawda Ka Baxay Cajiib Written by Qaran news Oct 11, 2010 at 05:00 PM Hargysa,(Qaran news)- Waxa gabi ahaanba hawada laga waayay TV-Qaranka oo ay dadweynaha reer Hargysi ay aad u daawan jireen, kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad loo taag iyo maaro waayay. Wararka aanu ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa sheegaaya in qaybta wararka lalisa ay gubatay oo la samyn kari waayay isla markaasina ay u baahntahay qalab cusub oo lagu badalo kan hada xumaaday. Mudo hada laga joogo laba bilood iyo xoogaa ayaa ay TV-Qaranka ay ciladan oo kale ku dhacday ama ay la soo gudboonaatay, iyada oo qaybta TV-Qaranka ee dibada u baxdaana ay in mudo ah hawada ka maqnayd waloo markii danbe la hagaajiyay hadana dadka u dhuun daloola TV-Qaranku waxa ay sheegayaan in ciladan caawa haleeshay TV-Qaranku ay saamayn ku yeelanayso qaybta dibada u baxda oo aan shaqaynaynin Hadaba goobo badan oo aanu caawa soo marnay ayaanu ku aragnay dadweynaha reer Hargsya oo aad u daawanaaya TV-Universil oo dhawaan laga mamnuucay dalka in ay wax war ah ka diraan. TV.Qaranka ayaan gaadhin ama aan laga daawan dhamaan gobolka Hargysa waxa aanu ku meeraystaa caasimada oo laga daawadaa, sidoo kale idaacada qaranka ayaan iyana aan wada gaadhin ama laga wada dhagaysan gobolka Hargysa, mudadii ay xukumada cusub xilka haysay ayaan wax wax tar ah lagu soo kordhin TV-Qaranka iyo Idaacada Radio Hargaysa toona. - - - - - - Telefishanka Qaranka oo xalay Bakhtiyay, iyo CID-da oo Baadhaysa sababta keentay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino cilada ku timid Telafishanka Qaranka Hargeysa (GNS):- Waxa xalay guud ahaanba Hawada ka maqnaa Telefishanka Qaranka Somaliland oo ay haleeshay cilad aan ilaa hada xalkeeda la garanaynini. Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino cilada ku timid Telafishanka Qaranka ayaa ku jawaabay “ Mashquulbaan ahaye ii kaadi” dabadeedna waxa uu ka baxayba khadkii telefoonka ee uu ku jiray. Waa markii labaad ee uu Telefishanka Qaranku bakhtiyo tan iyo intii Xukuumadda Cusub ee Siilaanyo talada la wareegtay, iyadoo Transmitterka xalay bakhtiyay uu yahay mid muddo afartan cisho wax ka yar shaqaynayay, kadib markii uu gabi ahaanba istaagay Tarnsmitterkii hore ee TV’gu kaasoo markii ciladan oo kale ku timid lagu bedelay kan isla xalay bakhtiyay. Transmitterka xalay bakhtiyay oo ahaa mid Mustacmal ah ayaa la sheegay in ay Xukuumaddu siisatay 1,37000$( boqol iyo toddoba iyo Soddon kun oo Dollar) taasoo la sheegay inay ku baxday sifo aan marin Nidaamka Xukuumaddu wax ku iibsato ee Qandaraasyadda Qaranka, balse mar uu wariye ka tirsan Waaheen weydiiyay Wasiiradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo wasiirka Warfaafinta C/laahi Geel-jire ay ku jawaabeen in laga bixiyay Akawnka Gurmadka Deg-dega ah ee Madaxtooyadda, iyagoo ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan. soo iibintii Transmitterka xalay bakhtiyay ayaa la sheegay inay Dilaalistiisa gadhwadeen ka ahaayeen Af-hayeenka Madaxtooyadda, Chief Of Cabinet-ka iyo Rag kale oo ka ag-dhaw-dhaw Qasriga Madaxtooyadda kuwaasoo u dhuubay Madxtooyadda IibsashadaTransmitterkaas oo ahaa mid Mustacmal ah oo Telefishanka Madax banaan ee Somaliland Space Channel isticmaalayay muddo badan isla markaana laga soo furay markii la helay fursadan oo baahi Deg-dega ah ee loogu qabay kicinta Telefishanka. Iyadoo laga dhe qaaday Macaash buuran Qiimaha la siistay Transmitterka fadhiistay Xalay ayaa la sheegay haddii loo mari lahaa sifaha Sharciga ah ee Dalka u yaala inuu goyn lahaa Sadex Transmitter oo cusub iyo Studyo yaal Casri ah oo muddo badan Anfici lahaa Qaranka illaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay inuu bakhtiyo telefishanku hase yeeshee waxa ay sheegeen warar aanu ka helnay Xarunta Telefishanku inay halkaa gaadheen Ciidanka CID’du isla markiibana ay ka bilaabeen baadhitaan la xidhiidha wixii keenay shilkaasi, iyagoo su’aalo weydiiyay shaqaalihii xalay ku sugnaa Telefishanka iyo Mulkiilihii laga Iibsaday Transmitterka oo la yidhaahdo Cali Faarax Xarbi, kaasoo sida ay wararku sheegeen laga dalbaday inuu hagaajiyo ama keeno Transmitter cusub. Dhinaca kalena waxa isna Muddo ku dhaw labaataneeyo cisho hawada ka baxay telefishanka Qaranka qaybtiisii Satelite’ka ee dibedaha laga daawan jiray, taasoo isna ay ku timid cilad dhinaca farsamadda ah, kaasoo mar wasiirka wax laga weydiiyay uu ku sheegay inay ku timid cilad dhinaca qalabka hawada ku tuura ahi” Modem” oo ay shirkaddii laga soo iibsaday ka dalbadeen inay usoo dayactirto Dhacdadan oo ah tii sadexaad ee la soo derista telefishanka Qaranka ayaa ku soo hagaagtay wakhti aad loo hadal hayo jaha-wareer Maamul oo ka taagan Wasaaradda Warfaafinta oo haatan la hoos geeyay Telefishanka Qaranka oo markii hore ka madax-banaanaa, waxaanay waji Gabax ku tahay Xukuumadda Siilaanyo oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku dhaliili jirtay Xukuumaddii Rayaale inaanay keenin Warbaahin Dalka wada gaadha. gaar ahaana waxay arrintani Falaadh ku tahay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Geell Jire oo maalintii uu Xilka la wareegayay si dheel dheel ah u dhaliilay warbixin uu wasiirkii hore ka siiyay Wasaaradda balse uu arkayay inaanay xukuumaddii hore waxba ka qaban warbaahinta isagoo ugu soo hal qabtay Dubbe iyo Doolaal waxay idin leeyihiin “Xeradayadu waa wada uloo Ul la qaato ma leh” ma Idaacadda gaadhi weyday Haleeya ayaad waxaas oo dhan ka qabateen Arintani waxay xalay ku keentay Masuuliyiinta xukuumadda werwer, iyagoo xalay masuuliyiin badani gaaf wareegayey xarunta Telefishanka waxaanay isku dayayeen inay xal u helaan mushkiladan. http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=14018&permission=1&audioFile= Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 12, 2010 technical problem will be solved soon TV qarranka will be on air soon People can watch hargeysa Horn cable tv As for universal tv that's just pure nonsense Universal tv is suspended in Jam Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites