Sign in to follow this  
General Duke

Minister Moulid Macane: TFG controls the republic of Somalia..

Recommended Posts

Mowliid Macaan “waxaa ilaahay mahaddiis ah in saakay jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo Somaliland ay gacanta ku heyso

 

Mowliid_macaan_010107.jpg

 

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Mowliid Macaan Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabka dowladda federalka ay ugu soo guurtay Muqdisho iyo qorshaha ay ku talo gashay inay wax uga qabato xaaladda guud ee dalka gaar ahaan gobolka Banaadir.

 

Mowliid Macaan oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Global ee magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan hambalyo iyo bogaadin u diray shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho sidii ay ugu soo dhoweeyeen, wuxuuna uga mahad celiyay soo dhoweyntaasi isagoo sheegay in shacbiga ay yihiin shacbi ka dhiidhiyay dhibaatooyinkii ay u geysteen maxkamadihii ka arriminayay Muqdisho muddadii lix bilood aheyd, wuxuuna xusay in kacdoonka shacabka uu ka billowdo jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarashada, wax lagu qasbi karaana ma jirto” ayuu yiri Mowliid Macaan oo intaasi sii raaciyay in shacbigu ay aad ugu oomanaayeen dowlad hanata nidaam iyo sharci loo dhan yahay, dowladduna waxay shacbigeeda ugu adeegeysaa rabitaankeeda.

 

Mar uu ka hadlayay dowladda Federalka iyo qaabka ay u dhalatay wuxuu sheegay in dowladdu aysan aheyn kacaan ama Revolution xoog wax ku qabsatay balse ay tahay dowlad ku timid doorasho oo si sharci ah looga aqoonsaday caalamka, isagoo codsi u jeediyay inay shacbiga gacan ku siiyaan waajig gudashada dowladda.

 

Mowliid macaan mar wax laga weydiiyay in imaanshaha dowladda ee Muqdisho ka sokow ay mar kale ka daba yimaadeen qab-qablayaasha dagaalka sida max’ed Qanyare Afrax oo haatan Muqdisho ku sugan, dad badanna ay arrintaasi walaac ka muujiyeen inay mar kale hoggaamiyaashu la soo bixi doonaan mucaaridnimadii ay dowladdu kaga soo horjeedeen isla markaana ay goobahoodii fariisimo ka dhigteen, Mar uu arrintaasi ka jawaabayay Md. Mowliid Macaan waxa uu yiri “Runtii ahaantii arrintaasi wax qash ah weeye, wax fool xun waaye, raggaasi Warlords-ka ah shalay waxay ka mid ahaayeen xukuumaddii Federalka KMG Soomaaliya, xildhibaano ayay ahayeen, wasiirro ayay ahaayeen, hase yeeshee firiq-firiqdooda iyo caga-cageyntooda iyo damacooda waalida ah ayaa maanta u diiday inay golihii wasiirada ka mid noqdaan, waan ka xumahay waxaan maqlaayay Saaxiibkey Qanyare ayaa shalay hadlay oo Xukuumadda wax jira ma ahan, madaxweynaha ma jiro wax badan afkiisa ka yiri, aniga ma maqal waa laygu yiri oo kaliya, haddii waxaasi ay yihiin wax jira waan ka xumahay Qanyare inuu maxaakiimtii markuu joogtay ka cararo isla xukuumaddii uu dacaayadeyn jiray inay ku badbaadisay Baydhabo inaan u oggolaano baarlamaanka inuu soo dhex fariisto isagoo eedeysane ah in maanta markii ay dowladda la wareegtay maamulkii xukuumadda wax ka sheego aad baan uga xumahay, waxaan leeyahay walaalkey Qanyare Soomaalidu waxay tiraahdaa canugga yar waxa caanaha loogu habo isagana lugahuu firdhiyaa waana ooyaa, dhibaato ayuu suubiyaa, hooyadiisna caanaha waa ku habtaa, waxaasi oo la ooyayo oo lugaha u rafinayo waxa weeye maslaxaddiisa ayaa laga shaqeynowhaayaa, Qanyare xukuumaddu waxay wadday maslaxaddiisa, waxaan u malaynayaa maanta isagoo ku xoog badan ayaa Xamar laga saaray Qanyare isagoo arkaaya ayaa laga saaray, maantana inuu is yiraahdo xukuumadda uu tirakoobo uu caqligiisu tuso waad ku noqon kartaa oo dib baad u qabsan kartaa waa kuwii aad Baydhabo ku soo aragtay inuu hamiyo saaxiibkey waa ku qaldan yahay, caanaha annagaa ku habeynay caafimaadkiisa iyo maslaxaddiisa ayaana ugu habeynaaye, waxaan leenahay Max’ed Qanyare nabadda ha qaato, waxaa jirta oraah ingiriisi ah ee la yiraahdo (A piece of good advise is the second mother of a child) waano fiican oo laguu sheego canugga waxay u tahay hooyadiisa lamaad, waan la talineynaa Max’ed Qanyare, ha qaato taladaas, maah-maahdaas ha qaato.

 

Dhinaca kale Mowliid Macaan mar wax laga waydiiyay bannaan baxyada rabshadaha wata oo qaar ka mid ah waddooyinka ka dhacayay saacadihii la soo dhaafay oo ay uga soo horjeedaan dadkaasi ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federalka sida uu u arko ayuu kaga jawaabay arrintaasi “Waa wax jira waa wax laga waantoobi karo, run ahaantii annaga haddaan xukuumadad nahay shacbigeena ayaan wax u nahay, shacbi gaar ah oo aan aheyn shacbiga Muqdisho deggan xukuumaddu ma xukunto, xukuumadda shacabka Soomaaliyeed ayay u dhalatay, dowladda laguu sheegayo waa dadka ee shaqsiyaad ma ahan, dadka Soomaaliyeed ayaa dowladda ah, haddii maqaar la gubo ama haddii taayar la gubo waxa aad diidayso waa dowlad aad adiga shaaga gubayo ka mid tahay, waxaan ummadda Soomaaliyeed oo aad u jeclahay ku boorinayaa wax waliba waqti bay leeyihiin, waqti kastaba dhammaad buu leeyahay, wuxuuna yiri Talyaanigu ku maah-maahaa “Cayaartii dhadhan leh oo macaan waqti yar oo socotaa, cayaarta xunna Ilaahow yaa kaa dhameeya ayaad is leedahay, ar cayaar macaan ayaan wadnaaye waxaan rabnaa in si fiican loo daawado oo si fiican loo fiirsado, xukuumadda lagu soo dhisay Kenya ma ahan xukuumad ay Soomaaliya ka maqan tahay, qabiil ka maqan ee dhihi karo anagaa nalaga tagay oo xildhibaanada ka mid ahayn, golaha wasiirada ka mid ahayn ma jiro, waxaan ka codsanayaa ayuu yiri shaqsiyaadka fikradda qaladka ah laga dhaadhicinayo ama hoosta waxa xun laga gelinayo aan jirin oo ay wadaan dad damaaci ah oo aan rabin in xukun ka dhasho dalka oo aan rabin in dowlad ka jirto dalka waa inaysan ku shaqeyn fikradahaas shacbiga Soomaaliyeed, dowaddu waa shacbiga, haddii aan shacbi jirin dowlad ma jiri karto, waxaana ka codsaneynaa umadda Soomaaliyeed inay joojiyaan mudaaharaadka aan macnaha laheyn ee la sameynayo.

 

“waxaa ilaahay mahaddiis ah in saakay jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo weli wax tabaneyso waxaa xukunkeeda iyo maamulkeeda gacanta ku haya xukuumadda Federalka Soomaaliya, sidaas darteed waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dowladda Soomaaliyeed oo maanta rabta in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guurto caasimadda Muqdisho inay gacan siiyaan oo ay la shaqeeyaan” ayuu yiri Mowliid Macaan.

 

Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe

 

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this