Jacaylbaro Posted November 3, 2007 Wefdigii Uu Hogaaminayay Wasiirka Hawlaha Guud oo booqday jiida hore ee ciidamada Somaliland Laascaanood (Qaran)- Wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyaynta Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ee socdaalka ku joogay Magaalada Laascaanood, ayaa manta booqday fadhiisimada ciidamada Qaranka ee Jiida gobolka Sool. Wefdigan waxa kale oo xubno ka ah Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim , Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Mudane Axmed Xaashi Cabdi iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha, waxay gaadhsiiyeen Ciidamada Qaranka Dhambaalo Hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , Golayaasha Qaranka iyo saddexda xisbi Siyaasadeed. Wasiirka Hawlaha guud Somaliland, isla markaana ah Madaxa wefdiga ayaa ciidamada ku bogaadiyay guulihii ay ka gaadheen dagaalkii ay magaalada Laascaanood , kaga sifaynayeen Maleeshiyada Puntland. “Waxaanu idinka mahad naqaynaa hawsha culus ee aad dalkiina u haysaan iyo hayinimada aad muujiseen’’ ayuu yidhi Mudane Sulub. Dhinaca kale, gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Cali Maxamuud Axmed [Cali Sandule]ayaa isla manta xarunta maamulka gobolkaasi ku qaabilay ururo Samafal oo wadani ah , oo socdaal ku tagay Magaalada Laascaanood. Cali Sandule ayaa caawa ii sheegay inuu hay’adaas samo falka maxaliga ah ku soo dhaweeyay inay mashaariic horumarineed ay ka fuliyaan gobolka Sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2007 hadhwanaag 2007-11-02 (Hadhwanaagnews) Laas-caanood(HWN):Weftigii u hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Siciid Sulub Maxamed oo ay weheliyan Wasiiradii iyo Xildhibaanadii hore ugu sugnaa Magaalada Laas-caanood ee Gobolka sool ayaa saaka booqday fadhiisimada Ciidamada Qaranka jiida Gobolka Sool. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed waxa uu u gudbiyey Ciidamada Qaranka iyo Madaxdoodaba Salaan iyo hanbalyo uu ku tilmaamay inuu uga sido Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin,Sadexa Xisbi Qaran, labada Gole Barlamaan. “Waxaan idinku bogaadinayaa talaabadii Geesinimada lahayd iyo Guulihii aad gaadheen idinka oo kaashana qeybo ka mida Shacbiga gobolka Sool,gaar ahaana Magaalada Laascaanood” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed oo la hadlayey Ciidamada Qaranka ee Jiida hore iyo Madaxdoodaba. Siciid Sulub Maxxamed isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay hab-dhaqanka Wanaagsan iyo halyeynimada inay Ciidanku muujiyeen. “Xukuummad,Golayaal,Axsaab iyo Shacbiga reer Somalilandba waxaanu diyaar idiinla nahay oo aanu hiil iyo hooba lagarab taaganay Ciidamada Qaranka”ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud. Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub waxa uu sheegay inay u jeedada socdaalkoodu tahay sidii loo dhameystiri lahaa Guulahaasi,isla markaana wax loogu qaban lahaa dadweynaha Gobolka Sool,sida adeegyada Bulshada,iyo kaalmo gaadhsiinta dadweynahan. Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Somaliland Md.Fu’aad Aadan Cadde ayaa ku dhiirigeliyey Ciidamada Qaranka aaga jiida hore inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, isla markaana ku bogaadiyey Ciidamada guushi ay dagaalka ka soo hooyeen. Waxaana Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed ku wehelinayey Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta Axmed Xaashi, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, waxay Ciidamadaasi iyo Masuuliyiintoodaba u jeediyeen ereyo dhiirigelin iyo dar-daaran isugu jira. Dhinaca kale, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool inay galabta gaadheen Masuuliyiin ka socotay todoba Urur Wadani, kuwaas oo kulamo la yeeshay Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandule. Waxaanay Ururadaasi ka war-bixiyeen u jeedada Socdaalkooda oo ay sheegeen inay la Xidhiidho Baahiyaha jira, iyo weliba sidii ay wax tar ugu geysan lahaayeen dadweynaha Gobolka Sool. Badhasaabka Gobolka Sool Cali Maxamuud [Cali Sandule] ayaa hay’adahaasi uga mahad-celiyey hawsha ay u socdaan. “Waxa uu Gobolku u baahan yahay in Wax loo qabto, waxaanan idiinka mahad-celinayaa hay’adihiinan kala duwan sodaalkan aad ku timaadeen hakan sidii aad wax u tari lahaydeen” Waxaana hay’ada Wadaniga iyo kuwa kaleba isugu jiray kala ahaayeen NERAD, HAVYOCO, CAND LIGHT, QAMAR-SANAM, iyo qaar kale. Quote Share this post Link to post Share on other sites