BN Posted October 24, 2004 Waxbarashada dadka Waawayn ee Garowe Axmed Kismaayo BBCSomali.com Mashruuc la xiriira horumarinta waxbarashada dadka waawayn oo loogu tala galay in ay ka faa’idaystaan dad ka badan 1500 oo qof oo ku nool gobolka Nugaal oo aan awood u lahayn inay wax akhiriyaan waxna qoraan, ayaa lagu soo bandhigay magaalada Garoowe. Waxbarashada dadka waawayn Mashruucan, oo loogu tala galay muddo sannad ah, wuxuu haatan socdaa toddoba bilood, isagoo si rasmi ah uga hirgalay 11-goobood oo ka tirsan degmooyinka Garoowe, Burtinle, Dangorayo iyo tuulada Sinujiif oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Nugaal. Mashruucan, oo ay fulinayso hay’adda ADRA, waxaa maalgeliyay dawladda Denmark Dadka ilaa iyo hadda ka qaybgalay waxay gaarayaan 1,270 qof oo isugu jira rag iyo dumar ay da’doodu ka wayn tahay 15-sano. http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2004/10/041023_puntland.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites