Cowke Posted June 25, 2010 Muqdisho:"Doorashooyinka Somaliland waa kuwo Baadil ah oo diinta ka fog"Amiirka Dhaqdhaqaaqa Alshabaab. 24. juni 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-Dhaqdhaqaaqa Alshabaabul-Mujaahidiinta ayaa canbaareyn usoo jeediyey Doorashooyinka Somaliland,waxayna xaradakadu sheegtay in ay yihiin kuwo ka fog Diinta Islaamka & kitaabka Munsalka ah,iyadoo mas'uuliyiinta Alshabaab ay ka digeen Doorashooyin ay lug ku leeyihiin hay'ado dadka gaalaysiiya islamarkaasna aysan diinteenu ogolayn,waxayna shacabka Somaliland Dhaqdhaqaaqu u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha Doorashooyinka Maamulka lamagacbaxay Somaliland oo ay howlgalo ka fulin karaan. Amiirka guud ee Xarakada Alshabaab Sheekh Muqtaar (Abuu Subayr) oo xalay soo saaray Cajilad Maqal ah oo 26-daqiiqo soconaysa ayaa baadil aanan diinta Islaamka wax lug ah kulahayn ku tilmaamay Doorashooyinka maamulkaas,wuxuuna sheegey in ay kamid tahay Barnaamijyo ka dhan ah Diinta Islaamka oo ay ururo dadka gaaleeya ka wadaan wadamada Islaamka gaar ahaan wadanka Soomaaliya oo ay ka faa'iidaysanayaan dawlad la'aanta ka jirta waqtigan,wuxuuna sheegey in ururkiisu ay ka digayaan dhicitaanka doorashooyinkaas. Sheekh Abuu Zubayr oo hadalkiisa inta badan adeegsanayey Aayado Qur'aan ah,Xadiisyo & Qisooyin ayaa waxaanan ka marnayn tixo gabayo ah oo uu ku caanbaxay intii uu xilkan hayey,wuxuuna muujinayey sida aysan Doorashooyinkaas diinta wax lug ah ugu lahay,wuxuuna ku tilmaamay ku "Daaquud" ah oo haboon in laga fogaado maadaama ay ku lugleedahay kalmada Dimuquraadiyada oo ah mid aanan diinta wax lug ah kulahayn,wuxuuna tix gabay ah ku mujiyey waxa ay Somaliland ugu yeerto Aqoonsiga oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah. "Dad haduu islaam yahay *dibnaha ka ashahaataan Mu’miniin ku doodaan *wixii daa’im faray iyo Diintana ilaawaan *durbaan uu ibleys sido Dirirada ku dheelaan*duuflaal ku baaqiyo Dalaal iyo wax lagu lumay*ay daba raqleeyaan Xukumada kusoo daga*dambigeeda uu dhalo Diintay ku taalaa *duna laguma dhaafine Miyaasbe hoosna loo dayin*miyaan daa’inkeyn oran Duul haduu icaasiyo*duqeyda ay xilsaaraan Waa jeedal daranoo*iyagii dib ula dhaco Dal dal ee xabsiga geey*dila iyo rasaas mari Iyo horiya daba diid"Auu ku yiri tix gabay ah oo kamid ah hadaladii Xigmadaysnaa ee uu khudbadiisa kusoo daray amiirku. Xafiiska Wararka Allpuntland ee Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 25, 2010 huh and why the hell you gave it the thumbs up are you against elections taking place? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 25, 2010 what else is Haram ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted June 25, 2010 killing innocent people is haram suicide is haram blowing up people for no reason is haram. calling muslims kufaar is haram cutting hands and legs withough proper trail is haram. digging graves of the long dead is haram blowing up mosques is haram whipping people for any little reason is haram associating yourself with extremist deviants is haram. constantly causing miss chief and mayhem in the land is haram deviding muslims into sects is haram ..... ..... ...... ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted June 25, 2010 Oh The Irony! Somebody, somewhere, has a divine sense of humor Al-sheydamin waxeey rabaana weey xaarantimeeyeen dilka dhaca boobka iyo Rajabeetada oo naagaha laga furana waa xalaalesteen Quote Share this post Link to post Share on other sites