Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Dahir Aways deputy other top al shabaab killed in central Somalia

Recommended Posts

Ku xigeenkii Sh. Xasan Daahir Aweys oo ku dhintay dagaalkii Matabaan

 

Matabaan (HR Media) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaalkii habeen hore deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogagga maxkamadaha Islaamiga ka tirsan.

 

Dagaalkaasi waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen rag sarsare oo ka tirsan maxkamadaha Islaamiga.

 

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku xigeenkii golahii shuurada ee maxkamadihii Islaamiga Prof C/laahi Cali Afrax oo ku magac dheeraa Asparo iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

 

Afhayeenka xooagga maxkamadah Islaamiga sheikh C/raxiim Ciise Caddow oo u warramay shabakadda Aljaziira ayaa sheegay in ay jiraan raggaasi ku dhintay dagaalkaasi, balse wuxuu sheegay in dhinacooda ciidamada Itoobiyaanku ay gaarsiiyeen jab xooggan.

 

Wuxuu sheegay inay ka dileen cadad badan oo ciidamada Itoobiyaanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaad ka taqaan C/laahi Cali Afrax (Asparo)

Toronto (HR Media) C/laahi Cali Afrax oo ahaa ku xigeenkii gudoomiyaha Golaha Shuurada ee

maxkamadihii Islaamiga, waxaana uu ku dhintay dagaal salaasadii dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxaha maxkamadaha Islaamiga kaasoo ka dhacay deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan.

 

C/laahi Cali Afrax waxa uu deganaa magaalada Toronto ee dalka Canada waxa uuna ka soo tegay ku dhowaad 10 sano ka hor isagoo ku biiray dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ee ugubka ka ahaa dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu ahaa nin kaalin firfircoon kaga jiray marka laga hadlay dhinaca dhaqaalaha sida uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Canada.

 

C/laahi Cali Afrax waxa uu dalka Canada tegay 1991-kii ka dib markii ay burburtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

 

Waxa uu ka qeybqaatay dagaaladii lala galay ciidamada dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka isagoo la safanaa xoogagga maxkamadaha Islaamiga.

 

Wixii ka dambeeyay markii magaalada Muqdisho laga wareegay xooagga maxkamadihii Islaamiga waxa uu Prof. Afrax ku sugnaa gobolka Galguduud.

 

Prof. C/laahi Maxamed Afrax intuusan dalka Canada ka soo tegin waxa uu ka shaqeynayay shirkad xawaaladeed oo lacagaha kala gudbisa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfahin Dagaalkii ku Dhaxmaray Ciidanka Ethopia Iyo Ciidanka Al-shabaab Matabaan.

 

Dagaalkii Matabaan ka dhacay ee Al-shabab ku weeraren ciidamada ethiopia gobolada dhexe ayaa wararku sheegayaan in uu geystey khasaare aad u farabadan.

 

Dhinaca Alshabaab waxaa kaga geeriyoodey ilaa 130 askari,waxaana ka mid ahaa hogaamiyihii ciidanka alshabaab ee gobolada dhexe Warsame Xaashi Sheikh Xujaale iyo ku xigeenkiisii Macallin Farxaan iyo aqoonyahan Cabdulaahi Cali Afrax "Asbaro" iyo nin kale oo ku xigay taliyihii sahanka iyo saanada iyo hogaamiyeyaal farabadan oo jagooyin kala gadisan ka heystey xoogaga Al-shabaab.

 

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in dhimashada ilaa 11 horjeege oo Al-shabaab ka tirsan ay ku geeriyooden dagaalkii maanta ka dhacay Matabaan.

 

khasaaraha dhinaca ciidanka Ethipia,ka soo gaarey halka loo yaqaan jiirta Qabno sida ay goobjoogayaal sheegeen wuxuu ahaa mid isaguna xoogan ilaa iyo ciidamo badan aay kaga geeriyooden,sababtuna waxay ku sheegeen in meel goolaad ah lagu weeraray oo buur loo galay.

 

Ciidamada Ethopia ayaa markii ay dhimasho badan soo gaartey ayey buurtii ay alshabaab dhufeyska ka dhigatey ku burburiyeen madaafiicda BM-ka oo Ciidamo badan oo ka mid ah Al-shabaab ay ku nafwaayen garaacitaan hubka culus ee PM-ka lagu qaraacay buurtaasi.

 

Dhulka cabirkiisa lagu dagaalamayey ayaa waxaa uu ka koobnaa qayaastii 15 km ,ayadoo goobaha qaar lagu arkayo meydad ethopian ah iyo meydad al-shabaab ah oo talaabooyin isu jira ,taasina waxeey cadeynaysaa in gacanta la'isula tagay.

 

Degmada guriceel waxaa xalay la geeyey dhaawaca 29 nin oo ka tirsanaa ciidanka Alshabaab sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi ee aagaas dagaalku ku qabsaday.

 

xoogagii weerarka ku qaaday ciidamada Ethopia ee jiirta Qabno waxaa laga qabtay ilaa 37 baasuukaha nooca No=7 iyo rasaastooda oo ay ragii sitay ay geeriyooden.

 

Si kastaba wararka ka imaanaya matabaan waxeey sheegayaan in dagaalkii maanta dhexmarey ciidanka Ethopia iyo Al-shabaab in uu geestey dhimasho aad u farabadan iyo dhaawac , waxaa kaloo ay dadku sheegen in dagaalkii maanta noociisa aanan waligiis la arag.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkiimta islaamka oo qirtey in dagaaladii Guriceel saraakiil sar sar kaga dhinteen

 

Iyadoo todobaadkan dagaalo xoogan ay dhexmareen ciidamada Itoobiyaanka iyo Maxkamadaha Islaamiga, isla markaana dagaaladaasi ka dhaceen magaalooyinka Matabaan, Guri-Ceel iyo Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya khasaaraha nafeed ee sababeen dagaaladaasi.

 

Maxkamadaha Islaamiga oo dagaalkaasi ku lug lahaa ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadleen khasaaraha dhankooda ka soo gaarey dagaalkaasi, waxaana afhayeen u hadley garabka hubaysan ee maxaakimta islaamka oo lagu magacaabo C/raxiim Ciise Cadow ayaa u sheegay bogga internetka ee Al-Jazeera.net in saraakiil ka tirsan maxaakimta ay ku dhinteen dagaala ay isaga horyimaadeen ciidanka Ethiopia iyo garabkooda gaar ahaan dagaaladii ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Galguduud.

 

Afhayeenku wuxuu tibaaxay in hogaamiyihii kooxaha ka dagaalamaya Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jirey Macalin Farxaan iyo Prof.C/laahi Cali Afrax oo ahaa kuxigeenkii Sheekh Xasan Daahir Aweys ee Gudoonka Golahii Shuurada Maxaakiinta ay ku geeriyoodeen dagaaladii ugu dambeeyey.

 

Dhinaca kale warar si madaxbanaan ay ku heshay SBC International ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale uu dagaaladii ugu dameeyey ku geeriyoodey Sheekh Xujaale oo isna ka mid ahaa maxakamadaha Islaamiga.

 

Ustaad: C/xakiin Maxamed Cumar

SBCInternational- Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Inaad *** tahay, maantaanad cadayse. Nin diintiisa u shahiida ayaad ka dabaal dagaysaa. Geeridu waa xaq, waana lawada dhiman balse waxaa jirto maalin adigu iyo Asbaroba kii idin abuuray laydin hor istaajin doono.

 

What will you do then!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Hold your emotions waryee, offering your opinion is one thing but calling someone '**** ****' is stepping outside your border... Edit that and easy with the insults.

 

[ July 03, 2008, 05:46 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^^^^ Adiga laftaada ***** ah. Somalia will never be free till the likes of you are sent packing.

 

[ July 03, 2008, 05:46 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Horn waan ku salaamay brother.

 

Allaha u naxariisto mujaahidiintaas oo dhan, wallee amxaaro somalia waa jabeen meel kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Emperor that you addressed my rebuke instead of the disgusting celebratory topic from a man who used to have "Allah" as his signature is telling enough. Sidaan u arkay, dad badan baa kaafirnimo u dhaw Alaa i lehe.

 

Allamagan, salaamulaah bro. Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Sxb Duke posted the news or may be stated his opinion, while you went to insult...

 

As for this matter and your new found 'faith', of all people, Horn and Huraale's follower cannot preach me...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ adeer .. stop making excuses for him.

 

it is telling that he and some others attemtped to minimilize the destruction visited upon the filthy tigre by our brave young lads ... and here cheers for the death of a hero ... and you say **** yaan la odhan ... that is a compliment where he is concerned.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer personal insults are against SOL's rule...

 

We are here to only discuss and exchange views but not to insult.... that's all I said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ Doesn't matter, Gun-ka. You still agree with Duke's gloating thread about the martyrdom of a thoroughbred, a man of honour well-known among the Somali community in Canada, Shaykh Aasbaaro, Ilaahay Janada haka waraabiyo.

 

This is why the Resistance will never stop untill men like you, on the ground, are on their knees begging for forgiveness and mercy. We are in the business of creating a New Somalia, and your despicable collaborationist ilk are not welcome. Yield, or bear the consequences.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Ilahay ha unaxariisto inti dhimatay iyo ninkaa Muslinka ee meesha lagu sheegayba.

 

I would have condemed and had said many things about him had he still been alive, but now he's below the ground and no longer has a hand or control over the Somali problem, so I will leave his fate to the lord. However, I condem, criticise and passionately denounce the likes of fake-Sheikhs Hassan Dahir, the thug Indhacadde and all of the looters inc.

 

Unlike the Kaligi Muslims, I don't takfiir people...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this