General Duke Posted April 18, 2007 Shirkii koowaad ee dowladda ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macallimuu BBCSomali.Com Golaha wasiirrada oo markii ugu horreysay ku shiray magaalada Muqdisho, tan iyo intii la soo dhisaday dowladda in ka badan labo sano ka hor Shirkan ayaa waxaa looga dooday arrimo ay ka mid yihiin canshuuraha dowladda, ka bixitaanka guryaha iyo xarumaha dowladda ee dadweynaha, amniga iyo xaaladaha dadka ku barakacay dagaallada magaalada Muqdidho. Xil-ka-qaadis iyo xilal-magacaabid Intii uu socday shirkan ayaa waxa uu ra'iisul wasaaruhu sheegay in uu xilkii taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ka qaaday General Cali Xasan Looyaan, Cali Madoobe, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdi Xasan Cawaale, Qaybdiid, oo ka mid ahaa qabqableyaashii dagaalka ee ee magaalada Muqdishu. Cali Madoobe ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya. Sidoo kale, Sayid Axmad Sh. Daahir, ayaa isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhinaya dalka Uganda, halka Cabdiraxmaan Nuur Maxamad, Diinaari, isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya, waxaana magacaabistan ansixiyey golaha wasiirrada intii maanta shirkaasi fadhiday. Guddiyo la magacaabay Sidoo kale, intii uu socday shirkaasi ayaa waxa la dhisay guddiyo ka kooban wasaarado dhawr ah waxaana guddiyadaasi ka mid ah: Guddiga la xisaabtanka hay'adaha gargaarka, guddiga deegaanka iyo ka guuritaanka guryha dowladda iyo guddiga sahminta iyo arrimaha qaxootiga. Shirkan maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay habeenkii xalay ahaa uun magaalada Muqdisho ka dheceen dagaallo xooggan oo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia oo sida la sheego kaalinaya dowladda KMG ah iyo dhallinyarada reer Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 18, 2007 MUQDISHO: Wasiirro ka tirsan kuwa dowladda oo soo gaaraya Muqdisho, iyadoo kuwo kalena ay ku soo foo leeyihiin Posted to the Web Apr 18, 10:45 Muqdisho (PP) - Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaraya maalin walba wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirradaan lagu wadaa inay kulankoodii ugu horreeyay ee ay u dhan yihiin ku yeeshaan Muqdisho. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay Gobollada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu amar ku siiyay wasiirrada ka tirsan golihiisa inay isugu yimaadaan Muqdisho si ay kulammo ugu qaataan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaare Geeddi uu doonayo inuu ku qabto Muqdisho tan iyo intii dowladda Soomaaliya lagu soo dhisay dalka Kenya 2-sano iyo bar ka hore shirkii golaha wasiirrada oo ah mid ay u dhan yihiin wasiirradiisa cusub. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu wado in xafiisyada wasiirrada dowladda laga furo Muqdisho iyadoo ay halkaas ku shaqeyn doonaan, waxaana xafiisyada qaarkood la sheegay in lagu qalabeynayo agagaarka hoyga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee Degmada C/casiis. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaaruhu uu damacsan yahay inuu xilalka ka qaado wasiirrada aan soo xaadirin kulankaas, waxaana ka mid noqon doonaa sida la sheegayo Wasiirka Howlaha guud ee iyo guriyeynta Xuseen Maxamed Caydiid oo isagu dhawaan ku biiray Muraacaradka dowladda ee ku sugan Asmara. kulankaan ayaa qabsoomiddiisa waxay ku soo aadaysaa iyadoo dagaallo qaraar ay ka dhacayaan Muqdisho, waxaana haddii uu qabsoomo kulankaas ay noqonaysaa in Dowladdu ay ku shaqeyn karto Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted April 18, 2007 sii soco soo soco...booring. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted April 18, 2007 Originally posted by Mj. bada Cas: sii soco soo soco... Soo soco sii soco seynabey sow miinan ahayn heesti? Soo hoobiyo(Pun intended)dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 18, 2007 Dowladda KMG ah oo magacowday xilal iyo gudiyo cusub Click here to find Shabelle news in English Mogadishu 18, April.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay isugu yimaadeen maanta xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu magacaabay xilal kala duwan iyo gudiyo. Kulankaan oo ay soo xaadireen wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia, uuna shir Gudoominayay Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max'ed Ghedi ayaa ugu horreyn waxaa xilkii lagaga qaaday taliyihii ciidamada Booliska Gen. Cali Madoobe, iyadoo taliyahaasina lagu badalay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana Generaal Cali Madoobe loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Tanzania. Sidoo kale Kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay C/raxmaan Max'ed Nuur Diinaari in uu noqdo safiirka Somalia u qaabilsan dalka Syria, Sayid Axmed Sheekh Ibraahim ayaa isna loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Uganda. Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay guddiyo ka kooban 3 gole oo kala ah: - 1. Guddiga dadka barakacay qaabilsan 2. Guddiga qaxootiga 3. Gudiga qaabilsan ka saarista goobaha dowladda ee dadku ay dagan yihiin. Kulankaan ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa saxaafadda u aqriyay K/simaha afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Codka. Click here to find Shabelle news in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted April 18, 2007 lol@ Farax Brown. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 18, 2007 Indeed Farah, is truly funny, Mogadishu is unsafe for some. Quote Share this post Link to post Share on other sites