Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: first cabinet meeting more ministers arrive

Recommended Posts

Shirkii koowaad ee dowladda ee Muqdisho

 

20060801123745somalia_primeminister_ap20

Maxamed Ibraahim Macallimuu

BBCSomali.Com

 

Golaha wasiirrada oo markii ugu horreysay ku shiray magaalada Muqdisho, tan iyo intii la soo dhisaday dowladda in ka badan labo sano ka hor

Shirkan ayaa waxaa looga dooday arrimo ay ka mid yihiin canshuuraha dowladda, ka bixitaanka guryaha iyo xarumaha dowladda ee dadweynaha, amniga iyo xaaladaha dadka ku barakacay dagaallada magaalada Muqdidho.

Xil-ka-qaadis iyo xilal-magacaabid

 

Intii uu socday shirkan ayaa waxa uu ra'iisul wasaaruhu sheegay in uu xilkii taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ka qaaday General Cali Xasan Looyaan, Cali Madoobe, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdi Xasan Cawaale, Qaybdiid, oo ka mid ahaa qabqableyaashii dagaalka ee ee magaalada Muqdishu.

 

Cali Madoobe ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya. Sidoo kale, Sayid Axmad Sh. Daahir, ayaa isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhinaya dalka Uganda, halka Cabdiraxmaan Nuur Maxamad, Diinaari, isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya, waxaana magacaabistan ansixiyey golaha wasiirrada intii maanta shirkaasi fadhiday.

 

Guddiyo la magacaabay

 

Sidoo kale, intii uu socday shirkaasi ayaa waxa la dhisay guddiyo ka kooban wasaarado dhawr ah waxaana guddiyadaasi ka mid ah: Guddiga la xisaabtanka hay'adaha gargaarka, guddiga deegaanka iyo ka guuritaanka guryha dowladda iyo guddiga sahminta iyo arrimaha qaxootiga.

 

Shirkan maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay habeenkii xalay ahaa uun magaalada Muqdisho ka dheceen dagaallo xooggan oo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia oo sida la sheego kaalinaya dowladda KMG ah iyo dhallinyarada reer Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Wasiirro ka tirsan kuwa dowladda oo soo gaaraya Muqdisho, iyadoo kuwo kalena ay ku soo foo leeyihiin

Posted to the Web Apr 18, 10:45

 

Muqdisho (PP) - Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaraya maalin walba wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirradaan lagu wadaa inay kulankoodii ugu horreeyay ee ay u dhan yihiin ku yeeshaan Muqdisho.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay Gobollada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu amar ku siiyay wasiirrada ka tirsan golihiisa inay isugu yimaadaan Muqdisho si ay kulammo ugu qaataan.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaare Geeddi uu doonayo inuu ku qabto Muqdisho tan iyo intii dowladda Soomaaliya lagu soo dhisay dalka Kenya 2-sano iyo bar ka hore shirkii golaha wasiirrada oo ah mid ay u dhan yihiin wasiirradiisa cusub.

 

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu wado in xafiisyada wasiirrada dowladda laga furo Muqdisho iyadoo ay halkaas ku shaqeyn doonaan, waxaana xafiisyada qaarkood la sheegay in lagu qalabeynayo agagaarka hoyga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee Degmada C/casiis.

 

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaaruhu uu damacsan yahay inuu xilalka ka qaado wasiirrada aan soo xaadirin kulankaas, waxaana ka mid noqon doonaa sida la sheegayo Wasiirka Howlaha guud ee iyo guriyeynta Xuseen Maxamed Caydiid oo isagu dhawaan ku biiray Muraacaradka dowladda ee ku sugan Asmara.

 

kulankaan ayaa qabsoomiddiisa waxay ku soo aadaysaa iyadoo dagaallo qaraar ay ka dhacayaan Muqdisho, waxaana haddii uu qabsoomo kulankaas ay noqonaysaa in Dowladdu ay ku shaqeyn karto Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG ah oo magacowday xilal iyo gudiyo cusub

Click here to find Shabelle news in English

 

Mogadishu 18, April.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay isugu yimaadeen maanta xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu magacaabay xilal kala duwan iyo gudiyo.

 

Kulankaan oo ay soo xaadireen wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia, uuna shir Gudoominayay Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max'ed Ghedi ayaa ugu horreyn waxaa xilkii lagaga qaaday taliyihii ciidamada Booliska Gen. Cali Madoobe, iyadoo taliyahaasina lagu badalay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana Generaal Cali Madoobe loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Tanzania.

 

Sidoo kale Kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay C/raxmaan Max'ed Nuur Diinaari in uu noqdo safiirka Somalia u qaabilsan dalka Syria, Sayid Axmed Sheekh Ibraahim ayaa isna loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Uganda.

 

Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay guddiyo ka kooban 3 gole oo kala ah: -

1. Guddiga dadka barakacay qaabilsan

2. Guddiga qaxootiga

3. Gudiga qaabilsan ka saarista goobaha dowladda ee dadku ay dagan yihiin.

 

Kulankaan ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa saxaafadda u aqriyay K/simaha afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Codka.

 

Click here to find Shabelle news in English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this